ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Yaa xukuma Puntland, Somaliland iyo Xamarland

aaa

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 14, 2002

Posted to the Web   January 14, 2002

Waxaa Qoray

Burhaan Jamac

burhanj@lycos.com 

Qarannimadu waa sida markab weyn oo raran, caaddanaka jooga dad, duunyo, iyo maal noocyadiis. Dadka saaran qaar ayaa markabka ku nool haba kala badsadeene, qaarna markabka ayaa ku nool xooggooda, aqoontooda iyo xoolahooda haba kala badsadee, la'aantoodna aan socon karin sida kuwa uu u raran yahay, kuwa wada, kuwa ilaaliya, iyo kuwa hagaajiya hadduu xumaado.

Qaranimadii Somalia kolkey burburtay, nabad galyo la'aan awgeed ayaa qof walba wajiga saaray degaankuu is lahaa waxaa dega dad aad abtirsiiye wadaagtaan oo laga yaabo in aad dhexdooda ammaan ku heshid. Deegaannadii waa hore caasumadda looga guuray oo guryo-balool laga qaxay soddon sano ahaa, ayaa dib loogu soo qaxay. Ha yeeshee, dadka soo laabtay iyo kuwa qurbaha uga soo hiilliyey waxay ku soo biiriyeen deegaannadaas aqoon, iyo ilbaxnimo dheeraad ah.

Aqoontaas iyo waaya-aragnimadaasna waxaa loo jaheeyey nabad ku wada noolaasho, ismaamul iyo horumarinta bulshada. Taas waxay dhalisay in ay degaan walba si dadban uga muuqatay kaalinta dadkeedu uga jiray markabka qarannimada.  Kuwii dawladnimada ku noolaa deegaannadoodu aad ayey uga dambeeyaan xagga horumarka, ammaanka iyo ismaamulka kuwii qarannimadu ku socotay oo cagaha iyo maskaxda u ahaa.

Deegaannada ammaanan oo Somaliland caaradkooda tahay, waxaa ku jira Puntland. Libintaasna Eeeba ka sokoy waxaa soo hooyey guud ahaan shacabka degaannadaas, gaar ahaan rag iyo dumar la soo ciidmay waaya-aragnimo, aqoon iyo xirfado kala duwan. Naacaw caafimaad, yididiilo horumar, iyo reynrayn xornimo hor leh ayaa saamaysay goballadaa. Abuurkii lun-cadkana dubte curdankiisii, iyo dhabannacstiisii, xilligeedana rajey weyn ayey ka qabaan in ay goostaan oo ka haqab beelean miraha dadaalkooda.

Xamarland
Awood dhaqaale, ciidan, iyo shirar nabadeyn adduunku waa kala quustay inay nabad waarta iyo maamul ka dhaliyaan Xamar. Ugu dambeyn sidii qori iyo qiiciis ayaa la isla tuuray. Haddana heer ayey gaareen rajada kali ah oo ay qabaan tahay in America soo weerarto bal iney lufluf ka helaan ciidamada ajnabiga ah iyo in ay ganacsadaan birta gantaallada lagu soo ganayo ku jirta. Ma qabo dagaal oogayaasha oo kali ahu in ay nabadda iyo kala dambeynta ka soo horjeedaan. Hal gacan faraheed rag lagu tirin karo ummad dhan oo dhigeysan ma maquunin karaan. Baroortu orgiga ka weyn! Waa dadka degaanka kuwa nabadda diiddani, waa dad badan, badan oo badan, rag iyo dumar leh, yuug iyo wamaayuug, waxaana ka mid ah:

  • Wiilasha hubeysan oo ku waayey degaalka sokeeye aabbayaashood, hooyooyinkood, walaalahood, xididkood, xigaalkood, dariskood iyo saaxibbadood.  Dekano galay, dhagaroobey, eedoobey, ceeboobey. Dhiigga uriyey, dabadeedna uu qooyey, nin qoyanna biya iskama dhawree, sii bahaloobey, sii ugaaroobey, kana dhaga waraaboobey, waanada aadanaha dayoo, tan damiirkoodu leeyahay, "War sidaan si maahee, wax iskula hara!"

  • Waa kuwa hubeysan oo hoy la'aanta darbida la jiifa, qaaqlaha subeehiga jirda-go'an ah, xayraanka xiiraya oo shaqada la', nacayb iyo xaasidnimo ka meel waayeen oo cid ay u naxayaan iyo wax ka lumaya ayan jirin haddii cirku soo dumo. Qorigoodana qasriyo samada uga dhista markey wax liqaan.

