ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Geeraar ALLE Amaan ah.

Posted to the Web  June 07, 2002

WQ.

Cimraan Mohamed 

cimraanmaxamed@yahoo.fr

 

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha Cathiimka ah.

BISMILLAAHIR RAXMAANIR RAXIIM.

Assalaama calaykum waraxmatullaah.

Iyadoo cassara ah,

camma iyo takwiir iyo,

cabasada akhriyey,

calaamada qiyaamadu ,

cindigayga gaadhoo,

dhabanada cuskaday,

Eebbow caziizow, 

cidkale lama amaane'e;

RUUXII CAQLI LEH, 

WAXYAR UUN CABIRIKARA, 

MA AHA INUU KUCAASIYO,

cadceedu maalintay kawirantoo,

caymadaan xidkuhu,

buuraha culculus, 

cihni ay noqdaan,

ubadkeed cishaaradu,

cararakaga huleelaan,

dadku caariyihiinoo,

miisaanku uu cadilan yahay,

nin waliba cawdoo,

haddan ciid ahaanlaa,

rabow ima ciqaabteen,

Allahayow i celi,

ciliyyiin lafuro ,

mu'miniintu cadar iyo,

canab iyo thimaar,

sundus iyo cagaar,

dahab aan caweerayn,

caajila u baahnaynoo,

Caaliya ku noolyiin,

cadaabana la huriyoo,

caadadooda gaaladu,

cabaadoy ka yeedhaan,

carunka ay dhamaanoo,

cimrigood ku waaraan,

liyoomil cathiimkaa,

caadilkow nabixi;

RUXII CAQLI LEH.......

dhowr cishoo la tirin karo,

cirka taagtey udub li'ibuurohoo cadila iyo, 

ciidda gogol ka yeeshaye,

dayaxa iyo cadceediyo,

caddadiyo habeenkiyo,

xidko caymba cayn,

waxa dunida camaljira,

cilmigaa ku kootoo,

carshigaaga joogtaye,

RUUXII....dunidoo cidla ah,

neefle cagaha soo dhigin,

malagyada iyo culimada,

adigaw cadeeyoo,

citiraaf ilaahiin,

caadil eebbe mooyee,

ciirsi kale majiro,

RUUXII.allaha cadiimkow,

waxa iga cajebiyoo,

ciradan i badayoo,

aan ku cimri qaataa,

badda caariyeysiyo,

duufaanaha cartamayiyo,

ceegaaga webiyada,

oo haday cadhoodaan,

neefle aanu celin karin,

cabsidaada awgeed,

cidhifyada ma jebiyaan,

RUUX..eebbaha aan ciseeyow,

cad waxa ku nool,

caleemaha wax daaqiyo,

cayayaanka oo idil,

ummaddahan cadaankiyo,

cawl iyo madowga leh,

coodka ay liqaan,

adaa caadilow,

calafkooda sugayoo,

camankooda buuxsha'eRUUX?.

