ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Al-Qacida iyo Carta oo Somaliya Galaaftay.

Posted to the Web  June 12, 2002

WQ.

Abdulrazak Osman Dirie" 

bakool55@hotmail.com


In muddo ah, AL-Qaacida waxay si is daba joog ah u sheeganeeysay in ay dambiilahii Ceydiid uu C/qasimna hoos-jooge u ahaa ka caawisay dilkii Mareeykanka iyadoo haddii uu UNka uusan tagi laheyn Somaliya ay saxariirtii ka dhacday Somaliya ay intaas ka weeynaan laheyd.

Iyadoo taasu jirto ayaa maantana Al-qaacida waxay cadeeysay in sabaaha Mareeykanka mar kale u weerari doonto ay ka mid tahay dagaalada hadda ka soo cusboonaaday Somaliya! 

Nasiib daraduse waxay tahay in Al-qaacida ayan Somaliya waxba ka ogeyn oo ay ku adeegteen kuwa muslin-nimada ka fog, toban sano in ka badana xoolo iyo degaan ayan laheyn xoog ku heysta laakin hadda ku jira 'Ayaaman Macduudaati'. Waxyaabaha ka soo yeeray Al-qaacida waxay u geeysatay dhib dadka wali ku tabaaleeysan wadamada dibada ah oo qaarkood wali rajo ka qabay in reerahooda oo degan Mareeykanka in ay u tagaan.

Mareeykanka oo arrintaas ka feejigsan ayaa wuxuu ku soo rogay dawlado oo ay Somaliya ka mid tahay sharciyo adag oo adkeenaya gelitaanka carigaas. 

Sidoo kale, ayaa C/qaasimka aanu wada naqaan ayaa dhowaan isku ekeesiiyey Sheekh Cumar Faaruuqa qabyaaladda ugu caanka baxay Sweden isagoo FATWA asaga u gaar ah Xamarka haatan ku soo yaraatay ka soo saaray. 

Fatwadaas diinteena ku dhisneyn wuxuu GAALO ka dhigay rag xaqooda u dagaalamahaya rabana in ay umadda u soo celiyaan guryahoodi; beerahoodii, degaankoodi iyo sharaftoodi ay dhaceen kuwan khamiiska beenta ah wata. waxaana wanaagsaneyd in la weeydiiyo in caruurta ku dhalatay guri la dhacay in ay la mid yihiin kuwa gogol dhaafka ku dhashay iyo in kale?

Jawaabtiisuna, waxay ahaan laheyd sida aan filahayo Sheekha cusub, 'MAA MALAKAT EEYMAANIKUM'. Si kastaba ha ahaatee, iyaduna waxaa dhab ah in Cartana dad badan ay galaafatay hadana cambaareenaya Cartihii ay ka qeyb galeen sida:-

 1-Cali Khalif oo meel walba la taagan sidii nin geeliisii la dhacay, 'wixii la helay C/qasim baa qaatay!'.

 2-King Kong oo ku yiri "Puntlandstate!" in Carte dawlad aheyn axdigiina ay jabisay!.

 3-Cali c/raxman oo ah Wasiirka Dasttuurka iyo arrimaha federaalka ee Carte oo isaguna Xog-Ogaal ku yiri,'Mar haddii cabsi aanu ku marno Hotel saxaafi iyo Ramadaan inta u dhaxeeysa anagoo waxba qaban ilaa iyo hadda waa in aan iska kala tagnaa!'.

 4-Iyo Jaamc Cali Jaamac oo u sheegay wargeys la yiraahdo Ethiopian Reporter in reer Carte ay yihiin daneystayaal!!. 

Waxaa Qoray:- Abdulrazak Osman Dirie

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.