ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


MAANDEEQ IYO MAAFIYO

Posted to the Web   April 25, 2002

WQ.

Bashir Yusuf" 

bashiryusuf169@msn.com 

 

Waxaa hubal ah oo aan marnaba la qarin karin dhibka soomaalida dhex-yaalo waa mid ay soomaalidu isku keeneen oo aan marnaba shisheeye loogu aaneenayn waayo intey soomaalida meela kale faraha ku fiiqayaan siyaasadu wey maldmi waana lagu marin-habaabi oo in xal -waaro la gaarana yaan cindiga la gashan.
 
10 sano ee la soo dhaafay markaad Soomaalida weeydiisid sidee wax u dhaceen? waxaa durbadiiba maqashaa reer habil ayeey u dagi-weeyday mushkilada Soomaaliyo oo reer habel waa kuwa ku jira boobka iyo dhaca oo aan marnaba rabin in qaran la dhiso ? reer habel madax ma leeyihin lala hadlo inay joojiyaan dhibka ay ummadda Soomaaliyeed ku hayaan? reer habel maxaa ku saliday madax tirada badan? reer habel maxaa dhagaha jufay? reer habel maxey dagaal ugu haligmeen? reer hebel cuqaashooda iyo caaqiladooda maxey ugu caasiyeen? intaas iyo in kaleba reer habel lagu sheeg.
 
Haddaba markaad dhuuxdid su'aalooyinka badan oo aad dhab ahaan u kuur-gashid waxaad ogaan markiiba reer habel waxaa qafaashey maafiyo aan reerkaba naxariis u heyn oo waliaba ciribtirka ku hayo kuna diray ummadda Soomaaliya iskuna diray jufooyinkooda . Cusmaan caato, Maxamed qanyare afrax, Cali mahdi, xaaf iyo madax ku sheega dkm waa maafiyo ka macaashey sunta halista ah ee lagu qubay carigeena nimaankaas waa kuwa haligay reerkooda caqabadna ku ah dhismo qaran Soomaaliyeed oo waa kuwii mar hore hashi maandeeq bacaad ku lisay.
 
Dad xumo reer walaba laga hel oo maafiyaduma  waa ilko yaxaas oo kale oo korka waxey natusaan inay kala fogyihiin laakinse hoosta ayeey ka xariiraan taana waxaa kugu filan shirkii carta iyo cidii ka danbeesay oo waxaan Soomaali oo idil caad ka saarneyn qaabka uu Geele ku dhaqmay , qaabkuu walaalkiis u dhintey iyo haweenayda faransiiska ah ee wali daba-taagan .
 
waa galad RABi haddii maafiyada hadda isku muuqdaan oo damacoodu gaarsiiyay inay ku hardamaan furitaan dakada iyo gagada dayuuradaha xamar .Soomaaliduna waxey arkidoonaan kuwii dhibka dalka ka waday oo reer waliba leh waxaana reer u hari kuwa maandeeq maroorindoona maafiyada mahaniga ah maanka yar ha joogeen Bari, jabuuti iyo xamar.

Qormooyinkii Hore EE Bashiir:


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.