ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

SIYAASADA SOOMAALIYA MA SAL-DHIGO DOONTAA MISA WAA SIDII IYO SINBIRIIRIXII?

Posted to the Web   March 11, 2002

Waxaa Qoray

Bashir Yusuf

bashiryusuf169@msn.com


Waxaa haatan lagu raja qabaa in shirka  keenya inuu noqdo mid waxtar leh iyo in Soomaalidu hanato haybadeedii qaranimo oo in mudo ahba hawaawi aheyd iyo in la dhiso qaran loo wada dhan yahay  lagu dadaalo sidii ummadda Soomaaliyeed  oo midaysan qarankoodii uu dhisan lahaayeen lana soo afjaro colaada iyo is qab-qabsiga siyaasadeed iyo xal-waaro loo helo mushkilada Soomaaliya ka taagan.

 

Dabcan Aniga waxaa aaminsanaa in badan in siyaasada soomaaliya sinbiriirixsanayd seexashana lagu jiray iyo sifihii sicii dibiga dhalay oo inta shir soomaalida loo qabtay mid miro dhaliyay ma jiro oo wada ogsoonahay kii carta oo wali gurguurad ah amase fadhi ku raag ah.

 

Madasha keenya lagu qabanayo ma ka duwanaan doonaa kuwii ka horeeyay oo mid walba fashilmay oo kooxba koox eeda dusha ka saartay iyo kharajkii Carabta, UN  iyo IGAD hoteelada lagu cuno.

 

Run ahaantii shirka keenya waxaa mooda inuu ka sahlanaan doona kuwii hore oo dalaal badan ayaa haatan daneeyo arrimaha Soomaaliya sida dawalada Maraykanka,Ingiriska, Talyaaniga, Igad iyo UN.

 

Soomaalidu waxey haatan ku qasban yihin oo cadaadis ayaa saaran iyo in laga daalay caga jiidka siyaasadeed iyo marxalda adduunka is badalay wixii ka danbeey september 11 oo laga baqayo in Soomaaliya noqto hooyga mitidyada timo-weynta.

 

Shirka keenyana waxuu noqon karaa shirarkii Soomaaliya soo maray midkii ugu qalafsan iyadoo aan la iska indha tiri karin waxyaabahan soo socdo oo kale ah :-

  1. Kooxda carta oo doonayo inay madasha yimaadaan ayagoo sheegano dawladnimo kuna eedeenayo Itoobiyo inay SSRC dabada kasoo riixayso. 

  2. Kooxda ssrc labo qaybood ah  kooxna way falaagoobeen sida Caato iyo mowlid macaane kooxna waa mitid sida Xuseen caydiid iyo asxaabtiisa . 

  3. Buntlaand oo labo ukala dhantaalsan iyo labada korneyl ee kuleetiga is haysato iyo ruwaayada ka socto buntilaand iyo wixii ku dhacay isku duubanaasishii lagu yaqin reer Buntland. 

  4. Soomaaliland oo madasha aan xaadir ka ahayn  iyo kooxda carta ku tilmaamo dalka dagan gomogosato huriyana colaad la mid ah tii Kismaayo iyo tii Bardheere.

  5. Kooxda xamar ee markastaba hardamo oo ukala qaybsan dhowr.

Haddba waxaa yaab ah qodobada aan sheegay oo shanta ah intay jiraan siyaasada Soomaaliya wey murkacanaysa mana sal-dhigi doonto oo waa sidii hore iyo sinbiriirax .

 

Waxaa kaliya  laga gudbi karaa marxaladan marka danta guud loo tafo xeyto lana hilmaamo koox-kooxsigii alifna laga soo bilaabo sidii qaranimada dib lagu soo hanto.

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.