ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Dhismaha Maamulka Cusub Waa Guul.

Posted to the Web   April 03, 2002

WQ.

Abdulrazak Osman dirie

bakool55@hotmail.com  


Intaanan la abuurin Jabhadda RRA, reer Alto Jubba waxay soo mareen
dhibkii ka dhacay Somaliya kii ugu xumaa, RRA-na waa tan gaarsiisay
reer Alto Jubba in ay wax la qabsadaan dadka kale oo dulman ee Jubba iyo Shabeele si wadajir ahna u dhistaan maamul goboleed aad u ballaaran oo wax la qeybsan doonana kuwa haatan jira.

 

Runtii qofka dhulkiisa xoreynaya ma aha mid qaldan maxaa yeelay kuwa deegaanda xoogga ku heystaba waxay garan waayeen in xilligii gumeysiga la soo dhaafay, taas ayaana keentay in Dr. Shaarguduud uu u yahay dad aan la tirin karin halyeey halgamaa ah.


Suáashu waxay tahay maamulka cusub goboladuu sheeganahayo ma wada xukumo ee sidee buu ugu talin doonaa?


RRA goortay halganku bilawdey meel ay xukuntay ma jirin, su'aashaasna Dr.Shaarguduud wuxuu ugu jawaabay in kuwa xoogga lagu heystana uu xoreyn doono si ugu dhow, Dotorka oo waxyaabo badan uu horey u sheegay markuu halganka bilaabayey ay rumoobeen ayaan hadana waxaan u rajeeynayaa markana in ay dhaboowdo aniga oo leh ...
hambalyo iyo guul!

Wixii Su'aal Waraysigaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Ali S. Godah, Emailkiisu waa  hiiraan@yahoo.com . Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.