| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  QAYLO DHAAN!!.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 09, 2001
Posted to the Web  December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Maxamud Sheekh Xasan Dahir

mdahir@t-online.de 

                

Odayaashii wax maarayn lahaana ku Qaraabashad Magaca Dadkooda ka badin la yihiin, Odaykasta oo reer Puntland ah oo hadla ama Baaq soo dirana markaad Dhagaysatid ama akhrisid hadalkiisa Su´aasha kaliya ee aad iswaydiinaysid waa „war kanna imisay siiyeen oo ka hadlinays“, inkasta oo Xiligu sidaa u xun yahay Lakiinse haddii la rabo in wax labadbaadiyo 1% ee haray way ku filantahay in wax lagu badbaadiyo, Gobolada Soomaaliyeed ee kale oo dhan wax Fursada Puntland ee 1%  haysta ma jiro, maxaa yeelay waa Meeshe kaliye ee Al-Itixaad lagulana dagaalamay lagana nadiifiyey. 

Su´aasha marka la iswaydiin karo waxay tahay hadayba sidaas tahay xagee bay marka Saantu ka qudhuntay, oo Puntland in Argagixiso joogaan  loogu malayn karaa?  

Su´aashaa si aan uga jawaabno waxaynu u baahanahay in aan is waydiinu maxaa Puntland ka dhacay Dhawaan iyo maxaa ku soo kordhay? 

Ninkastaa wuu ogyahay in qalalaase Siyaasadeed oo xoog leh ka dhex aloosmay kooxo kala ujeedo ah oo Jamac Cali Jama hurmuud  uyahay iyo Maamulkii Puntland, waxaa kale uu Ninkastaa ogyahay in Imaatinkii Jamac Cali Jamac  iyo Al-Itaxaad baa Puntland jooga isku fil yihiin. 

Waxaynu ognahay sidii ay Dowlad Itoobiya marrar badan Isimadii Puntland ee Shirka Garoowe watay u martiqaaday, si ay uga digto Lugta ay Al-Itixaad Shirka ku leeyihiin iyo Xiriirka Jama Cali Jamac uu Al-Itixaad iyo Carte la leeyahay iyo siday isugu xirraayeen Magacaabidii Xassan Abshir loo magacaabay Ra´iisulwasaare iyo tii Jamac Cali Jamac ee loo magacaabay madaxwaynaha Puntland taas oo aad ka dhadhansanaysid qiimaha wayn ee uu Jamac Cali jamac ugu fadhiyo Kooxda Carte ee Xamar.iyo C/Qaasim, iyo Ujeedada wayn ee ay ka leeyihiin. 

Markaynu Arinta sidaa u fidinay waxaynu heleynaa Meesha ay Saantu ka quruntay, waxaynuna ogaaraynaa in arinta Al-Itixaad iyo dhaqdhaqaaqooduba in uuna  dhaafsanayn Jama Cali Jamac, Waxaana inoo soo baxay in Duqaynta puntland la rabo in la duqeeyo Jaamac Jilbaha ku wato. 

Waxaa Arinta sii xumayn Jamac wax Xirriir ah Aduunka lama leh si uu uga dhaadhiciyo in aanay Puntland waxa argagixiso ah joogin iyo in uuna isaga laf ahaantiisu Kooxahaa shaqo ku lahayn. 

waxa kaliye ee Jamac Xirriir la leeyahay waa kooxda carte oo ay noqdeen isaga iyo iyaguba Labadii Nin ee Libaaxu wada carsaday ee midna Geedka fuulay midina Geedka hoostiisa jirif taalay isku daday, oo markaas Libaaxii Ninkii Korsarnaa arkay, Ninkii kor saarnaa markuu u dulqaadan waayey indha Libaax buu Ninkii hoose farta ku fiiqay sidaas baa libaaxii Ninkii hoose ku cunay. 

Arintu hadda Camac iyo Carte far isku fiiq bay maraysaa siduu Xassan Abshir BBC-da ka sheegay „annagu meelaha aan masuulka ka nahay Argagixiso majoogto meelaha kale masul kama ihi“  

Sidaa darteed wax Carte Xageeda aad ka sugtaan ma jirto.oo iyagaaba Hoyga Argagixisada in ay yihiin loo haystaa..

Dhalin yaradii joornaalistayaasha ahaayeen ee Bosaso yimaadeen waxay idiin qaban karaan majiro, oo waxba aduunku kama maqlayo. 

Marka aarintu way cadahay Reer Puntlandiyoo jamac ma aha Nin waqtigaan wax samato bixin kara, Salaad kastana waqtigeedaa la tukadaa ee Caruurtiina iyo Hantidiina iyo wixii nolashiina idiin haray badbaadiya oo go´an waqtiga la socda.si dagdag ah  u gaara. 

Waxaan u malaynayaa in aydaan Waqti badan haysan. 

Mahadsanidin

Maxamud sh xasan dahir

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com