ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

HIS EXCELLENCY SAFIIRKA CARTE EE LIBYA WARKIISA YAA RUMEYN KARA!?

Posted to the Web   April 13, 2002

WQ

Abdulrazak Osman Dirie 

bakool55@hotmail.com

Aniga iyo dad fara badanba waxaan ka dheregnay beenta iyo waliba male-awaalka ay caadeysteen kooxda Carte iyo taageerayaashoodaba. Runtii arrinkan igama aha dhaleeceen balse waa mid aan daliil cad oo qoraal ah aan u hayo.Daliiladaasna waxaa ka mid ah :- 

 

1- Mr. Cali Khalif waa tuu Itoobiya ku eedeeyey in dhulka Somalidu uu ciidankeeda uu ku jiro. Iyadoo taasi taagan tahay waa yaab eh waxaa Itoobiya tegey Mr. Ismaciil Buuba iyo Mr. Hasan Abshir iyadoo uusan ka warqabin Mr. Caliga Raķisal Wasaaraha Carte ahaa.Tagidda Mr. Ismaciil waxaaba ka sii yaab badnaa isagoo beeniyey warkii rasmiga ahaa ee Raķisal Wasaaraha raaciyeyna in Itoobiya ay Somaliya hubka ka dhigi doonto! Intaas ka dibna Mr.Buba ayaa afkiisii isku beeniyey oo yiri hadda Itoobiya cariga Somaliya ayey ku jirtaa!!

 

2- Sidaas oo kalena waxaa u hadlay Mr. Hasan Abshir isagoo cadeeyey in Garoowe ay Amxaaro qabsatay. 

 

Isaguna sidii Carte ayuu u dhaqmay, ka dibna Adis wuxuu ka yiri kuwa qabsaday Garoowe waa Majeerteen!!! Si aad cadeymaha kor ku qoran aad u akhrisato fadlan meel kale ha ka eegin oo aan aheyn kuwa warbaahinta Carte u qaabilsan sida HIIRAAN oo ay SOMALITALK oo ka Xanaaqday ugu dhowaanshaheeda Carte ku tilmaantay in ay isu muujineyso in ay tahay afhayeenka Carte. 

 

Arrimaha aan ka soo sheekeeyeyna waxay cadeysay shakhsiyadda dhabta ah madaxda Carta.Nin ka tirsan baarlamaanka Carte oo ku wareeray is beeninta faraha badan ayaa yiri, 'Dawladda Carte alif wax ma leh iyo alif wax buu leeyahay iyada ayaa laga hayaa'. 

 

Hadda aan u soo noqdo qoraalkii His Excelleny oo aan ka baaray warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Talyaniga ee RAI-www.televideo.it, waxaana ka waayey warka uu sheegahayo Dotoorku, balse waxaan horay ugu arkay in Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda uu ku eedeeyey Carte in ay lunsadeen $50 Million oo ay Carabtu ku bixisay magaca qaranka iyo in wax dawladaa la yiraahdo Somaliya ayan ka jirin.

 

Waxaana dhab ah in Wasiirku uusan Ilaahay been u sheegin maxaa yeelay waa tii ay Carte isku qabqabsatay boobka hantidaas oo Mr. Cali lagu eedeeyey in malaayin uu dhacay, Mr. Calina uu yiri wixii ay Carab bixisay Mr.C/qasim ayaa qaatay iyo waliba hadda oo loo heysto Mr. Deeroow lacag dhan $100,000. 

 

Ugu dambeyntii, markaad waxaas oo dhan aad isku soo duubto ma aamini kartaa ninka sheeganaya safiirnimada Carte oo aad madaxdiisaba aadan rumeysan karin....? 

 

Aniga jawaabteeydu waa.MAYA, MAYA & MAYA. 

 

A.O.Dirie


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.