ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Odayaasha iyo siyaasinta Qoxootiga Dibada ka ah ee reer Puntland ayaa burburiyeen Puntland!!

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 13, 2002

Posted to the Web   January 13, 2002

Waxaa Qoray

Maxamud Sheikh Xasan Dahir

mdahir@t-online.de 

Markii kuman yaal kun oo Reer Puntland Koonfurta iyo Waqooyida Soomaaliya laga soo baro kiciyey oo Maal iyo Nool waxay lahaayeen la dhacay, waxay intii fursad heshay oo u badan intii Siyaad Bare wax la qaybsadeen oo qaarkoodna Nadaamkaa ku soo ibtiloobeen u soo qaxeen Yurub iyo Ameerika oo ay Qaxooti ka noqdeen. 

Waxaana Wadankii ku haray intii fursad u waayeen in ay soo gaaraan Wadamada loo soo qaxay, Dadaal badan ka dib waxay ku guulaysteen Dadkii gudaha ku hareen in ay Maamul ka samaystaan Puntland, waxayna Puntland ka dhigeen meel loo soo Shaqo doonto oo Boomi ah, Aduunkoo dhana la yaabay xowliga horumarka leh ay ku socoto, waxayna noqotay Puntland meel lagu sheekaysto Aduunkoo Dhan, laguna faani karo. 

Waxaa taa suurto galisay iyadoo Dadku yaqaaneen Dhanka Cadowgoodu ka jiro, loo na soo dhuuman karin, waxay ku dadaaleen isku dubni iyo Walaaltinimada dhexdooda, taasoo u keentay in ay sameeyaan Gobol ka miisaniyad badan wadamada Afrika qaarkood,  kana nabadgalyo badan, waxay hoo iyo hiilba la garab taagnaayeen Walaalohooda reer Kismanyo.

Nasiib waxay sidaa ahay arintu ilaa intii Carte la isugu tagay oo ay soo qabanqaabiyeen Ragii dugsigii Siyaad bare ka qalin jabiyeen, kuwaa oo kaashanaya ururada Xagjirka ee ka jira Soomaaliya iyo warbaahinta Caalamiga ah sida BBC  da Laanta Afsoomaaliga. 

Kooxdii Carte lagu soo dhisay waxay garteen in Qorshohoodu Dadka Puntland gudaheeda joogaan, uga soconayn markii laga reebo koox yar oo waqtigii Siyaad Bare kaboqaadnimo ku caan baxeen, sidaa darteed waxay kooxdii carte awoodooda saareen sidii ay u heli la haayeen Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Puntland ee Yurub iyo Ameerika ama Wadamo kale Shaqo laŽaanta ku noqdeen. 

Qorshahaasi wuxuu noqday mid ay reer Carte ku guulaystaan oo waxay heleen Odayaal iyo siyaasiyin Qaxooti ah oo dal tabyo iyo damac hayo diyaarna u ah in ay dadkooda dagaal sakooye ka dhex huriyaan si ay shaqo uga helaan kooxda Carte. 

Odayaashi qoxootiga ahaa ee dibadaha laga soo ururiyey waxay Puntland ka huriyeen Dagaal sokeeyey , kuwii dibada ku harayna waxay si Carte Codkooda u maqlo iyo si Carte ugu tashado ka hadlaan BBC da Laata Afsoomaaliga ama waxay isku soo qoraan Internetka oo Bayaano iyo Baqaq ka jeediyaan.

Odayaashasi waxay si ula kas ah bansin.ugu sii shubaan Dabkii ay ka shideen Puntland. 

Isku soo guub oo arintu waa Nin hunguri hayaa halaag ma garto, Odayaasha iyo Siyaasiyinta reer Puntland ee Dibada joogaana hunguri baa ka haya in ay shaqo ka helaan kooxda Carte .

Waxayna  waliba diyaar u yihiin in ay isku kiin diraan, sidaa darteed waxaan kuwa gudaha Puntland joogow kula talinayaa in ay ka tashadaan Qoxootiga raba in ay .Dhiigooda kooxda Carte isaga dhiibaan. 

mahadsanidin

Maxamud sh xasan dahir.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com