ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Jabuuti Waa Cadawga Koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed

Posted to the Web   April 22, 2002

WQ

Elmi Abdulaahi

elmiabdu@hotmail.com 

 

Anigoo tixraacaayo qoraalo kala duwan aan horay idinku soo gudbiyey,dawladda Jabuuti ee uu horseedka ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle waa cadawga 1aad ee ummadda Soomaaliyeed ay leeyihiin.

 

Waxay caqab ku yihiin inay Somalia sal dhigto. Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geellee waa nin  aan waxba ka ogeyn arrimaha dalka Somalia.

Waxaan u maleynaayaa  Jabuuti inuu cadawga 1aad ee ummadda Soomaaliyeed ay leedaday, tusaale gaaban:Madaxweyne Xasan Guuleeed Abtidoon markii uu Somalia soo booqday maxruum Maxamed Siyaad Barre wuxuu kusoo dhoweeyey gacmo furan,wuxuu ku yiri:Shacabka reer Jabuuti dalka Somalia waxay soo geli karaan ( Viso la'aan ), bal ka warama Xasan Guuleed waa diiday inay ummadda Somaliyeed ay Visa la'aan ku galaan dalka Jabuuti.

 

Sidoo kale maatada Soomaaliyeed oo dhibaateysay ayey xuduudka kasoo xirteen.Dad aad u fara ayaan haraad iyo dar xumo ugu geeriyooday xadka Jabuuti ay la leedahay Somalia. 

 

Shir ku sheegii Jabuuti oo sharta iyo shirqoolka loogu maleegaayey ummadda Soomaaliyeed kharashka la sheegay inuu ku baxay ( Somalia barkeeda waan ku dhisan karnay ).Kharashka been abuurka ah oo la sheegay yuu ku maqan yahay. 

 

Waa yaab iyo yaabkiisa.Ismaaciil Cumar Geelle ( Geelle sharwade,fitno abure,Somali isku-dire) maxaa ka khuseeya arrimaha u gaarha ah dalka Somalia.

 

Guud ahaan ummadda Somaali weyn ha ugu feejignaadaan sharta ay inoo maleegaayaan kooxda uu horseedka ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle. 

 

Taariikhda been ma sheegto ( Jabuuti shirqoolka ay u maleegaayaan ummadda Soomaaliyeed iyagaa hortooda ka heli doonaa ). 

Somalia ha noolaato sharwadayaasha ha dhinteen. 

 

Wa Caleykum Salaam. 

Elmi Abdu elmiabdu@hotmail.com


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.