ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

Bayaan Beelaha Gobolka Bari: AYNU KALA DOORANO GOBANIMO AMA GUNNIMO Bosaso, Somalia

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 13, 2002

Posted to the Web   January 13, 2002

Waxaa Qoray

Jama Mohamed Samatar

xaajijaamac@hotmail.com

 

Ku: Isimada Puntland,

Ku: col. C/llaahi Yuusuf,

Ku: Siciid Maxamed Garaase & Jaamac Cali Jaamac,

Ku: Wax-garadka Puntland,

Ku: Culumaa’udiinta Puntland

Ku: Haweenka & Dhalinyarada Puntland.

AYNU KALA DOORANO GOBANIMO AMA GUNNIMO

Bosaso, Somalia

Waa bayaan ay soosaareen beelaha: Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil, Nuux Jibraahiil, Ugaar Saleebaan, Muuse Noolays, Wabeeneeye, Siwaaqroon, Ismaaciil Saleebeen, Cabdiraxiim . 

Dhamaan shacabka Puntland saan filaynu waxaa lasoo gudboonaatay ceeb iyo sumcad xumo aanan weligeed lagu riyoon, waxaan maraynaa xilli ay dadku maqaayadaha kaga sheekaystaan waxyaabaha foosha xun ee maanta ka taagan dhulkii la’oran jiray Puntland, raalli ka noqda haddaan sidaa niraahno, maadaama aanu jecelnahay wanaagga laakiin maanta aysan jirin wax matala maamul ah oo Puntland ay leedahay.

Maaha wax lala yaabo in C/llaahi Yuusuf isku dhejiyo xukun, waayo taariikhdiisa ayaa ka marag kacaysa, waxaase wax lala yaaba ah in nin magac Isim sheeganaya iyo rag siyaasiyiin ah, watana dano gaar ah iyagoo raba in magaca Puntland ay lahoos fariistaan Ina Salaad Booy, ay dagaal ka abaabulaan magaalada Boosaaso.

Waxaa marag madoonta ah in shacabka gobolka Bari ay wadeen shirar ay xataa ugu direen martiqaadyo mutacalimiintooda jooga dalka dibaddiisa sidii dhinacyada isku haya maamulka Puntland loo kala dhex geli lahaa; laakiin dagaalkii dorraad ka dhacay magaalada Garoowe ee ay qaadeen ciidamo ay kala hoggaaminayeen marxuum Faarax Dheere iyo Suldaan Garaase ayaa wuxuu nagu noqday dhabar jab aanan marna filanayn. 

Canbaarayn:

1)      Waxaan canbaaraynaynaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay dagaalkii ka dhacay Garoowe;

2)      Waxaan canbaaraynaynaa dhamaan dadka doonaya inay iska horkeenaan walaalaha PL;

3)      Waxaan canbaaraynaynaa dadka u dagaalamaya sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen magaca iyo sharafta Puntland;

4)      Waxaan canbaaraynaa col. C/llaahi Yuusuf, maadama uusan wax tixgelin ah siin Isimada sharafta iyo haybadda mudan ee dhawrka jeer ugu yimid sidii ay taladooda uga dhaadhicin lahaayeen;

5)      Waxaan canbaaraynaynaa Siciid Maxamed Garaase & Jaamac Cali Jaamac, maadaama ujeedada ay lee yihiin aysan ahayn in Puntland maamul hagaagsan loo sameeyo, balse ay tahay inay Xamar la tagaan magaca Puntland;

6)      Waxaan canbaaraynaynaa Xasan Abshir, C/llaahi Boqor Muuse iyo ragga kale ee martida u ah Ina Salaad Booy, doonayana inay gubaan shacabkooda, iyagoo raali ka ah inuu Ina Salaad Booy haysto Kismaayo, waxaan raggaas oran lahayn: waxaad dhaawacdeen sharaftii shacabka Puntland,  

Waxaan saluugsan nahay doorka ay gabeen aqoon yahanadeenii iyo Isimadeenii nabadda iyo wanaagga ka talin jiray, iyadoo aan maanta arkayno qaar kamida aqoon yahanadii dalku ku tashanayey oo abaabulaya dagaal iyo Isimo sheegaya inay dagaal abaabulayaan taasoo ah Adduunyo Gaddoon marba haddii Isin isurogo Dagaal ooge. 

ARAGTIDA BEELAHA GOBOLKA BARI

Inta badan beelaha wada dega gobolka Bari wax lug ah kuma laha dagaalka ka socda PL, ama la damacsan yahay in laga huriyo gobolka, sidoo kale C/llaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac midkood lama safna.

Beelaha gobolka Bari waxay canbaaraynayaan magacaabiddii Jaamac Cali uu xilal kala duwan u magacaabay ILMA ADEERTIIS; waxay kaloo ugu baaqayaan labada nin ee xilka isku haysta inay labaduba katanaasulaan sheegashada ay sheeganayaan madaxtinimada, lana qabto ugu horrayntii shir ay isugu yimaadaan dhamaan Isimada Puntland, si loo lafaguro bal meesha wax ka qaldan yihiin, isla markaana go’aan midaysan laga qaato maamulka Ina Salaad Booy; maadaama shacabku isku tuhmayo in qaar ay daba dhilif u yihiin ina Salaad; marka go’aan cad laga qaatana loo gudbo doorashada madaxweyne, iyadoo shardi looga dhigayo in qofkii madaxweyne u noqda Puntland hadduu magaca PL la tago Xamar xilka laga qaadi karayo.

Arrimahaas oo dhan waxay meesha ka saarayaan in maamulka uu nooqabto nin PL gacanta u geliya Ina Salaad Booy.

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dadka aanan u dhalan mandaqadda inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha ee Puntland. 

Jaamac Maxamed Samatar

xaajijaamac@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com