ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Malaga yaabaa in puntland ay yeelato madaxweyne aan korneyl ahayn. 

Posted to the Web   March 13, 2002

WQ.

Cabdimaalik 

macaane75@hotmail.com 


Puntland waa maamul dhisan mudo 3 sano 7bilood iyo 12 maalmood maanta, inkastoo magaca puntland uu ku cusbaa dhegaha dad badan oo soomali ama ajaanib ah, laakiinse waxaa jiray dad yar oo ku fakari jiray in lahelo maamul layiraahdo puntland,muda dheerna soo jiitamayay, fekradu maxuma, magacana waa mid hore oo loo yiqiin geyigaas, dadkii ku fekeri jiray maamul leh. 

 

Magacaas dadka lagama yaqaan waana joogaan, dantii ay ka lahaayeen uma ayan sheegin dadka mana ayan qorin,lamana weydiin weli, dadka aqoonta leh waa larabaa lamana rabo in la weydiiyo dadkaas,waayo aqoon yahanada soomaaliya waa noobateen 10kii sano, Puntland waxaa ku nool dad farabadan oo aan weli si rasmi ah loo tirakoobin, laakiinse badankood waxaa ay jecel yihiin in uu u muuqdo hogaamiye 60 jir ka weyn kornaylna ah, hormuudka goboladaas waa dan jirayaal, jecelna korneel in uu u taliyo shir walba oo la isugu yimaado waxaa go’an in kornayl lagu doorto, mas’uuliyad walbana waa in uu askari kornayl uu ugu weyn yahay qabtaa, madaxweynaha waa kornayl, jananada iyo aqoon yahanada ma jecla waayo kuma ay fiicna in ay qaataan amarka, waxaa dad badan is weydiiyeen maxaa Puntland looga waayay janan ama nin kale oo aqoon aan askarinimo ah lahayn in masuul laga dhigo, taasi suura gal ma aha waayo saraakiisha qaarbadan ayaa lagu caana shubay oo isim loo doortay lama ogolaan karo in sargaal ka sareeya isim loo doorto madaxweyne. 

 

Isimadu waa hay ada ugu sareysa dadka waa loo sheegay laakiinse iyagu makala sareeyaan.dadka looma sheegin isimadana ma oga taasi, maya sax ma aha Garoowe Korneyl ayaa korneyl kale ku dhalay, waa arin murugo u’ ah dadkii lahaa fekrada maamulka Puntland, laakiinse dadka degan goboladaas Puntland waa ku qanceen badi dooda waayo kornaylkey jeclaayeen ayaa u batay, laakiinse dadkii lahaa fekrada aas aaska Puntland waxaa ay ka baqayaa in labada korneyl ay laba kale dhalaan.

 

Haddii arintu sidaa ayan ahayn maxaa ay u sameyn waa yeen kacdoon, Maxaa ay u qabsan waayeen hogaamiya yaashooda dhaqan ama siyaasadeed, maxaa kala jeclaysiiyay korneelada, Maxaa u diiday in ay la yimaadaan fikrad aan ahayn kornayl in ladooro.

 

Dadka aqoonta leh maa loo dhiibo, Arintaan waa runtaa in ay adag tahay waayo haddii shacabka ay kacdoon sameeyaan korneelada iyo isimyaasha ayaa midoobaya dadkana jeceelkooda korneel ayaa ka lumaya. Maxaa layeeli talo murugsan oo aan dhaafi karin kornayl kornayl dhalaaya isimana ay umulinayaan udaa. 

Abdulmalik

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.