| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Xasan Abshir ma ka Qayb fiicnaan doonaa Dawacadii? 

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir Aragti@allpuntland.com 
November  13, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 13, 2001
.k

Waxaa Qoray

Maxamud Sheekh Xasan Dahir. 

mdahir@t-online.de 

 

Xasan abshir oo markii Shirka Carte dhamaaday sidii uu  jagada Ra´iisu wasaaraha u heli lahaaa Dhulka isla dhacay, C/qasimna diiday in uu ka dhigto Xasan Abshir Ra´iisulwasaase markay Dad aad u yaqaanan Xasan Abshir kula taliyeen in uu Xasan ka dhigto ra´iisulwasaare,ku yiraahdeena C/qaasim war C/Qaasimo Xasan Abshir bay qabataa Sheekadaan soo socota ee isaga u dhiib jagada Raíisulwasaaraha. 

Sheekadiina waa sidaan: 

"Waa baa Nini Caruur iyo Haween dilay markaa baa la soo xira , waxaana lagu soo oogay Dambiga ah Dad dilnimo, ninkii wuu inkiray danbigii lagu soo oogay wuxuuna ku dooday in uu Makhraati haysto in uuna Danbigaa galin,iyo in uu  Waqtiga Danbigaasi dhacayna meelkale joogay. 

Maxkamadu waxay ka codsatay in uu bari keeno makhraatigiisa, waana lagu kale dareeray Maxkamadii maalintaa.

Subaxdii la balamay buu Ninkii keensay Makhraatigiisii, mar alaale Markii Garsoorihii Maxkamadu arkay Ninka makhraatiga ah buu wuxuu yiri Ninyahow Danbiga loo haystay wax Danbiya oo aad gashay majiro ee adoo Danbi la´aan ah Gurigaagii aad. 

Ninkii Danbiga loo haystay wuu yaabay wuxuuna waydii Garsoorihii sababta uuna u waraysan Ninka Makhraatiga ah. 

Markaas buu Garsoorihii ku jawaabay anigaa hada ka hor ninkaan markaan Curadkiisa dilay Makhraatibeenad u soo kaxaystay wuxuuna u hadlay sidii aan iri u hadal oo uuna waxna ka dhimin waxna ku darin :

Hadda oo aad Caruur iyo Haween kaliya ka  dishay waxaan hubaa in makhraatinimadiisu ka sii fiicantay markaygii.

Marka Ninyahow iska tag Ninkan waa la yaqaan oo wixii aad tiraahdi samee wuu saman isagoon waxna ka dhimin waxna ku darin"

Marka Isagoo Cabdiqaasim sidaa u yaqaan Xasan Abshir wuu diiday haddana in uu u Magacaabo jagada Ra´iisulwasaaraha  wuxuuna jeediyey C/qaasim khudbadiisii caamka ahay oo uu ku diidayey Magacaabida Xasan Abshir oo ahayd sidatan 

" Ninka anigu aan magacaabo, anigaa og in uu ka soo baxayo Mas  uuliyadiisa anaana Masuul ka ah,  Ninka aad igulatalinaysaanse idinka Masuuliyada ila  qaybsanaysaan "  

Dad badan  oo  Xasan Abshir Aqoon u lahay baa waxay u arkayeen in uu Xasan Abshir Khudbadaa darteed isaga baxayo Kooxda Carte, ama ugu yaraan in uu diidi doono in uu jago ka qabto. 

Cabdiqaasim uma diidin Xasan Abshir aqoon la´aan iyo Cabsi uu ka qabay in ka horyimaado ama Amarkiisa khillaafo ee wuxuu rabay in uu sii jilciyo si uu u gaarsiiyo in Xasan Abshir Dawacadii Habardugaag wax u qaybisay ka Qayb fiicnaado.  

Qaybintii dawacadu waxay ahayd sidaan: 

" Waa baa inta Habardugaagihi qaybsadeen Tulud Geela markaas baa waxaa  loo xilsaaray Qaybintii Dhurwaa oo ku bilaabay Qaybintii sidatan. 

"Ma Bar mise Bar, Bar Libaax baa leh , Barka kale Bahalow baaba" 

Libaaxii baa Dharbaaxo qaaday oo Dhurwaagii Dhag iyo Daangooyey oo ka soo riday il, waydiiyayna Habardugaagii kale in wax Qaybta yaqaan ku jiraan, markaas bay Dawoco tiri anigaa isku dayeya Libaax Qaybta , weyna la yaabeen Habardugaagii kale geesinimada Dawoco, waxayna Dawacadii wax u qaybisay sidaan. 

"Ma Bar Tuluda geele mise Bar , Bar Libaax baa leh.

Ma Waax Barka haray mise Waax, Waax libaax baa leh.

Ma Falfar Waaxda haray mise Fallar, Fallar Libaax baa leh .

Fallarka harayna libaaxo ku darso oo sidaa Tulidii Geela ahayd gabigeedba ku qaado"

Libaaxii baa intuu Dawacadii fiiriyey wuxuu ku yiri naa Dayo yaa Qaybta ku baray, markaas bay waxay tiri Isha Cali ka lalmata baa Libaax Qaybta I bartay `` 

Hadda C/qaaasim wuxuu qaybtii u dhiibtay Xasan Abshir oo waqtigii Siyaad Barre lagu ogaaday sida fiican ee uu makhraatiga ugalay iyo ka jiirdanqasho la aantiisa gumaadkii dadkiisa loo gaysanayey iyo  in uu Dawacada u dhigmay Xaga Qaybinta hantida Qaranka isagoo ku caanbaxay dhulbixinta Xaqdarda ah ee uu siinayey siyaad bare ciddiisa.

Hada wuxuu C/qaasim ka sugayaa Xasan Abshir in uu Qaybtii Dawacada Qaybin ka ii fiican u Qaybiyo Hantida Qaranka iyo in uu Gumaadka dadkiisa la gumaadayo si ka fiican tii siyaad bare uga makhraati noqdo iyo in uu hada isagu Gumaadka ka qayb qaato, waana mid xasan aad ugu sahlan Gumaadida dadkiisa. 

Lakiin waxaa adag oo aan Hadda sugnaa oo kaliya waa in dharbaaxadii cali khaliif ku dhacday Xasan Abshir gaarsinkarto in uu Dawacadii xaga qaybinta hantida qaranka  Baro dheeraysiin karo iyo in kale.. 

Mahadsanidin

Maxamud Sheekh Xasan Dahir. 

Afeef :  Aragtida  qoraalada akhristayaashu  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo AllPuntland.com . Mahadsanid

 | Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).