| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

MUXUU A/QASIM U DIFAACAYAA AL-QAEDA ???!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  19, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 19, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman dirie

bakool55@hotmail.com 

 

Dhowaan goortuu joogay Nairobi A/qasim wuxuu sheegay in Al-qaeda
markii waligii ugu hreeysay uu maqlo magaceeda ay ahayd
ka dib markii Mareykanka dhibaatada ay ka dhacday. Ka dibna
idaacadda BBC oo isaga u janjeerta waxay sheegtay in A/qasim uu
cadeeyey in Al-qaeda ayan ku lug laheyn dilkii Mareykanka ee Somaliya.
Marka dadweynoow A/qasim muxuu u difaacayaa Al-qaeda????
Su'aasho jawaabtan ayey waxay nagula nuguneysaa goortuu Mareykanka
uu Somaliya joogay in aan dib u xasuusano.


Nin la yiraahdo Darmaan ayaa CNN ay wareysatay mar nin Mareykan ah
uu Caydiid  heystay dagaalkii isaga iyo Mareykanka ka dib. Wariyaha
CNN oo ahaa Jim Clency ayaa wuxuu rabay in uu Darman sidii dibloomaasi
Somaliyeed oo kale in uu u wareysto.Goortuu bilaabmay wareysigii ayaa
Darmaan oo is daaxuurinaya wuxuu kaga yaabiyey wariyahii isagoo
yiri, 'ninka Mareykanka ah waa la soo deynayaa, taasna waa goáanka
Supreme Council of H/gidir.' Intaas goortuu yiri ayaa wariyihii si
deg deg ah wuxuu u soo gabogabeeyey wareysigii.
Supreme Council of H/gidir waxaa u madax ahaa Caydiid , A/qasimna
wuxuu ka ahaa xubin firfircoon, taas ayuuna isku dayayaa in uu qariyo
ku lug lahaanshihiiha Al-qaeda.


Osama Bin Laden  dhowr jeer ayuu qirtay in dilkii Mareykanka uu ku
lug lahaa, Wasiirka Difaaca Mareykanka isaguna arrintaas wuu cadeeyey
iyo Mohamed Attef oo hadda lagu dilay Afganistan ayaa wuxuu yiri,
'Wixii ka dhacay Somalia anagaa ka masúul aheyn'.


Waxaan hasuusta oo sir iska cadna aheyd in  ururka Ittihad ay ku
shireen  Jabuuti goortuu isku dhaca Mareykanka iyo Caydiid ay dhaceen.
Arrintaasna waxaa soo abaabulay Osama iyo nin Bisha cas ee Sacuudiga
ka tirsanaa oo la yiraahdo Al-qaed, Ittihaadkana meel kasta ayey iskaga
yimaadeen. Dhanka Puntland waxaa ka socday Abdlwahab M. Gurey oo ahaa
taliye ku xigeenada Hasan Dahir  Aweys.


Waagii Itihaadku looga adkaaday Waqooyi Bari ayaa Abdulwahaab wuxuu
baxsadkiisii ku sii laayey wiilal difaaca Gaalkacyo u soo socday oo
dagaalkaasba la socon. Gacan ku dhiiglahu ilaa iyo hadda cid kala
xisaabtantay ma jirto Islaan Mohamed wuxuu noogu sheegayaa Issim soo
jireen ah!


Haddaan u soo noqdo mawduuca qormadeyda waxay ila tahay in A/qasim
cid ka fur furi karta Al-qaeda ayan jirin , waxaad ku garan kartaa
in ay sidaas tahay arrimaha aan hoos ku soo qaadan doono :-
1- Hassan Dahir Aweys oo ku jira U.S wanted list ayuu ahaa ninka
   u qaabilsan soo dejinta Carte ee Muqdisho , maxkamadaha Islaamiga
   isku sheegaya ee A/qasimna waa kuwiisii. Wuxuu masúulna ka ahaa
   dagaaladii Ittihaadeed ee Waqooyi Bari, Gedo, Kismayo Barawe iwm.
   Hasan wuxuu ka mid yahay Carte wuxuuna ku hanjabay isagoo jooga
   Xamar in dawladda uu ka tirsan yahay ayan qaadan doonin mucaawino
   shuruud ku xiran! Waxaa kaloo loo heystaa dilkii haweeney Bulgariya
   u dhalay una shaqeyn jirtay UNICEF oo lagu dilay Bosaso.


