ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

 BBC-da Laanta Afsoomaaligu ma ku noqon doontaa Aduunka AlJaziiradii labaad

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 12, 2002

Posted to the Web   January 12, 2002

Waxaa Qoray

Maxamud Sheikh Xasan Dahir"

mdahir@t-online.de    

 
Qarsoodi ma leh in ay BBC-da Laanta Afsoomaaligu ka mid tahay Kooxihii Kooxda Carte soo dhiseen, tahayna Afhayeenka u taagen ilaalinta danaha Kooxdaas., Kana shaqayso Burbirinta iyo Khalkhal galinta kooxaha ka soo horjeeda Kooxdaa, iyada oo aan geedna ugu soo gaban. 

Waxayna la ogyahay in BBC-da Laanta Afsoomaaliga, Barakaad  iyo kooxda Carte si wadajir ah uga wada Qaybqaateen dagaalkii Kismaanyo iyo gumaadkii ka dhacay, Waxay sidoo kale gacmo wadajira ku burburiyeen Puntland. 

Iyadoo Xirirkaa wada Shaqaynta ah jiro ayaan iyana marna la ilaabi karin kann qaraabonimada ah ee ka dhaxaysa Yuusuf garaad iyo sheekh xasan dahir awes iyo C/qaasim.iyo waliba madaxa Al-barakaad.

Waxayna dad badani Tuhunsan yihiin in tan Qaraabonimadu keentay, in BBC-da Laanta Afsoomaaligu si Laabqaadnimo ah oo aan Qawaaninta Warbaahinta waafaqsanayn u dhaqanto. 

Xirriradaa wajiyada badan ee BBC-da iyo Kooxda Carte ka dhexeeya wuxuu keenay in ay BBC-du si gaara u ugaarsato Kooxaha Kooxda Carte ka soo Horjeedan, kuna furto Dacaayed aan kala go lahay kana abuurto warar aan sal iyo raad lahay.

Qarisana Dhacdooyinka Foosha xun ee ay kooxda Carte ku kaceen sida Isir gayntii ka dhacday Kismanyo. 

Waxayna dad badan oo Soomaaliya aaminsan yihiin haddii aanay BBC-laanta Afsoomaaligu u xaglin lahayn kooxaha isir raaca ah ee Carte in aanay aqoonsi Aduunka ka heleen kooxahaasi.

Somaaliyana sida ay Maanta u egtahay si ka duwan u ekaan lahay. 

Hadda suŽaasha Dad badani is waydiinayaan waxay tahay BBC-da Laanta Afsoomaaligu Aduunka ma ku noqon dontaa radio Jasiiradii labaad hadii Aduunku goŽaansado in uu talaabo ka qaado Kooxda Carte. 

mahadsanidin

Deqa siciid maxamud

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com