ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


BAAQ NABADEED.

Posted to the Web   May 08, 2002

WQ

Abdulkadir Curwa

acurwa@hotmail.com 

 


Ku : dhammaan wax garadka G/puntland ee gudaha iyo dibaddaba.

Anigoo ka gubanaya ,kana xun, aad iyo aadna oga tiiranyeysan waxa ka dhacaya qardho iyo dhammaan gudaha P/land waxaan idinkugu yeerayaa in:

1)dadka reer P/land ee jooga goobaha dagaalaka ka dhacayo
a) in ay dhigaan qoryaha ay isku wataan qorigaas oo aad rabto inaad ku disho walaakaa bari garabka kuu noqon lahaa.
b) inay ogaadaaanaan qofka uu dilayaa inuu yahay ama walaakaa ama ina adeerkaa ee uu san ahayn cadow gaal ah .
c) in aad ka shaqeeysaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa ee aanaan ka shaqayn sidii dab loo horin lahaa oo aan la garayn dabkaas cida ku guban
doonta

2)dadka reer P/land ee gudaha jooga kana maqan goobaha dagaalka ka dhacayo
waxaan iygana oranayaa :
* inay u xirxirtaan sidii ay u kala kaxeen  lahaayeen labada dhinac ee
dagaalka isku hor fadhiya.
* inay gar gaar deg deg ah la gaaraan dhammaan dhaawaca labada dhinac
* inay maqlaan una hogaansamaan baaqa ay soo saaraan isimada waxgaradka,iyoculumaa'udiinka ku howlan jooginta dhiiga sida qiimaha daran ku daadanay.


3)dadka dibadda jooga ee reer P/land ee samaha iyo wanaaga jecel waxaanidinkana  idin oran lahaa
a) walaalayaal waxa daayadnayaa waa dhiiga walaalkaa ee ogow
b) dhamaan inagoo kala harin rag iyo dumar caruur iyo ciroole wadaad iyo aqoon yahayn aan:


1} Aalle u ka barino in dhiigan daadanayaa uu si dhakhso leh u joogasado


2} in aadan dirin lacag walaalkaa ama walaalkey lagu gowracayo oo bari masruufka reerkiisa adiga lagu soo waydiin doono.


3} in wadamada aan kala joogno ka soo saarno bayaan aan ku diinanahay dhiiga daadanaya uguna yeerno darafyada isku haysta maamulka siyaasadeed ee P/landinay wada hadal arinka lagu xaliyo.


4} in aan ka shaqayno sidii dib aan u dhisi lahayn burburkii na soo gaaray haddey noqon la hayd:
·xag siyaasadeed
·xag dhaqaale
·xag sumcad
·xag kalsooni daro oo bilihii la soo dhaafy ay aad iyo aad u xumaatay

waa Abdulkadir Hussein Hassan "Curwa" oo ah ardey ku nool UK oo rabay inuu cabiro aragtidiisa ku aadan dhacdooyinkii ilaa shalay ka dhacay magaalada qardho iyo agagaarkeeda.Waa aragti shakhsiyeed, diraan u ah wada hadal iyo munaaqasho wax ku ool ah.


Waxaana la igala soo xiriiri karaa : Emailka korka qoralkana ku qoran


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.