AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

HADDII DAACAD LAGA YAHAY GARTA PUNTLAND KA SOCOTA  WAA LAGU GUULEYSAN LAHAA XALINTA KHILAAFAADKA.

Posted to the Web   February 17, 2002

Waxaa Qoray

Abdulmalik Qarkasooduul  

macaane75@hotmail.com   

Sida dad badan ay lasocdaan gobaladda ku bohoobay maamul goboleedka puntland waxaa ka dhacay arimo aan taariikhda soo marin kuwaas oo ay ugu wacneeyd khilaaf ka dhex dhacay isimada dhaqanka ee ka jira goboladdaas.

Waxaa xaqiiq ah dhisma walba oo ladoonayo in lagu intifaaco in ay lagama maar maan tahay in aas aaska loo adkeeyo si ayan si fudud ugu dumin.

horumarka aadanaha uu gaaro waxaa saldhig u ah caddaalada dhexdooda ay hagaajiyaan, taasi waxaan u jeedaa haddii qoomiyad ama umad ay caddaalada ku dhaqmaan oo aysan samayn eex iyo gardaro isku taageerid waa ay ku guuleysanayaan habsami u socodka noloshooda aas aasiga ah, waloow umadaas ayba ahaadaanee kuwo gaalo ah.

Gobolada puntland oo ay kajirtay nabad Laba iyo Tobankii sano ee burburka, marka loo eego in badan oo ka mid ah gobolada soomaaliya,hase ahaatee dadka meeshaasi kuwada dhaqan ma aysan ka sineen xuquuqda walowba ay yihiin dad wada dhashay, waxaa jiray dad badan oo ay adkeyd in ay xoriyad u fushadaan afkaartooda siyaasadeed ama aaminaadooda diineed.hogaanka siyaasadeed iyo dhaqan waxaa moodaa in ay arintaasi waafaq ka ahaayeen oo ay isku raacsanaayeen intooda badan.

Ruux walba oo mas,uul ah waxaa looga baahanyahay in uu ilaalsho xuquuqda ay ku leeyihiin dadka uu masuulka uu u yahay,hogaanka dhaqan ee reer puntland oo ahaa mid ay hogaamin jireen isimo isku aragti ah wax walbana ku xalin jiray is aaminid iyo is afgarad ayaa imika waxaa ku adkaatay in ay is fahmaan taasi oo ay dhalisay Isimada oo si weeyn ay u saamaysay siyaasada aan lahayn asal iyo farac laga duulo ee ka jirta geeska afrika,taas oo ay hogaanshaan Ashkhaas kali socod ah.

Arinta murugsan ee maanta ka taagan puntland waxaa sabab u ah khilaafka isimada kala taageersan hogaamiyaasha kali socod siyaasadeed ee reer puntland, arinta kaliya ee xalka u noqon karta waxaa weeye iyada oo ay marka hore is afgartaan isimada dhaqanka. kadibna ay go, aan ka gaaraan aayaha danbe ee puntland iyo cida mudan in ay hogaamiso.

Shirka kasta oo layskugu yimaado go,aamada ka soo baxaa waxaa ay sii kordhinayaan xiisada ka jirta puntland,haddii marka hore ayan Isimada isla meeldhigin xalka, iyagana ka heshiiyaan khilaafkii dhexdooda ahaa. Kadibna si alla ka dhowsasho leh ay u galaan garta siyaasadeed, waa lagu heshiin

Haddii garta ka jirta puntland si xaq ah loo galo waa lagu guulaysanayaa.

In cadaalad lasameeyaa insaanka ayay dan u tahay,

Nin meeshii uu dunshay in uu dhisaa loo ma diro.

shacabka dantooda in laga hormarshaa tan shaqsiyadeed.

Marwalba oo xalka laga doonaa meel uusan Alle raali ka ahayn waa lagu halaagmi.

Dadka soomaaliyeed in ay Alle ka dhowrsadaan ayaa u haboon oo ayan taageerin nin cadaalad xumi iyo danbiiile ah.

Abdulmalik Qarkasooduul

Macaane75@hotmail.com

Danmark

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited