ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Baaq ku wajahan Puntland gaar ahaana Boosaaso

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 10, 2002

Posted to the Web   January 10, 2002

Waxaa Qoray

Maxamud sh xasan dahir

mdahir@t-online.de  

Hadda ka horna in tuuman Siyaad Bare Muqdisho ka bixin, waxay reer Puntland iska dhaadhiciyeen in aan iyaga waxba la yeelaynin, waxaayna Siyaasiyiinta iyo Odayaasha reer Puntland iyagoo USC iyo SNM Kursi ka sugayaan, dhihi jireen

,,Heedhe Siyaad Baraa la ridi ka dibna Dowlad baa la dhisi ee Qofna USC iyo SNM wax ma yeelayaan, Waxay kale oo ay dhihijireen wax idin dili ama wax rabaa in ay wax idinyeelaan ma jiraan ee Xamar jooga Siyaad Barena ha u dagaalamina oo ha daaficina “. 

Is dhigashadii la is dhigtay wixii ka dhashay oo Dil iyo Qax ahaa iyo wixii Haweenkeena, Caruurteena iyo Maalkeena ku dhacayna  waad ogtihiin oo Qofna ma moogna. 

Hadda waxa Aduunka ka socda Aloole wayn Kooxda Soomaaliya uu Aloolahaasi ku wajahan yahay Cidna kama qarsoona Waxaa kale aan cidna ka qarsoonayn in wixii xiriir la leh kooxahaas la dhaafaynin oo Dhulka lala gooynayo. 

Waxaa kale oo aan isaguna inagu cusbayn in meelo Puntland ka tirsan Magacooda Marar badan la soo qaaday iyagoo lala xirriirinayo Kooxahaas iyo in marar badan la sheegay in Jaamac Cali Jaamac xiriir la leeyahay Kooxda Carte iyo isagoo waliba Shirkii Nakuru kala qaybgalay.iyadoo Kooxda Carte lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ah. 

Waxaad la socotiin oo kale in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha reer Puntland qaarkood wali damac ka hayo in ay Kooxda Carto Kursi siin doonto,  sidaas darteedna aanay GoŽaan ku haboon Waqtiga la joogo gaari karin, arintooduna tahay Nin hunguri hayaa halaag ma arko.

Waxayna waliba isku dayayaan in ay idin seexiyaan iyagoo adeegsanay BBC Laanta Afsoomaaliga sida Wariyayaashii loogu Magac daray Xaqiiq raadinta ay Xasan Abshir iyo C/qaasim idiin soo direen markuu Jamac cali Jamac ka Codsaday in ay wariyayaal u soo diraan si Dadka Niyadooda loo dajiyo,  ka dibna warbixintoodii yuusuf Garaad buunbuuniyey si aad ugu qaadatan in Aduunku arkay waxa xaqiida ah .

waxaana warbixinta Wariyayaashaa laga maqlay oo kaliya BBC-da Laanta Afsoomaaliga,  Aduunkuna wax war ah uma hayo wariyaash la sheegayo in ay idiin yimaaden iyo waxay qoreen toona .

ujeedada laga lahaana wariyayaasha waxay ahayd in aydaan jamac cali jamac ka soo hor jeedsan. 

Waxaa kale uuna daah idinka saaraynin in Magaaloyinka Soomaaliya qaarkood sida Baydhabo iyo Soomaaliland wax cabsiya in la soo weeraro aanay Dadku qabin sidoo kale Magaaloyinka aanay Carte taageerada ku lahayn ee Puntland ma qabaan wax cabsiya. 

Marka anigoo dhacdooyinkaa horay inoo soo maray ee ku yimid dhayalsiga iyo is dhigasho iyo waliba ka bixida ay UN ku ka baxday Puntland ka ambo qaadaya, ogna in wakhti Nin jaclaysi la joogin waxaan idiinku baaqayaa  

in Khayr wax idin ma yeelee aad shar u tooghaysaan oo Saxaro Qori dheer baa la isaga tiraa wixii la socda Kooxda laga shakisan yahay ee Carte iyo waliba wixii lagu xamanayo in ay la socdaan aad Puntland ka saartan, dhaaftaana Nin jaclaysigna oo aad duruufta taagan tixgalisaam. 

mahadsanidin

Maxamud sh xasan dahir

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com