2- Badidoogle Ittihaadkeedu wiil uu dhalay Darmaan ayaa xoog ku heysta.


3- Ciidamada Booliska ee dhalanteedk ah ee gobolka Benaadir waxa la
   yaab ah in uu madax u yahay nin Labo xidigle ka ahaan jiray
   militeriga oo la yiraahd Qaybdiid. Ninkaas wuxuu xukumaa  korneelo
   daneystayaal , wuxuuna ka qirtay BBC TV barnaamij laga soo daayey
   in uu taliyeyaashii la dagaalamay Mareykanka uu ka mid ahaa ,uuna
   dagaalkaas uu ka dhaawacmay. Waxaana intaas ka sii daran in isaga
   iyo raggiisiiba ay Dawladda Talyaaniga ay u tababareyso iyagoo
   argagixiso ah sida loola dagaalamo argagihisada.Ninkan waxaa kaloo
   ka masúul ahaa xasuuq ka dhacay Galkacyo bilawgii dagaalka sokeeye.


4- Dawladdaha  ugu horeeyey ee ictiraaftay  waxay ahaayeen Sudan, Libya
   iyo Yemen.Kuwa aqoonsaday iyo A/qasim kuwa taagersanba waxaa la
   leeyahay waa la garaacaya.


5-Ilihiisii dhaqaale ee carbeedna culeys baa la saaray, kuwii
   gudahana waa tan naclad rabbi ay heysto afcaashey xumaa ee xaq daro
   u hiilinta aheyd. Waxaan filayaa dadka xuquuqda ay ka maqan tahay
   in ayan u jixin jixi doonin Ilinta AL-BARAKAAT oo ha tii yahaaska
   oo kale . Waan ogahay dad qaldamay oo tiro yar oo AL-BARAKAT wax
   ku darsaday iyaguna waxaa leeyahay XUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA ee
   waxa ku dhacay iyo waxa ku dhici doonaba aniga iyo dad badan waxay
   noo tahay ,'MASAA'IBU QAWMIN  CINDAL QAWMIN FAWAAÍIDUN'


Ugu dambeyntii waxaan dadka ugu digayaa inayan naftooda ku halaagin
taageeridda kuwa dhulka ,guryaha iyo hantida walaalahooda xoogga
ku heysta iyo daneystayaasha iyaga u adeegaya sida Jaamac Ali Jamac.
Waxaan kaloo la yaabanahay in kuwo muslin-nimo Ittihaadnimo ah
sheeganaya ay waligood rabaan inay qori caaradii  xoog wax ku heystaan
sidii waa cajaaíbe  ay tahay   -   "MAN MALAKAT EEYMAANIKUM".
Arrintaan waxay isoo  xasuusisay xaajo yaab leh ee ka dhacday Baydhabo
goortii Caydiid heystay oo Boqolaalka kun oo qafood ay dhinteen gaajo
darteed ayaa haweeney A/qasim jilib hoose isku yihiin oo deganeed
Baydhabo ayaa iyadoo ka faaídeysaneysa Caydiid ayaa waxay qabsatay
Isha Baydhabo oo aheyd meesha keli ah ee biyaha leh. Naagtaas
naxariista daran waxay bilawday in biyaha ay iibiso, dadkii
gaajeesnaana ay haraad ugu darto. Qofkaan dumarka ahna waxay raacday
oraahda ah anaa taabsaday una dhiganta - MAN MALAKAT EEYMAANIKUM!!
Marka reer Puntland ma yeeli doonaan kuwa anaa taabsaday u adeegaya
oo lagu daba joojo in dantoodu ay dhaafiyaan mise meertadan  in aan ka
faaíideysano ayaan xaqeenii iyo tii somaliyeedba dooni doonaa!
Intaas haddaad akhrisatay oo loo gudbiyey ciddii ay khuseysay marka
soo ma dhihi karo     :-
SUPREME COUNCIL OF H/GIDIR+AL-ITTIHAAD+AL-BARAKAAT =AL-QAEDA

Waxaa qoray :- A.O.Dirie

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).