AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Qaab darada Qoriga !!!!!!

Posted to the Web   February 25, 2002

Waxaa Qoray

Bashir Yusuf

bashiryusuf169@msn.com     

Mar hadda  laga joogo lix bilood ayeey maskaxdayda ku gaagaxatay waxa na dhibay haddaanu nahay Soomaali oo  ah qoriga na naafeeyay loona kasbiyay masiibo taxani ah sida kumanaanka  ubad ee  agoomoobay ,dumarkana weer cad  loo  xiray ,baada baahday ,noolasha qiimo -beeshay, qafaalka iyo boobka mur-qaawanka ah oo loo aaneeyo inuuqoriga  keenay, oo aan marnaba loo xiribo taageyn  oo waxaa macquul ah qoriga iskiis

ma dhaco ee dadbaa  far wax ku gujiya manala  doono in fal-xumada la qaato.

 

Markii ugu horaysay aan qori arkey waxaa laga jooga dhowr iyo sooddan sano markaas anoo hooyadeey uu raacay xabsi uu abtigay markaas ku xirnaa oo sitimaankiiba mar qura ayaa loo ogolaa in raashinka dibada laga keeno marka raashinka la keenana waa la baaraa oo marar qaarkood waxaa laguqu qasbaa inaad dhadhamisid oo aniga waxaan xasuustaa markaanu tagnay irida hore ee xabsiga inaan arkey nin qori cabeesan oo baynaad leh gaarna ah markaan arkayna cabsi ayaan la jareeyay oo waxaan niyada ka iri ala yaa meesha kaa kaxeeyo markaas garwaaqsaday qaab-darrada qoriga .

 

Dabayaaqadii 1978kiina  waxaan nasiib uu yeeshay inaan qori gacanta ku dhigo iyadoo markaas aheyd tababar aan markaas aan xalane aan ugu jiray ,in badana aan ku gaardiyay qori aan xabad lahayn iyo layliskii sanbaloollshe.

 

Dabcan marxalada Soomaaliya maanta ka jirtaa ka duwan tii hore oo waxaa qoriga lagu arkaa meelkasto waxaan ka ahayn masaajid ha noqoto rugta-ganacsi, baabuur magaalooyinka isaga dhex-goosha, xerooyinka samafalka, biibitooyinka, shaneemooyinka hortooda, dariiqayada , hooteelada, bushashka qaadka  iyo meelo kale.

 

Qoriga dhibkiisu ma yaro mana aha wax la soo kobi-karo , qatartiisana waa mid waa midaan la iska daga tiri-karin oo qorikasto la sito qudhbaa baxdo

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited