| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Xaga Siyaasada ma ka Dhoohanahay ?  .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 12, 2001
Posted to the Web  14:21 GMT December 12, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Maxamud sh xasan dahir

mdahir@t-online.de 

Dad badan oo Soomaaliya baa waxay halqabsi ka dhigtaan war Siyaasada ka hadalkeed naga dhaafa iyagoo isla markaana Ninkii Siyaasad ka hadlaya ku tilmaama in uu yahay Reer baadiye ama dhoore.ama. 

Xaqiiqse waxaa ah in Siyaasada la socokeedu muhiim yahay, maxaa yeelay Siyaasadu adiga jiritaankaaga ayay khusaysaa oo waxay Siyaasiyiintu go´aan ka gaarayaan waa adiga iyo Mustaqbalkaaga. 

Wuxuu Ninkastaa ogyahay sida uu Jeebka u saamaynayo haddii Siyaasiyiintu Bariiska, Sonkorta iyo wixii lamid ah Qiimahooda kor dhiyaan,Waxaad kaloo aad ogtihiin in Dagaalada ka qarxay Soomaaliya ay Salka ku hayeen Siyaasad, waxaanad ogtihiin sida ay u saameeyeen Nolosha Dadkeena iyo Mustaqbalka Caruurteen iyo Keenaba. 

Go´aanka Siyaasiyiinta iyo Odayaashu kuma eka iyaga oo kaliya oo lama dhihi karo waa arin Dad gaara oo siyaasiyiin ama odayaal la yiraahdo khusaysa ee waxay go´aankoodu raad ku reebaan jiilka jooga iyo kuwa soo socda. 

Waxaa marka Soomaali kalo baxdu ugu liita la socodka Siyaasado waa Dhaliyara reer puntland.Waxaanad moodaa in qabaa´ilka kale heleen Qaabka ay u fakiraan Reer Puntland oo Qadiyadooda lagu dhaafiyo Odaahyada ay kamidka yihiin „adigu yaakhay Reer magaal aad tahay, adigu Nin odayaa tahay, Dhoorayaasha ha ku dayan, adigu ciyaal Camar baad tay., adigu Baysaani aad tahay Ninkaani qabiil ma yaqaan xataa Adeerkiis buu dilaa iyo wax yaabo lamid ah.oo badan.“ 

Odhaahyadaas oo dhan waxay ka dhigaan Dhalinyarad in uuna yeelan wax Qadiyad ah oo uu u halgamo iyo in uuna yeelan Madax iyo minjo Siyaasadeed iyo in uu waliba ka baxo Xayn Daabka siyaasada, wuxuuna noqdaa warqad cad oo u furan hadba Ninkii siiya Shahaadoyinkaa kor ku xusan, wuxuuna soo baxaa haheyo raac iyo Dameeri dhaan raacday.Waxaana laga dhigaa Ciyaal maxaa ka macno ah. 

Waxayna dhalinyaradu markaa ka dib siyaasada u dhaafan  Odayaal wax jirnaxa u haynin dadkooda oo aad moodid in ay sahay Akhiro sii raranayaan, iskana dhigaan si ay saxankooda bariiska ah u bislaystaan oo ay dadkooda u iibsadaan soomaali iyo wadani erayadaas oy badanaa ku qarinayaan in ay yihiin xaran quutayaal waxaana arintaa tusaale kuugu filan inta jeer oo ay odayaal isku sheeg Kismanyo faraha ka bixiyeen iyo sida ay Siyaasada Puntland u khalkhaliyeen, iyada oo aan marna la iswaydiin war horta maxaa wadani iyo Soomaali lagu noqdaa markaad Dadkii ku aaminay khayaanaysid. 

Siyaaso ku bahalownimada Odayaasha Reer Puntland Waxaa tusaale kuugu filan Qaylo nabadeed yada iyo Baaqaqa iyo Bayaanada Siyaasada isku dirka huwan ee ay Odayaasha reer puntland soo qorayaan iyagoo ku tashanayaan dhoohanaanta xaga Siyaasada ee dhalinyarad reer puntland. 

Waxaa Odayaasha fahma Qasdigooda isku direed dhalin yarada qabaa´ilka kale oo markaa kula taliyaan dhalinyarad Reer Puntland in ay Reer magaalnimo iyo Baysaninimo tahay hadday tageeraan dhawaaqa Odayashaa.

Sidaas bay Dhalinyaro badan oo Reer Puntland ah ku taageeran Siyaasad aan dan ugujirin.

Odayaashii waxay noqdeen waraabe la howraar ee inagu yaynaan waraabe la howraar noqonin. Marka Si ayna Odayaashu inoo khaldin waan in aan Siyaasada la soconaa oo Ninna naftiisa(siyaasad naftaaday khusaysaa)  yuu Ninkale ku aaminin, kana baxno Siyaasad ka dhoohnanta. 

Waxaan halkan ka raali galinaa Odayaasha Reer Puntland ee aan jeebkooda ka fakarin ee mustaqbalka caruurtooda ka fakiraan, hana ogaadeen in aanan iyaga ka hadlayn sidoo kale dhaliyarad Dadaalan ee utaagan wax ka sawirka mustaqbalka Dalkooda.kuma jiraan kuwa aan ka hadalayo.raalina ha iga ahaadeen. 

Mahadsanidin

Maxamud sh xasan dahir 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com