ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

KHASAARO KHAMSO LIIRO

Posted to the Web   April 10, 2002

WQ.

Bashiir Yusuf

bashiryusuf169@msn.com   

 

Daban ganacsiga Soomaalida waa taariikh qoto-dheer leh, oo intii u dheexeysay 1940-ila 1950 .xiligaas oo dalkeena saarnayd heeryadii gumeysiga haddana waxaa jiray ganacsi faafay oo isku xiray deegaano badan kooban dalkeena iyo dalalka xuduudka aanu wadaagno.waxaana ka mid aha magaalooyink sida jiima abaa jifaar, nagayle, doolow, mandheera , luuq ganaane, baydhabo, xamar , marka , baraawe iyo kismaayo oo ay dheex-gooshayay geedi-safar . ganacsataduna ka gasisleen jireen waxyaabo badan oo ka mid ah buunka, dharka, hargaha, malmalka, saabunta, subaga, sangaha(dibiga)  , geela, ariga iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah sida saadka.

 

xiligaas ganacsiga Soomaalida waxuu aha mid dhib badan oo ugu wacneeyd dariiq xumo, gadiid xumo , iyo nabad xumo iyado had iyo jeer ganacsatada maalkooda shifto dhici-jirtay ,haddana ganacsatadu kama quusan ganacsigoodii haba dhib-badnaade haddana halkaas ayeey ka wadeen magacoodu caan way lahaayeen oo  waxaa la oran jiray JEEBLE ama Gadisle.

 

Xiligii xornimadana ganacsiga aad iyo ugu faafay dalka Soomaaliya oo waxaa sahalanaaday waxyaabo badan oo ka mid aha gadiidka oo si xoogeestay .ganacsigana  waxaa  la gaaray heer dayuurada laga soo raaco addis-abeba  min ila cadan , cadan min ila xamar, Zinzibaar min ila Nayroobi oo waxaa kale ganacsatda ganacsigoodi xoojiyay iyadoo faragalin dhaqaale dhaqaale ku samayn xukuumada dalka ka jirtay waxaan ka ahayn canshuur oo waliba waxaa lagu tilmaami karaa waqtigu ganacsiga ugu wacnaa.

 

1969-1991 Gancsiga Soomaalida waxuu gaaray heerkii ugu xumaa oo xuumadii dalka ka jirtay hantidii qaranka ku maal-galisay shaqsiyaad gaar ah oo aan ganacsiga waxba ka aqoon ilihii dhaqaalhana afka u dhigatay nin aan waligii xoolo dhaqana inuu maalin quro ku taajiro asagoon dhibka ganacsiga xirfadeeda ka dhago xiran.

 

Maantase halee ayuu maraya ganacsiga Soomaalidu? Waxaan maqli jiray hal-qabsiga aan cinwaasaday oo aha mid ganacsadadii hore isticaali jireen oo waxey aaminsanaayeen in khasaaro iyo faa'idaba ganacsigu lahaa ninba kartidiisa uu xisaabtami jiray iskana dhowro khiyaamada, ribada, sako la'aanta ,qiimo kordhinta, iyo wixii la halmaalo.

 

wixii ka danbeeyay 1991 waxaa soo if-baxay ganacsato aan ogalayn khasaaro habkii ganacsiga lagu yaqin meel uga dhacay , oo waxay bilaabeen inay lacag faalso ah iska soo daabacdaan iyagoo aan shilin u dhididin maalinkastana dhibka ku hayo ummadda soomaaliyeed.

 

Ganacsigii Soomaaliaya waxuu faraha ka baxay markuu maalin-taajirkii badalay daqiiqad taajir,daqiiqad taajirkana badalay il-biriqsi taajir.

 

Qoraaladii Hore EE Bashiir:



Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.