ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Soomaaliya iyo dhibaatada qashinka uu ku hayo. 

Posted to the Web   March 25, 2002

WQ

Abdi M Farah 

macaane75@hotmail.com      

 

Wadani: Qaybta 1aad

 

Tan iyo intii soomaaliya ay ka qarxeen dagaalada sokeeye waxaa maalinba maalinta ka danbeysay sii kordhayay dhibaatooyinka kala duwan ee ku dhacayey umada soomaaliyeed taas oo ay ku qarash garowday nafaf badan oo wax danbi ah ay galeen aan la’ arag. 

 

Dhibaatada waxaa ay ahayd mid aduunka oo idil uu dareemay, waxaase inta badan dhibku gaarayay dadka saboolka ah iyo kuwa tabarta daran(maatada) sida dumarka iyo caruurta, inkastoo qaar badan oo dumarka soomaaliyeed ka mid ah ay ka qayb qaateen bur burinta iyo baa bi’ inta qarankooda iyo dadkooda. Dhibaatada waxaa ay ahayd mid saameysay qeyb walba oo ka mid ah nolashii bulshada, waxaana ugu daran tayadii wax qabadka caafimaad oo aad u daciiftay.

 

Dhibaatadooyinka soo gaaray umada soomaaliyeed wadankooda waxaa kamid ah in soomaaliya ay maanta tahay Qashin qubka ugu weyn dunida maanta, wax qashin ah oo la asturaa ma jiraan, marka laga reebo haraaga wasaqda warshadaha reer galbeedka oo lagu duugo badaha iyo meelo ka mid ah koonfurta soomaaliya taas oo ay fuliyeen ama fuliyaan dad kamid ah qab qablayaasha dagaal ee in badani ay maanta jecel yihiin. Arinta ugu weyna waxaa weeye waxaan jirin dowlad dhexe oo la wada rabo.

 

Qashinka ka dhasha wax yaalaha dadka ay is ticmaalaan ee kala duwan ayaan jirin meel gaar ah oo lageeyo ama lagu asturo mana jiraan shaqaale arintaan mushaar ku qaata mana jiraan hayad dawli ama aan dawli ahayn oo arinta qashinka wax ka qabata, qaar dadka kamid ah waxaa ay ku aasaan qashinka god ay qodeen laakiinse waxaa suura gal ah in ceel ka qodaan meeshii ay ku aaseen qashinka taasna ay wax yeelo gaarsiiso caafimaadkooda, qaar kamid ah qashinka waxaa dib u cuna oo ay raashin u yihiin xoolaha ay ka mid yihiin lo’da iyo ari carbeedka, waxaa ka mid ah qashinkaas bacaha, warqadaha iyo baakadaha.

 

Dhibaatada qashinka waxaa kamid ah irbadaha wax lagu duro oo iyaguna aan ka marneyn qashinkaas, daawooyinka sunta ah ama kuwa dhacay oo lagu daro qashinkaas.

 

Meelihii ay ka dhaceen dagaalada sokeeye ayaa iyana waxaa ka jira qashin ka duwan kan wasaqda warshadaha iyo qashimada kale ee ka yimid alaabada dadku is ticmaaleen, waxaana weeye dadkii la’ laayay oo aan sifiican loo duugin, xaafadaha dadka ay degan yihiinna laga yaabee in ay ka’ ag dhowyihiin.

 

Waxaa ka mid ah bulaacadaha iyo wasaqda biyaha sumaysan oo aan wax dan ah loo galin iyo iyadoo dadka qaar ay ku saxaroodaan baliyada iyo meelaha dadka ay ku nastaan ama isticmaalaan.

 

Nadaafada waa shay qaali ah, waxaa in badan ka hadashay diintayada Islaamka ah, waxaa lagu sheegay in ajar weyn laga helayo, waxaana ay kamid tahay iimaanka qofka muslimka ah in u suuliyo wasaqda, dadka kale dhibi karta.

 

Nadaafada waa caafimaadka horumarkiisa, waana jiritaanka dadyowga.

Nadaafada waa howl ama masuuliyad qof walba u taal waxaana ay ka bilaabataa shaqsi ilaa iyo waxaa ay socotaa umad iyo dowlad.

 

Waxaan maqaalkan u gudbinayaa dhamaan umada soomaaliyeed yar iyo weyn in ay u guntadaan in ay wax ka qabtaan wasaqda wadanka taal waxaana ugu horeeya tan ku jirta wadanka gudihiisa iyo in laga hadlo arinta wasaqda badaha cidii awooda.

 

Waxaa masuuliyad gaar ah ay saaran tahay culumada diinta iyo waalidka, wax garadka iyo ganacsatada, dadka in lagu dhiiri geliyo sida ay isaga asturi lahaayeen iyo in xaafad walba la baro in ay yeelato meel ay qashinka isugu keento kuna gubto.ama ay u shaqaalaysiiso qof ama laba qof oo nadaafada ka shaqeeya.

 

Haddii aad tahay qof wax qora jornaliste ama macalin ,sheekh , nabadoon ,samadoon, isim,duub, guurti, siyaasi ama bulshada inteeda kale ku dadaal in aad wax ka qabatid arintaan qof walba waa in uu xaafadiisa xooga saaraa oo uu wacyi geliyaa si loo helo xal guud oo waara. Qalabka qashinka waa muhiim in ay ku caawiso cidii awooda siiba hay adaha ama ururada jaaliyada soomaalioyeed ee dibadaha kunool.

 

Bulshada waxaa mararka qaar saaran in ay iyada hagaajiso arimaheeda nolaleed, haddii xitaa la waayo dowlad ka caawisa, maqaalkani waa fariin ku socota dhamaan dadka soomaaliyeed ee samadoonka ah, wixii simbiririxasho ee dad ama qof ka caroon karo waa laga raali gelinayaa 

Abdulmalik m Farah

Macaane75@hotmail.com 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.