ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Gaajo iyo Garas...

Posted to the Web   April 17, 2002

WQ.

Bashir Yusuf" 

bashiryusuf169@msn.com 

 

Noolaha oo idil ka siman gaajada haddana waa waxaa ay maalin iyo habeen halganka ugu jiraan sideey uga haqabeeli-lahaayeen darxumada gaajda oo dunida aan ku noolnahay waxaa jira dalal iska xilsaaray oo aan marnaba ogaleen shicibkooda macaluulaan.  waxaana dhab oo aan laga indha qarsan karin inay dunida haatan uu qeybsan tahay labo qeybood oo kala ah dunida saboolka iyo dunida hodanka amase barwaaqo-sooranka . waxaa su'aal ah qaarada Afrika ku saladay macaluun oo aan marnaba isku filaan loo gaari waayey?

 

Dabcan jawaateeda su'aashaas waa mid sahlan oo waxaa markiiba maankaaga kusoo dhacdo madax qumani qaarada kama taliso , waana kuwa dhibka hoday qaarada mana ka dhiidhiyaan darxumada macaluuleed ee ku habsatay dadkooda ,waana kuwa colaad maciinsaday kuna macangagay xukunka baas ee qoriga lagu qabsaday qorigana lagu dagay.

 

Madaxdaas xun ee qaarada sumcad xumada usoo jiiday waliba garaadkoodii ka yeersiiyay sida Mengistu Hailemariam markii lagu wargaliyay shacabkii abaartu naafeeysey waxey cunaan ma heystaan yiri " Mey cunaan ciida" macaluusha geeska Afrika waa mid taariikh dheer leh dad badana ay ku hoobteen gaajdaduna waxey soo taxneeyd ila iyo xukuumadii mililiq dalka itoobiyo Soomaaliyana waa la mid oo suldaankii puntland biloowgii qarnigii 19naad markuu 360 maria theresa dollars ingirska ka qaadanayay dad badan ayaa ku macaluulsanaa dooxada nugaal godan.

 

1969-1991 xukuumada dalkeena ka talin jirtay waxey ballan ku qaaday la dagaalan saddex cadow oo kala aha Gaajo, Jahli amase aqoon daro iyo qabiil . saddexdii miro dhalkeedina waxey noqdeen daba-dheer , amar ka qaadasho askari jaahil iyo dagaal sokeeye. nasiib darada Soomaalida heysana waxaa ka mid kuwii dhibka keenay ayaa wali xukundoon ah horena hawada raacsiiyay saddrxdii halqabsi .

 

1991- 2oo2 waxaa soo if-baxay kuwo ka macaasha macaluulasha oo fakti horeba qaateen qori wax lagu boobo in raashinkii mucaawina ahaa isbaaro loo dhigto kuna kalifay ummadd badani inay garas calashadaan.

 

Waxaa aniga yaab igu dhaliyay mar aan dib uu eegay qoraal muhiim ah oo ay wada jir u soo saareen khubaro afrikaan ah oo dalal badan ka yimid laguna qabtay magaalada London bishii august28-30 sanadku markuu ahaa 1987 waxey qararkoodii ku soo gabagabeeyeen 16 qodob oo wax ku ool ah . anigo haddana yaaban waxaan dhex xushay 16 kii qodob koowaad oo sidatan ah ' Every effort must be made to re-establish peace with in African satates , regardless of location , religion, identity, or race , so as to put a stop to famine and injustice with in the continent.'  waxaa hadda kasoo wareegtay 15 sano markii erayada lagu dhawaaqay . maxaase ka danbeeyay?  waxaa ka danbeeyay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, kii xasuuqii Ruwanda, kii congo, abaartii ogaadeenya, tii gado iyo kuwo kale. 

 

Inay madaxdaas qaarada ka talinayaan gaajada garas waa loo cune .

 

Qoraaladii Hore EE Bashiir:

 


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.