| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Jawaabtii Qoraalkii Dr. Abdi ee Cinwaankisu ahaa NIN TOLKI YU’ SOO YIRI IMA GARABEYSTO.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  24, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 24, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdulfatah Mohammed

abdulfatah@yahoo.com 

 

KU BILAABID MAGACA ALLE EE NAXARIIS GUUD IYO MID GAARABA NAXARIISTA 

UJEEDDO:  Jawaabtii Dr. Abdi Ulusso 

Waxaa afeef iga ah in qoraalka soo socda uusan ahayn mid si gaar ah ugu wajahan qabiil ama beel. Waxaa uu jawaab u yahay oo kaliya Dr. Abdi Ulusso.  

Waxaa beryahaan aad u batay isticmaalka isgaarsiinta casriga ah ee aad u dheereysa. Fursaddaas qaaliga ah dad yar oo Soomaaliyeed ayaa dhinaca wanaagsan kaga faa’iideysta. Soomaalida inteeda badan, gaar ahaan kuwa garaadkoodu gaaban yahay oo nacayb iyo colaad abuurid shaqo ka dhigtay waxay si qaldan u adeegsadaan is-gaarsiintan casriga ah marki ay wax ku awoodi waayeen aaladihii kale ee dagaalka loo isticmaali jirey. Dadkaas inta badan waxay INTERNET-ka kusoo bandhigaan qoraallo ay ku sheegaan taariikh been-abuur ah oo laga leeyahay dano gaar ahaaneed sida tan aan maanta ka jawaabayo ee uu qoray nin magaciisa ku sheegay Dr. Abdi Ulusso

Waxaan tixraacayaa qoraalkii uu cinwaanka uga dhigay “NIN TOLKI YU’ SOO YIRI IMA GARABEYSTO”, waxaan doonayaa in aan ka jawaab celiyo isla markaasna caddeeyo qodobbo qalad ah oo runta aad uga fog. Dr. Culusow wuxuu qoraalkiisii ku yiri: “Xasan Abshir Faraax marki uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sh. Dhexe wuxuu ka dambeeyay khilaafki lagu hoobtay ee Abgaal iyo Gaal-Gale oo ah dad wada dhashay oo meel wada deggan, oo uu maanta mas’uul ka yahay dhibkii reerahaas soo kala gaaray, iyo barakaca iyo qaxii Gaal-Gale.” 

Waxaan halkaan ka caddeynayaa qodobbo dhowr ah oo been abuur ah oo aan kala soo dhex baxay qodob ka mid ah qodobadii uu Dr. Culusow ku cambaareynayey Xasan Abshir Faarax isla markaasna uu meel kaga dhacay beesha Nuux Maxamuud. Waxayna kala yihiin:  

(1) Dr. Culusow, waxaa uu si ula kac ah u aflagaadeeyey meelna kaga dhacay beesha uu ku sheegay Gaal-gale. Sida ay Diinta Islaamku na fareyso, waxaa reebban in shakhsi ama qabiil loogu yeero magac ama naanays uusan raalli ka ahayn. Magaca Gaal-gale waa naanays xilli colaadeed baxday waxaana isticmaala dad ujeeddadoodu tahay in ay qariyaan haybta runta ah ee Axmed-Gaaldile oo ah tafiirtii NUUX MAXAMUUD SALEEBAAN ee Dr. Culusow iyo inta ku fikradda ah ay ku sheegaan Gaal-gale. Waa caay iyo jees-jees in Dr. Culusow uu maanta yiraahdo wada dhalasho ayaa ka dhexeysa Nuux Maxamuud iyo Abgaal isaga oo og sababta ay beesha Nuux Maxamuud iyo Abgaal isugu dheceen oo ahayd in Beesha Nuux Maxamuud isirkoodu yahay Maxamuud Saleebaan, asalkooduna yahay Daarood. 

