ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Wax walba diidnaye maxaynu dooni?

Posted to the Web   May 19, 2002

WQ

Bile Cali

 keyne55@hotmail.com  

Bismilaah.
Anigoo warka nuxurkiisa horay ka abaarayo soomaliyeey warkeenu ma hadwalba wixii maqan baa wanaagsan miyaa.
Goormaan ciladeena qiraneeynaa oo nafteena markaas runta aanu usheegi mise waligeen meel walboon joogno nafta madadaalada beenta ayaanu ku wadeeynaa, oo goor walbana dembiga cidkale aan dhusha ka saaraa.
 
Markaan wax badan u fiirsaday waxaan ogaaday ruuxii isku dayaa in uu tiisa shaqsiyanka ah sida danaha caruurtiisa iyo xaaskiisana kumashquulo sidii mustaqbal uu ugu sameeyo, cudur badanaa ka baxo oo nacayb iyo qod qodida walaalkiisa soomaali wuu ilooba dhibta loogeeystana waa uu ka xumaadaa, waxaana halkaas kas ka baxda oraahdii ahayd ruuxa camal la aanta ah xaakin buu isu badalaa.
 
Hadaba ninka camalka kadhigtay in uu qoraal ku dagaalamo oo  walaalkiis caaydiisa colaadiisa iyo fogeeyn tiisa ku daalayo waxaan leeyahay horumar arintaas malahan horay waxii looga gun keeniwaayayna waxba ku keeni meeysid, naftaada waanso waligaana soomaali baad tahay cadawga necebna waaku neceb yahay kan jecelna waa ku jecel yahay.
 
Aakhiradaada toosi qabrigana kaligaa baa lagugu xarayn soomaali kulama gelayo xasuusnoow,xaalada hada lagu jirana walaalaha waxba  hakala fogeyn.
 

.qore.Bile Cali      

Oslo, Norway

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.