ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Baaqii Isimada Bari oo Dhaboowbay.

Posted to the Web   May 19, 2002

WQ

Abdulrazak Osman Dirie 

bakool55@hotmail.com 

Waxaan wada ogsoonahay in dawladda iyo Issimada Puntland ay diideen shirkii Carta. Taas laakiin macnaheedu ma aheyn in Issimada oo dhan ayan ka qayb gelin shirkaas ee waxaa jiray kuwo oo ka mid ahaa Garaad A/qani, labo nin uu Siyaad u magacaabay Issimnimo iyo kuwo abuurmay dagaalka sokeey ka dib oo shirkaas si rasmi ah u joogay una taageeray. 

Waxaa kaloo ka qayb galay shirkaas siyaasiyiin horay loogaga adkaaday siyaasadda Pl ahna hadda qaxooti sida Mr. M. Abshir, Mr. King Kong iyo hoos-joogahoodii (Mr. Jamac Cali) ee xilligii jaha-wareerka ee uu Gen. Abshir ahaa gudoomiyaha SSDFta ee Mr. Cali Mahdi uu sheegan jiray in ay hoos tagto ururkii SSA ee isagu u madaxda ka ahaa. Shirkii Jabuuti ka dib, reer Carte waxay magaca qaranka Somaliyeed ku heleen lacag fara badan oo loo adeegsaday in lagu burburiyo Pl iyadoo la adeegsaday Issimadii shirka tagey,kuwa kaloo Doolar lagu soo jiitay iyo iyagoo soo dirsaday Mr. Cali jaamac oo qaxootinimo ku degan wadanka Ingiriiska. 

Markii laga soo noqday shirkii Jabuuti ayaa dadku waxay la yaabeen iyadoo ay dhacday in nin Siyaad u sameeyey dhibka reer Pl in uu difaaco qabsashadii Kismayo ee A/qasim isaga oo si xishood laáan ah u yiri iima cadda in DKMG ah ay tallaabadaas ku kacday. 

Maalmo ka dibna mar reer Bosaso ay mudaaharaadeena hadana yiri haday noo cadaatay ee hadda ayaan dadka u sheegi doonaa! Markii burburinta PL la bilaabay ayaa 12 ka mid ah Issimada Bari waxay soo saareen Baaq oo ay ku leeyihiin waa in si deg deg ah ah maamulkii jiray loo soo celiyaa iyagoo ogsoon in Issimo gaaraya 49 ay soo jeedisay in dawladda PL xilligeedii loo kordhiyo,iyadoo gudoonkaasna uu ku duceeyey Isimka ugu mudnaanta badan ahna Boqorka Daarood - Boqor Mohamud Boqor Muuse iyo waliba iyagoo ka carooday kuwo lagu sheegay 19 Issim oo dhabtiina ay ku jireen kuwo been abuur ah oo awood sheegasho dhalanteed ah u magacaabay Mudane Yusuf Xaji in uu yahay Madaxweynaha KMG ah ee PL isagoo intaas ka hor shaqada laga ceriyey.

 Marka dadka magacyada kala duwan wata runtii dan kama laha dhibka ku yimid dadkii . 

Maantana dhibka aan badneyn ee dhacayna waa mid aan iyagu khuseyn mar haddii ay dhaceen hantidii dhex-yaalka u aheyd walaalaha ku bahoobay Puntland, horayna jeebka u gashteen khidmaddii loo siisay burburinta dhulkooda iyo in qabiil qabiil loo dagaalamo oo aheyd sidii ay Carte rabtay. 

Waxaase nasiib wanaag ah in badi dadweynaha PL ay ku gacan seereen kuwa u adeegga kuwa xaq-darada wada, xooggana ku heysta deegaano ayan laheyn sida Kismayo.Taasna waxaad ka ogaaneeysaa iyadoo waxba dhicin in Bosaso ay isu diyaarisay mar hore sidii ay u soo dhoweyn laheyd Madaxweynihii lagu khaldamay oo waliba xilligaan oo ah Xagaaga ay reer Bosaso ay madaxtooyada ay biyo ku rusheeyeen sida ay qortay Somalitalk oo dhanka Carte lagu yaqiin. Si kastaba ha noqotee mar haddii ay dhaboowday Baaqii Isimada Bari, waxaa hubaal ah in dadka badankiisu uu u riyaaqi doono dib u soo celinta maamulkoodii iyagoo ogsoon dhibkii ay geysteen mooryaanta cusub ee PL looguna magac daray 'Maryo calas'iyo sidoo kale 3dii sano ee baraaraha, nabadda, horumarka iyo "Waa Jiifnaa Waa Jageynaa"................... 

Ugu dambeyntii, marka kale PL waxay muujisay in ay wali tahay hormoodka garashada iyo nabadda. Haddana arrintaan ay keeni doonto in dhaqso Pl ay u biloowdo tageeradii ay siin jirtay dadka dulman ee degaankoodu ay heystaan gumeysiga diirka madow sida Kismayo iyo kuwo kaleba.

Sidoo kalena waxay Puntland beenisay nin ka mid ah qabqablayaasha Xamar oo ugu xishoodka iyo tabarta daran oo la yiraahdo Qanyare oo si aan ka fiirsasho laheyn ku yiri in Pl ay mareyso halkii USC ee 1992 oo aad ka garaneyso in ay Pl barasho ugu laaban tahay! A.O.Dirie 

N.B Fiiri maqaal hore ee Bishii Dec. oo aan u bixiyey "Baaqii Isiimada Bari iyo Bosaso!

Aragti: BAAQII ISSIMADA BARI IYO BOSASO... | WQ. Abdulrazak Osman Dirie | Posted to the Web 18:07 GMT Dec. 09, 2001

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.