  • Waa curyaannada qoryahu u cabbeysan yihiin oo maxaa ii dhawsanta haya, walina aan fahmin qadiyad waafi ah oo ay addimmadoodii uga samraan. Caanana aan u kabban inay curyaamiyaan, ciddey maalintaa qadadeeda ka helayaan.

  • Waa hooyooyinka gablamay, carruurtoodii waayey, baroortii ka idlaatay, xididdada ilmadu qallaleen, ciil iyo caro darteedna jaadka iyo daroogada ku hurgufa abkey dhiig yacab qori iyo rasaas haysta.

  • Waa hantiilayaasha xubeerada ahaa oo kala shubaya hanti ay dhaceen ama ku habsadeen. Iska daba keenaya lacag shucays ah oo ummadda lagu dhaco. Ciddii diiddana, ku dalbada waardiyahooda.

Intaa iyo kuwa kaloo jira oo ayan dan u ahayn dawladnimo, garsoor iyo xasilooni ayaa dagaal oogayaasha xukuma. Dagaal oogayaashu waa ku khasban yihiin in ay hor boodaan rabitaanka kooxahaas, magac iyo culays siyaasadeed oo maqaar saar ahna u wadaan, hadii kale garabkoodey ka baxayaan hubkana waa kala dareerayaan, carra qaa quud ee ha la qarafsado. Dhabta iyo dhaqanka Xamar ka jira hadba cid ayaa ku soo biirta. Wiil jiilaal dhashay waa reerkooda wax la qabee, dawladda Carte, dadkeedey dhinac ka raacday. Dhaqaalahuna waxuu u saamaxay in ay qortaan jirridii ugu hub, dekano iyo dambi badneyd si ay u cabburiyaan dagaal oogaayaasha kale. Sannad iyo hodhodo ka dibna, huteelley go'doon ku yihiin, dibadda kuma soo kaadshi karaan.

Puntland
Heerkaa Xamar iyo mid u dhow Puntland ma gaarin. Haddiise ay tii Rabbi noqoto, oo hubka Godey iyo Ceel Macaan laga soo daabbulayo Puntland goob lagu tijaabiyo noqoto, faraha ayey ka baxaysaa, waxaana xukumi doona kooxo kuwa Xamar labaya oo kale ah. Islaantii Maamma Puntland ahayd wali kama bixin. Waa dhaqmaad, waa dhaleysaa. Waxayna dhali doontaa wiilal  dhaadheer, gaagaaban, cadcad, madmadow oo muddo yar dagaaloogayaal Rabbi iyo Islaamba kadeecay oo hoosta ka xarriiqan u xuub siibta.

Puntland hadda cidi ma xukunto, waa baylah. Waa hadimmo aan xeradu tabin. Waa baadi aan la deydayin, kii lahaana laba lugood isu daba dhigin ayadoo u muuqata. Waa baantoy la eryey oo cidla geesaweyn, waa jawharad luntay oo gorofsan xero laga guuray. Kii lahaa nacay, kii rabeyna diiday, kii qaadayna dhigay, kii liqayna tufay, akhas calyek! Waxaa isku haysta oo i jiid aan ku jiideeda haya, islaweyn faaruq ah, isuqabe an loo qabin, siyaasi jeelkii kacaanka lagu maray, kharfay oo darooriyey. Aqoonyahayan shihaado meel suran ah, waligiis aan adeegsan waxuu bartay, shihaadiisu wax ka cunsiiso shirarka iyo Alle-bariyada. Isimmo siyaasadda gabbal-dayaha ku dacfaray, colaad iyo nabadna iisaga gedmeen. Intaa waxaa u dheer haraagii kacaanka oo durbaanno ku gaardiyaye, ganacsato aad mooddid in ayan dalka u dhalan iyo daraawiish beer ku xaraysan oo jaadkooda loo dhigo sida xoolihii,  mu'ayid iyo mucaarad midna noqon weydey, nabadda iyo colaadduna ayan ku hayn qabow iyo kuleyl toona, iska raamsanaya, bal adigu amar si dheh! Labada ugu dambeysana waa wadaaddo qibladii loo tukan lahaa ku heshiin waayey oo laba labo lid isugu ah,  dheereyste, gaabsade;  xiire, la baxe; xire, fure, cabbe, san-qabsade; arke, seexde; taage, salaame;  iyo ugu dambeyn Dagaaloogayaal  yaryar oo shabakadda internetka dufeysyo ku yaal ka dhaarta.