(2) Sida uu sheegay Dr. Culusow, Abgaal iyo beesha Nuux Maxamuud waxaa ka dhexeeya dirisnimo deegaan. Hase yeeshee waxaa mudan in la ogaado wada-dhalashada uu sheegay Dr. Culusow in ay ka dhexeyso Abgaal iyo beesha Nuux Maxamuud tan ay tahay; haddii uu ula jeeday wada-dhalasho Islaamnimo iyo Soomaalinnimo waa ku waafaqsanahay. Laakiin haddii uu kaga jeeday wada-dhalashada xagga abtirsiimannimo, Abgaal iyo beesha Nuux Maxamuud ma wada dhalan.

(3) Dr. Culusow wuxuu qoraalkiisii ku sheegay in Hassan Abshir Faarax uu ka danbeeyay colaadii dhex martay Abgaal iyo beesha Nuux Maxamuud taasoo been-abuur aan raad lahayn ah. Sida Dr. Culusow sheegay, Xasan Abshir ma ahayn Guddoomiyihii Gobolka Shabeelada Dhexe wakhtigii ay dhaceen dagaaladii dhex maray Abgaal iyo beesha Nuux Maxamuud. Dagaaladaasi waxay dhaceen 1990-kii. Xilligaasna Xasan Abshir Wuxuu ahaa Safiirka Dowladdii Soomaaliya ee xilligaas jirtay u fadhiyey Dalka Germany. Dagaaladaasi waxay daba joogeen colaado soo jireen ah oo ka dhexeeyey labada qabiil. Waxaana dhaliyey weeraro si gardarro ah loogu soo qaaday beesha Nuux Maxamuud oo mar kasta kaga imaan jiray beelaha la deriska ah. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo aad u fac weyn oo soo jireen ah. Sababta ugu weyn ee dagaaladaas loo aanayn karana waaxaa weeye in Nuux Maxamuud loo ficli jiray in ay  yihiin qowmiyad dhalashadoodu ay tahay Majeerteen oo aan degaanka ay ku noolyihiin aan xaq u lahayn. Dagaalkaasi muddo dheer ayuu socday wuxuuna meel sare gaaray ama si weyn u qarxay markii la aasaasay ururkii USC kaasoo siyaasadiisu ku salaysnayd in laga tirtiro degaanka Abgaal beelaha aan ku abtirsan hawiye ee ku dhex noolaa sida beesha Nuux Maxamuud.

Haddii ay Dr. Culusow u geysay aqoon darro isticmaalka magaca qaldan iyo taariikhda been-abuurka ah, waxaan ugu nasteexaynayaa ama kula talinayaa in uu iska ilaaliyo ka hadalka arrimo uusan wax ka ogeyn sida taariikhda beesha NUUX MAXAMUUD. Laakiin haddii uu ujeeddo gaar ah ka lahaa, waa ayaan darro in nin DIKTOOR isku sheegay uu aqoontiisa u isticmaalo meel uga dhac qabiil kale taasoo aan maslaxadi ugu jirin ummaadda Soomaaliyeed oo kasoo daashay dulmi iyo isku dhac beeleed; ciddii dib u hurineysana waa qof wax ma garad ah, oo aan ku waano qaadan casharradii aan ka baranay dagaalada sukeeye ee lagu wada hoobtay cid guul ka gaartayna aysan jirin maanta.

Dr. Culusow waxaan u arkaa inuu yahay nin ay weli maskaxda uga qufulantahay qurunkii ay Soomaali badankeed isku dhameysay oo ahaa qabiil, wuxuuna kulansaday inuu isku mar qoraalkiisii gef ugu wada geysto shaqsi iyo qabiil sharaf ka wada mudan .

Waxaan kula talinayaa qof kasta oo Soomaaliyeed oo wanaagga iyo Islaamnimada ku dhaqma in uu ka feejignaado baahinta warar ama taariikh been-abuur ah oo runta ka fog isla markaasna colaad abuuri kara ama ka careysiin kara qowmiyad kale isaga oo dan gaar ah ka leh. 

Mahadsanidiin. 

Abdulfatah M. Abdulle

abdulfatah@yahoo.com

 

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).