BISMILLAH
SHEEKADAAN
WAXAAN CURIYEY, MARKII HIYIGA LAGU HAYEY IN LOO QALAB QAATO, SHIRKII
DIBUHESHIISIINTA SOOMAALIDA EE JABUUTI, LAAKIINSE AYSAN CIDINA WELI TEGIN.
WAA SAADAASHAYDII IYO ODOROSKII AAN MALEYNAYEY IN WAX LOO AGAASIMI DOONO
SIDA SHEEKADU U DHACAYSO.
Waxay
ku bilaabantay sheekadu sidan:
Waxaa
haasaawe iyo shukaansi dhexmaray, Abeeso iyo Dabagaalle.
Muddo markii ay isla gorfeeyeen sidii ay aqal u wada yagleeli lahaayeen,
ayaa Abeesadii tiri; "War bal orodoo qaalli isukeen meheriya inoo
raadi." Dabagaalle hadal kama soocelin. Wuxuu bilaabay in uu hadba
cidduu arko inta is ag-dhakooliyo, ku yiraahdo: "Kanow fiqi ma tahay?"
Wuxuu hadba meel jilbo joogsado, goor uu Seylac sii weydaaranayo, ayuu
wuxuu ku soo ku soo beegmay jees meel cidla ah oo gole colaadeed ah deggen,
xoolana xayn ari ah iyo awr duq ah ka haysta.
Nin
oday ah ayaa qaabilay oo meel geed duggiis ah gogol u dhigay. Dabagaalihii
wuxuu uga sheekeeyey odayga, arrinta uu u soo safray, iyo in laga soo
bilaabo Raas-kambooni ilaa Raas-caseyr uu cid dhexdhexaad ah oo uu
walaayadda u dhiibto ka waayey.
Fiqi-ilkaqor
si niyadsami ah ayuu ku
qaabilay, arrintii oo isla markiiba martiqaad buu sameeyey, si labada
cidood ee Abeeso iyo dabagaallaba goobjoog u ahaadaan. Waxaa la guda galay
howshii meherka iyadoo loo kala afti qaadayo.
Fiqi-ilkaqor:
"Ma aqbashay
Dabagaalloow in aan adiga iyo Abeeso isu kiin mehersho?"
Dabagaalle:
"Haa, haddii ay axdiga
iyo ammaanada ilaalinayso."
Fiqi-ilkaqor:
"Abeeso, raalli ma ka
tahay arrintaas?"
Abeeso:
"Waxba kama qabo,
haddii uu isla weynida iyo santaagga ka tanaasulayo."
Fiqi-ilkaqor:
"Waa immisa meherkaagu
haddaba, Abeeso?"
Abeeso:
"Waa afkeyga muggiis
keliya, Fiqiyow."
Fiqi-ilkaqor:
"Maxaad ka leedahay
qiimaha meherka, Dabagaallow?"
Dabagaalle:
"Maa caleesh, waxba
kuma jabna." Show wuxuu is yiri, labo xabboo quulle ah ayaa ku filan
Abeeso. Dabagaallihii oo hadalka sii wata ayaa yiri: " Fiqi, bal
faataxada noogu mar, in reerku noo barakoobo, hawshan Rabbi noo fududeeyo,
dhibka iyo barakacana qoysku ka soo kabto."
Fiqi-ilkaqor:
"waadh diinta UN-ta
baan isugu kiin meherinayaa maaha?"
Dabagaalle:
Oo meeday teennii?
Fiqi-ilkaqor:
Idinkuba is weydiiya,
fannaaniintii waaberi meeye hal qasiido ha ugu dhufteene?
Abeeso:
"Ar iskaa daa wuxuu
doono ha akhriyee."