Ayaan darro si dheh! Intaasoo habar dugaag isla ah iyo kuwa u kala hiillayow, anigoo og, guubaabo iyo hees in ayan kicin ummad dareenkeedii tii Alle u timid oo laysku duway, ogna in waano abuuris ka horreysy, isla markaasna og tii Miidaamo ahayd in aan dhagaha loo daweyn oo ayan maqli karin dhawaaqa malagga fiinta yeyreysa,  bal aan iraahdo, "Waar yaadhahee, waa bal suga! Saad wax leedihiin? Waar yaadhahee:

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Ku fariisadka, hadda ma ahan qaadashada iyo lahaanshaha, hal kursi oo qur ah, qalalaase ha uga dhex aloosina walaalaha is raba oo abtirsiga iyo darisnimadu ku dhexayso.

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Degaankan ha ka curinina ismaqal iyo kala dambayn la'aan. Dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho, haddaad reysana lagugu soo maqan, haddii lagaa raayana kabahaagaa kaa roon, ku deysay. Halna ogaada, taariikhda laguma hayo Soomaali maryooley kala adkaatey.

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Sida ay idiinka sidbatay mooyee, idinkoo huba eelka Soomaaliya la soo noqon la'adahay, adduunkuna u caalwaayey, inuu yahay boogihii dagaalka sokeeye oo si kastoo loo dhayey buskoon waayey. Miyaad goor aan goor ahayn durbaankii colaadda yeerineysaan!

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Haweenku waa laf dhabarka dhaqaalaha iyo kobcinta ummadda. Abaalkooduna waa in ay ku nastaan ubadka ay ku tiir iyo tacab beeleen. Ha gablaminnina oo ha toleysiinnina.

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Dhallinta Puntland badbaado ayey ka qabaan quusta, nacaybka, dhaca, dilka, kufsashada tabaaleysay dhallinta Xamar, waxaana ku weyn rajo ay ka qabaan nolasha, tabcashada, aqoonta, xasilloonida, ammaanka, hantida dadka, tan dawladda ee haka luminnina dareenka nolasha, damiirka sharafta iyo daryeelka naftooda.

  • War yaarahee, see wax idinka yihiin? Soomaali markay habar habar iyo oday oday u kala baxday, beesha Daarood oo dhan, ayaa Puntland ku dhaata, indha ku nuurta, ku faanna oo cadowgana ku guula. Dawlad gobaleedyo kale intaad u sameyn lahaydeen ayaad u soo dhigateen in aad damisaan ileyska rajo oo ugu bidhaamaya Puntland.

Somaliland

Somaliland dadkeedii ayaa xukuma. Jirtaayoo ayan markii hore ka badneyn arrintoodu ficilo iyo yaan lagaa badin, adduunkana tus si laguu citiraafo in aad Somalida kale ka duwan tahay, ka gobsan tahay, ka sharaf badan tahay, ka ilbaxsan tahay, ka aqoon badan tahay, ka dhaqaale badan tahay, ka reer galbeedsan tahay, ka carabsan santahay, misna dadaal ma lumee, si dadban ayey dheeftii dadaalkaas ugu horumareen. Waaya-aranimo iyo aqoon ayey kaashadeen. Danta mucaaradkooda iyo mu'ayidkooda ka dhaxaysa ayey garteen, habsamina u qabsadeen. Xornimadii caagtey iyo dimqoraadiyaddii asaruurantey ayey soo qufteen, marsadeen oo ku dhaashteen.

Soomaali maryooley is wadda degaankeediina hanatay, wixii laga sheegaaba waa tii Sanqoole Berbera geysey. Waxaan dhawrin waagey Somaalida kale u soo gurmadaan, gaar ahaan Puntland oo aqoonteedii, taariikhdeedii, ilbaxnimadeedii, iyo waaya aragnimadeedii hal bacad lagu lisay noqotay. Beenowdey, oo sidii baraf dhalaashey.

Somaliland ha noolaato!  

Burhan Jama
burhanj@lycos.com 

Akhri Qoraaladii Hore ee Burhaan 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com