| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

XASAN ABSHIR YUU U HANJABAYAA?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  24, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 24, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman Dirie

bakool55@hotmail.com 

 

Waxaa mahadleh dhanka Xasan saaxiibtinimada ka dhaxeysay aabihii
iyo Macalinka Kacaanka, taas oo ka dhigtay inuu noqdo meeyarkii
Xamar ee ugu da'da iyo darajada militeriga yaraa ee magaalo madaxda
Somaliya xukuma. Marka intaanan faalada qodobkeyga u gelin  waxaan
halkan idiin kugu iftiiminayaa inta aan ka aqaan Mr. Xasan Abshir
oo aniguba qaar ka mid ah qoyskiisa aanu asxaab  nahay hadana
sababtaas kuma saamaxayo ee fikradeydaan ka dhiibanayaa.


Mr. Xasan wuxuu si weyn uga qeyb qaatay burburintii SSDF oo ay ka mid ahaayeenba qaar ka mid ah walaalihi.Intaasna, waxaa u wehelisa
in uu yahay shakhsi tiisa keliya ay u cadahay ee tan reerkiisa iyo
tan Somaliyaba Shaqo ku laheyn.


Shirkii Jabuti ka hor, waa tuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee PL
laakin wuxuu uga soo tegay isagoo rajo ka qabay in Cadow oo ay si
dadban qaraabo ku yihiin in uu noqdo MADAXWEYNE, isagana jagada
ay ku kala dhinteen reer Soolka Carte iyo King Koonba loo dhiibo.


Intuu socday shirkii lugooyo ee Carte, Xasan shirkaba wuxuu u bedelay
meel lagu aflagaadeeyo Puntland, madaxdeeda iyo Issimadeedaba
iyadoo goob joog ka yihiin Issimadii qalalaasaha ka dhigay PL iyo
shakhsiyaadka oo ka mid yahay Jaamac Cali Jaamac iyo shakhsiyaadka
raacay Carte ee PL u dhashay.Cajaladihii laga soo duubay Carte waxaa
igula yaabka badnaa Xasan oo leh,"buuskii aan ka soo tegeyna waxaa
loo dhiibay wiil Islaanka halkan weesada u keeni jiray". 

Arrintaas, wuxuu ula jeeda Xasan in Islaanka wiilkiisa loo dhiibay Jagadii uu
iskaga soo tegay Pl ee aheyd Wasiirka arrimaha Gudaha.Ninka  uu
sidaas u yasahayana waa nin ay isku da' yihiin, kana cilmi badan!
Intaas ka sokow, qabsashadii Kismayo ee A/qasim, in Xasan uu dadnimo
iska raadiyey waa arrin aan la qarin karin maxaa yeelay kuwo ay
ka mid yihiin King Kong ayaaba dadkoodii oo dulman ku tilmaamay in
ay Amxaaro yihiin .Laakin, A/qasim wuxuu ugu jawaabay ,"ninkii
caroonaaya ha caroodo". Suáasho waa  Xasan ma is casilay sidii
dadka shakhsiyadda leh lagu yaqaan jiray ?


Jawaabtana ma rabo in aan afka ku dhufto ee akhristahaan u daayey.
Hadda, waxaa ka bilawday PL  hawlgal ay wadaan Daraawiishta iyo
Booliska oo ay kala dambeyntii xoog ugu soo celinayaan geyiga
Puntland iyagoo tixgelinaya arrimaha soo socda:-

  1. Goáankii Issimada PL oo intoodii badneyd ay dawladda ku raaceen
    taladii dawladda.

  2. Iyagoo ogsoon in Issimada shirka waday ee ay ahaayeen kuwo tiro
    yar oo isugu jira kuwo far ku tiris ah oo soo jireen ah,kuwii
    Siyaad oo hadana Carte taageersan , kuwo dhashay dagaalkii ka dib
    oo kuwo Ittihaadkey laga dagaalameen ah!

  3. Iyagoo ka dhiidhiyey boobkii hantidii dadweynaha iyo dilalkii
    dhacayba.

  4. Iyagoo arkay in dhiigey u daadiyeen Kismayo la rabo iska  iloobo,
    Puntlaankeey u soo dhinteenna la iibiyo.


Marka, qofku wuxuu isweydiin karaa haday xaaladdu sidaas aheyd
ciidanku muxuu markiisii horeba tallaabadaan u qaadi waayey ?
Waxay ila tahay in ciidanka ay ahaayeenn kuwii ugu horeeyey ee
taageeray dawladda marka waxaa la rabay horta in kooxda tirada
yar ay u soo kala adkaadaan si ka takhaliskoodu  u saxlanaado
sida haddaba dhacday.Arrintaas waxaad ka garan kartaa in dadkii
ugu muhimsanaa musharaxiintu ay hadda dawladda ay taageersan yihiin.
Ayaamihii damboo dhanna waxaa magaalada Garoowe ku soo qulqulay
ciidamadii Pl oo kala joogay Gobolada badankood taas oo ku tilmaameen
kuwa cadawga u shageeya in ay Amxaaro yihiin sidii kuwoodii
Kismayo horey loogu yiri.Guud ahaana Pl inay laheyd ciidan kumaankun
ahna waan la soconay ee tollow Xasan ma taliyaha ciidanka PL ayuu
u dhaaranayaa oo ah Saciid dheere  mise reerkiisa oo keli ah ayuu
u qooroweyn yahay! Si kastaba ha ahaatee, Xasan wuxuu ka sheegey
Yurub in hadduu tago PL in la xiri doono,waxaana cad in arrintaas
ayba sii xoogeysatay waxaan rajeynayaa fulinteeda  in uu ka nasto
Mr. Nur Salad oo ah taliyaha Boliska ee Nugal loona daayo Xusen
Sheydan hadduuba joogo.Waxyaabaha aan soo sheegeyna waxaad ku
ogaaneysaa isagoo Islaankiiba uu leeyahay ciidankeenii baa  sugay
nabadgelyadii  ee nabad ha loo joogo!


Qormadeydana waxaan ku soo xirayaa anoo u digaya in Jaamaca la soo
qalday uu cagta wax ka dayo uusanna  ku nasan Bosaso maxaa yeelay
nin joogi kari waayey Qardo Bosaso ma degi karo ee  ka helid
wanaagsan gabeyga soo soocda:-

  ILLAAH OO KU CEYNSHIYO
  ANOO KU CAFFA MOOYAANE

  WALLEE CAAFIMAAD KUMA FADHIDID
  CALIYOW BOOSAASO.....

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).