ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

DHACDOOYINKII DHIBKA LAHAA OO DHAN WAA LOO DHIDBA SIIBAY

Posted to the Web   March 03, 2002

By

Bashir Yusuf 

bashiryusuf169@msn.com 

 

Taariikda waxey na bartay in dhacdo-kastaba dhibaato leh  laga dhiidhiyay markii dhibaatooyinkooda bateen sida duudsiga, dulmiga , adoonsiga , cadaadiska, gumeysiga iyo wixii la hal-maal, oo waxaa taa daliil inoogu filan qabqabtii iyo kabashkabshtii boqortooyadii Rome . EEBBENA nagu wargaliayay quraanka kariimka ah "QULIBATI RUUM''inlagu  cibaaro qaato oo aan dulmiga aan waxba laga dheefayn lana iskaga danbeeyo.

 

Dabcan taariikda tusaalooyin badan ayeey leedahay oo Rome waxaa dulmigii guracana ka gilgishay Spartacus  . Howard fast's oo qoray buuga uu ugu magac-daray Spartacus(1951) waxuu buugaas ku soo gunaanaday qormooyinkan " And so long as men labored, and other men took and used the fruits of those labored , and the name of spartacus would be remmember , whispered some times and shouted loud and clear at other times"

 

Bariga afrikana waxaa yimid Arab iyo Persians kana kana ganacsaday fool-marood, hargaha, iyo adoonsiga oo waxaa la yiraahdaa carabta iyo iraaniyiinttii waxey dhulka bariga afriko ku fidiyeen doonyo iyo masjidyo laakinse markii danbe waxey fidiyeen dhibkii adoonsiga iyo canshuur qaadida . qofba waxbaa la tusaaye soo  boqortooyadii bortaqiiska damac-hunguri magalin soona  kanooni lama dhacin magaaladii marka . qarniba qarni kuu dhib oo qarnigii adoonsiga waxaa ka danbeeyay kii gumeysiga ee qaybiyay qaarada afrika 1885 oo wailba Soomaalida sida guracan loo waabeeyay.

 

1960 Dabaylihii xuriyada soo afrika oo dhan ma saamayn oo 1960 la iskama tuurin heeryadii gumeysiga taana waxaa badashay diktaatooriyadii qaabka darnayd iyadana waa la iskaga daba-yimid . maxaase ka danbeeyay?

 

waxaa maanta Soomaaliya ka jirana waxey raad-raacidoonta taariikha aan soo xusay iyo burcadnimada udbaha loo siibi-doono oo dhacdooyunka sinaba kuma nagaadaan intuu duudsiga ka jiro Soomaaliyana waa lama huran inuu isbadal dhaco

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.