amarkaaga culusiyo,

aadan ciid ka beertoo,

annagana candhuufiyo,

xijir caad ku xidhan tahay,

calaq aan adkayn weli,

cidaamahakan dhaadheer,

huwisaye cadkii,

meeshuu soo cidhiidhiyo,

aan cudud ka jebinow,

cilmigaagu waynaa,

RUUXII..allaha cathiimkow,

cilmi nuux udhiibtoo,

oo tiraba kun caan,

caddo iyo gudoodiba,

cibaadadaad faraysoo,

oo qoonkiisu calal iyo,

dhegaha ay cufasteen,

markii uu ka caal dhigay,

caadilkii u yeedhow,

cayuunkay ku sanac yidhiyow,

dabadeed cirkii,

ceeryaamo qode'iyociidu biyaha keentoo,

caluhu ay hadhoobeen,

curadkiisii mooyoo,

camalkiisu uu buray,

mu'miniin caruur iyo,

xayawaankii caynshoo,

doontii u caarshow,

RU.ibraahimkay cadibayeen,

caddabta ay ku tuureen,

ku calool fiyoobaan,

shimbiraha caleemaha,

geedaha ka cuna,

cadcad buu u gooyoo,

ku cidaaday buuraha,

carar ugu imaadkii,yuu ku cibri qaatoo,

caaqirnimo ku gaadhoo,

cimrigiisu dheeraad,

waxyi aan cadayiyo,

curadkuu hantiyey,

markuu cunaha goy yidhi,

caadilkii u yeedhow,

RUUX...allaha cathiimkow,

qoonkii cawaanaa,

dumarkaba ka caagoo,

labka caashaqu u galay,

luud ciil ku beeroo,

martiduu casumay,

cudud bay u sheegteen,

markii uu calaacalay,

tola'ay cidlaay,

caadilkii u yeedhow,

cilcilowga waaberi,nebigiyo caruurtiis,

gaalo cidhib xumaadkeed,issimada cayiman iyo,

caaliyahaa saakhidahaa,cariishyadeed kayeelow

RUUX..cudurkii ayuub helay,curuqyada lafaha,

caloosha uga dhaadhacay,xaaskiis caawimaysoo,

isagoon calaacalin,saburka ciirsadoo,

carabka markay haleeleen,caadilkiis u yeedhow,

caafimaadka siiyow,

RUUX..meel laga cabiyo,makoon ceel lahayniyo,

carabtiyo ismaaciil,cuzayrkii basooboo,

eersaday cariishyadiyo,caadilnimo sulaymaan,

degmadii ciraaqiyo,yuunis xuud calooshii,

caad iyo thamuudiyo,cilmi qaybkii khidiriyo,

shucayb qoon cabudhintii,cibaarada layaab kale iyo,

caziiznima u dambaysiyo,yuusuf ceel ku ku rididii,

RUUXII...muuse caadilow,cishaduu dhashaa,

hooyadiis caloolyow,waxay calal ku qarisaba,

adaa caadilow,cadowgiisa siiyoo,

calafkood ku koriyaye,calaan u hiilintii,

cilad looga dhigayoo,madyan ciirsiga u galay,

ciidamin daraadeed, casharada ku guursaday,

calaamadaha sagaalka ah,adaa caadilow,

cudud nuuta siiyoo,casaa bahal kayeeloo,

caaqii fircawniyo,caaqyaduu lahaa,

ay cagaha maaleenoo,mujrimiintu carareen,

 

RUUX..ceeb ka maydhanow,allaha caalamiintow,

ciise waalid uma tihid,cindigaaga ruuxii,

maryan ina cimraan,caloosheeda galay iyo,

duni waxa camiran,caadilow adaa lahoo,cunugna kuuma ogi abid,

 

RUUX..nebigii cudoonaa,cabdulaahi wiilkiis,

caamulfiil dunida yimi,oo ay caga juglayn iyo,

carey hadal yidhaahdeen,inta ruux ku caabuda,

kaan caynadiisiyo,camalkiis la gaadheyn,

calayka assalaamiyo,iyadoo cawa ah,

meel aan cid tegin abid,carshiga uga yeedhoo,

caan baad kayeeshoo,citiraaftay duniduye,

allihii cunsurintiyo,xiqdiga caam ahaantii,

cabasada udiidoo,laabtiisa culayow,

ceebtana ka maydhow,dhamaan caalamkoo idil,

dadku inuu caabudo,carabtiyo yuhuudiyo,

cajab iyo nasaaradu,cabdigaaga raacaan,ilaahii cadeeyoo,

cimraan noogu sheegow,caashaqaad u haysiyo,

iilkuu caawa jiifaa,in yar ku cibri qaateen,

RUUXII...ALLAHA CATHIIMKOW?

MURTI IGU CABQARISOO,

CAASHAQ INAAN KA HEESAA,

CAADA IIMA NOQONINE,

FADLIGEEDA NOO CELI,

AAAAAAAAAAMIIIIIIN.

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.