ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

BBC Laanta Soomaaliga oo aan xad loo yeelin lama xalin karo Qaska Puntland ka jira.  

Posted to the Web   March, 2002

WQ.

Maxamud Sheikh Dahir

mdahir@t-online.de     


Isku dayga ay isku dayayaan Gudiga dib u Heshiisiinta Puntland ee Nayrobi  lagu soo dhisay in ay kooxaha Puntland isku haya hashiisiiyaan waa isku day wanaagsan oo maskax caafimaad qabta ka soo baxday, Qofkasta oo niyad wanaagsana soo dhawaynayo. 

 

waxaadse moodaa in aanay Gudiga dib u Heeshiisinta reer Puntland iyo reer Puntland oo dhani garan meesha saantu ka quruntay iyo meesha laga abaabulay Burburka Puntland

waxaanan aaminsanahay in haddii meesha uu Qasku ka soo burqayo marka hore la jeebin oo aan gaar ahaan warbaahinta loo isticmaalayo Qaska Puntland la joojin in xalin iyo dhayid Dhibka Puntland ka taagan aanay suurto gal ahayn oo ay arintu tahay Biyo la qasayo ma miirmaan. 

 

Wuxuu Qofkasta og yahay awooda warbaahineed ee ay BBCda laanta Soomaaligu ku dhex leedahay Bulshado weynta Soomaaliyeed iyo sida indhalo laŽaanta ah ay Soomaalidu BBC laanta soomaaliga u aamisnan yihiin, waxaa kale oo uu Qofkastaa ogyahay in ay BBCda laanta soomaaliga noqotay warbaahin u adeegta kooxda Carte, kana shaqaynaysay sidii Puntland looga yegleeli lahaa maamul Carte raacsan iyo sidii ay Puntland dagaal sokeeye uga dhex ridi lahaayd: 

 

Waxay BBCdu hadda ka hor weerar ku qaaday Maamulkii Puntland ka jirey, waxayna ku guulaysatay in ay burburiso waxaa kale oo ay hadda diyaar u tahay in ay Gudiga hadda howlihiisu socdaan ee raadinay nabadaynta Puntland in ay fashiliso haddii aanay danta Carte meeshaa ka arag. 

 

Sidaa darteed waxaa wanaagsan talo biyo kama dhibcaana aan u arkaa in ay Gudiga dib u heshiisinta puntland iyo ninkasta oo raadinaya xalka Puntland in uu marka hore abaaro meesha qaska puntland laga soo unkayo.ee ah BBCda laanta soomaaliga. 

 

waxaana wanaagsan inta uu Gudigu arimaha dib u heshiisita ee Puntland gudo galin, in ay Dhibka BBCda Laanta Soomaaliga ay ka wado Puntland iyo sida ay arimahooda dib u heshiisiinta ah Caqobo ugu noqonkaraan Adduunka iyo waliba wadamada dib u heshiisiinta maalgalinay u soo bandhigaan, kalana tashadaan sidii looga hortagi lahaa in ay Qorshahooda BBCdu fashiliso, kaas oo keenaysa in uu gudigu u gacan banaanaado xalinta khilaafada, joojinaysana gacan toglaynta qaska wadata ee BBCdu laanta soomaaliga wado. 

 

Waxaana hadaba ay BBCdu bilowday in ay dhinac dhinacyada Puntland isku haysa iidheh u samayso si ay u kala dhantaalanto xal u helida dhibka ay iyagu (BBC-da Soomaaligu) Puntland ka dhex aloostay. 

 

Mahadsanidin

Maxamud Sheikh Dahir

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.