ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Casriyeeynta ka Ganacsiga Dadka Qaxootiga Kenya

Posted to the Web  June 12, 2002

WQ.

Burhaan C/rahman Xasan (Fuje)" 

burhaanfuje@hotmail.com 

 

Marka laga sheekeynayo, dhacdooyinka aduunka dadku waxaay aad ugu hami taagaan, isbedelka cusub ee markaas ku soo siyaadey dunida, qofkuna waxuu ka sheekeeyaa waxuu joogey oo uu arkay, iyo waxuu maqlay oo looga sheekeyey, hadaba waxaan manta maqaalkenaan ku soo qaadanayaa dhacdooyinka ka dhaca kenya, kasoo aan ugu magac daray casriyeynta ka ganacsiga dadka ku nool

Kenya, aqristayaal sidaad ugtihiinba, hadii qaran burburo waxaa laga dhaxlaa dagaal,sokeeye, baraka,xaalufin degaan iyo waxbarasho la aan ,12 sano ee dagaalad sokeeye kasocdeen dalkeen hooyo,

Wadanka kenya waxaa u soo barakacay dad badan, dadkaas oo ay xir xiraan askarta dalka qabqabata oo xabsiyada geeya, kabacdina ka ganacsada, qofkii aay ka waayanah maxkamad geyn jirey, ku na soo oogi jirey danbiyada hadba key doonaan ee u lacag badan, waxaana sidaas loga gadanjirey max buuskii, hadii uu sharic wato waxaa lagu soo eedeeyaa, waa nacaayey ama waqti xun buu socdey ama inta laga

Jeex jeexo shariciga, ayaa maxkamad, saas lagu geeyaa dib waxuu doono haka hele waxaan cabasho, ugudbinjirney madaxda wadanka, inkastoo aysan wax ka qabankarin midmid ka hadlaa waa jiraa, waxaay arinto saas ahaataba waxaa dhacday saldhigyada silii waa xafada somalido degentahaye midkamida, in laga bedeley taliyihii haystey saldhigaas iyo asakartii horarka ahaayd, ee qadanjirtey waxaay kaa hesho waxaan nafisney mudo bil ka yar, waxaa noo xigey qabqabasho, iyo qafaal iyo guryahoo inta la soo qaato baabuur cad cad la soo hordhigto gurigaaga lagaa kaxaysanaya dadka jooga markaasa, lageyaa magareeshinka kenya laguna soo eedeynayo dhawr qodob oo midkiiba yahay 20,000 ama 1 sano iyo 6 bilood qofkiiba,

Hadaba waxaay is wediinto tahay cabashadaan cabaneyney miyaa nalooku bedeley sidaan? mise askartii baa dhaqalo fiican ka keni weydey dadka? oo magareeshinada iyo maxkamada ayaa xabadka u garaacday ka soo dhaalinta dhaqaala wadanka soo geleya in eey ka kenaan dadka ?

Waxaad arkeysaa xabsiyada markaad soo martid ama aad qof ka fiirsaneysid dad aad u badan oo maxkamad loo siiwado iyo kuwo laga kenayo, ayadoo lagu wado baabuur qafilan oo aan lahayn meel laga neefsado, meesh yare duleeshaana waxaa afka saraya marba kii xoog badan ka kalana waa lagu tuntaa, sidii ku dhacday habartii somaaliyed ee sitimaankaan ku dhimatay baabuurka dhexdiisa ayadoo maxkamad loo wado

Hadaba, somaliyey waxaad ka shaqaysaan ama u istaagtaan midnimado qaran soomaaliyeed sidii lagu heli lahaa

ilaahay dhibka hanaga saaro aamiin aamiin

bye burhaan c/rahman hasan (fuje)

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.