Qabbiltu
iyo galab-carraaba ayaa lagu soo kala dhaqaaqay. Guri alool iyo ilxir lagu
gadaamay, meelkastana laga gufeeyey, feynuuskuna ka bakhtiisan yahay oon
deriskiisu dabka kala qaadan, dhaankuna seddex subaxle yahay, ayaa
arooskii loo gangaamay. Abeeso jarriidkay ka qosleeysaa. Waxay isleedahay
cid kaa nasiib badani ma jirto, mar haddii Rabbi calaf kuugu daray nin gob
ah oo reer magac leh ka dhashay, ragannimadiisa iyo sumcaddiisa dal iyo
dibedba caanka tahay.
Dabagaalle
talaa ku caddaatay, meel uu ka noqdana ma joogo. Doobnimo iyo dibadaa
wareeg horuu uga soo daalay, Abeesana wax la dugsado maaha. Abeeso waa is
goleeysay. Cillaan bay isku dhoobtay. Garraarkay iska gooysay oo dabadeed
is golxaysay. Waxaa bilaabamay xilligii la isu xamxamleyn lahaa oo la is
xoodaamin lahaa, balse taasi ma dhicin oo dood iyo in lakala shakiyo ayaa
durba bilaabantay.
Abeeso:
"Gacaliye, gaaf
wareegga iska daa oo geyraha iy gabadanada dhaxanta ka soo gal."
Dabagaalle:
"Horta Abeeso aan wax
ku weydiiyee, adiga iyo qaalliga ma wax baa isu kiin galay? Maxaadse
wadaagtaan?"
Abeeso:
"Maxaad ku keentay
hadalkaas?"
Dabagaalle:
"Foolashiisa sarriigan
iyo ilkahaaga sariiran baan isku soo sinji soocay."
Abeeso:
"Arrimahaani waa wax
guyaal kaa weyne, aynu Dabagaallow howshii wada noolaansheheenna iyo
danteenna ka hadalno."
Dabagaallihii
isagoo iska wareersan oo labalaboodinaya, ayuu goor subaxnimo ah, abeesoo
hurdo ka kacday oo afkii labo taako ka kala dhigeysa arkay. Wadnihii baa
istaagi gaaray. Go'aan degdeg ah ayuu wuxuu ku gaaray in uusan waligiis
Abeeso agteeda tegin, haddii kunna ku gaaloobayso kunna ku muslimeyso.
Markii
caruusaddii ay aragtay in wiilkii meermeerayo ayey istiri bal adna
tabahaagii la soo kala bax. Si haddaba ay uga gungaarto yoolkeedii ma
rabto in ay durba si kulul u waajahdo barbaarka.
Abeeso:
"Maxaa geedka dushiisa
ku saaray? Maad halkaan isku soo kala bixisid?"
Dabagaalle:
"Abeeso, hadda wixii ka
dambeeya aniga iyo adigu dushaas uun baan iska qabaynaa."
Abeeso:
"Oo maxaa ku beddelay?
Sow inaan aqal wada galno iskuma aynaan ogeyn? Sida aad la socotana maal
iyo kharaj badan baa iiga baxay, safarkii lagu baadi goobayey aqal
wadagalkeenna".
Dabagaalle:
"Abeeso, ciiddii
Ilaahay baa ku deeqi weyday, anna habarteed bay ka tahay in aanan naftayda
kugu aaminayn, ee haddaba sidaas ku calool fayooboow, inaan dushaas reer
dhaqan ka ahaanno oon qofkeenna qofka kale u soo dhawaan, ayaa go'aan inoo
ah."
Abeeso:
Oo maxaad iiga dideysaa? Ma
kufkaa baanan ahayn?
Dabagaalle:
"Afkaaga iyo
abuuristaada ayaan kaa diday ee sidaas raalli ku ahow."
Waxaa
lagu soo afjaray taladii, in reerka la wada dhaqdo, si aan cadow kale uga
faa'iideeysan god daloolladooda, aanse marnaba dab lawada kulaalin, golana
lagu wada caweyn, inta Abeeso iyo dirkeeda wax ka dhaqan yihiin.
Intiisan
iyo Akhris wacan!
Abdinur
Aden Farah