ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Dad Qalatada Cusub.

Posted to the Web   March 31,  2002

WQ.

Bashir Yusuf

bashiryusuf169@msn.com     

 

Dabcan Soomaalidu dhalaankooda dhagaha ugu sheegaan sheekooyin salal leh, kutiri-kuteena ah sida dhag-dheer oo mindi daabad lehna sidato. wixii dhalaanimo na lagu sheegay ayaad waxaad mooda inay dhaboowday oo maanta Soomaaliya waxaa ka dilaacday waraabo-dadow badan oo maalinkastaba wax dhooxo.

 

Haddaba waa kuwee dad-qalatada cusub? dad-qalatada cusub waa kuwa afcaashooda si bareer ah  noogu muuqato waana kuwo dhagar xanbaarsan  oo walina dhibka dalka ka wada , waa kuwii kal hore dooxay Cawil, Abyan, Elman , Talan, iyo inta ubad ku agoomoobay Soomaaliya.

 

Liiska dad-qalatada waa mid dheer oo taxane ah, magacyo badan huwan sida Ganacsade, afahayeen, qab-qable, madaxweyne, la taliye, kitaab-gaab, dalaale, daba-qalooc, garaashle, daroogale, buushle, ku meel gaare, codeeye, ansixiye, xil-dhibaan, gori-gade, hay'ad keene, af-duube, maryo-calas, baad-qaate, jid-gooye, qabiil-quute, shisheeye dawarsade, buun-buuniye wariye , shaki-beere, aqoon-dumiye, web-waabeye, caydh wax ku alhuumeeye, beel-beeleeye, been-abuure, darajaale, dacareeye, dabo-tukube, danlaawe, dib-jire, lagu daneeste, dirire, dab-shide, mooryaaneste, bililqayste, qashin-qube, xaalufeeste, gomo-gooste, waxkaskasto anaa leh, kala -dhantaale, dira-diraale, danayste, u qayile, qowsaare, boobe, dhalan-roge, heeryo-cune, dhalo-siiste, iyo inta is qariska ah.

 

waxaana dhab ah in liiskaas in dad badan oo Soomaali ah ka turjumayo iyo sida xilkas darida ah dalkoodi u dumiyeen walina lagu dhago -adag yahay inaan marnaba la heshiin waayo shirkasto la qabto waxaa horboodayo damaca liiska dheer aan dhamaadka la heyn.

 

Geel labo jir soo wada mar dhalaankasto  Soomaali ahna waxyaabi lagu cabsiin-jiray ma ahayn ula-kac oo ujeeda waxay ahayd in daarada aqalkooda dhaafin kuna habaabin meel cidla ah , maantase dhalaankeenu uma baahno wax lagu salalo oo kutiri-kuteen oo waxaa sida dharaarta ugu muuqato dad-qalatada cusub oo ehelkooda maalinkasto fagaarha ku dhooxato.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.