Siyaad
Bare intuu Soomaaliya Xukumayey wuxuu soo saaray
Siyaasiyiin badan oo Biiriqaatayaal ah, kuwaas oo
uu u adeegsan jiray cabudhinta Macaaradka iyo
burburinta Jabhadaha ka soo horjeeday.
Inta ay
jirtay Dowladii Siyaad Bare Ninkasta oo Biiriqaata
ah si uu Lacag ama Jago Siyaad Bare uga helo,
wuxuu ku hadaaqi jiray Erayada ay ka midka yihiin
Soomaalinimo, Wadaninimo, Kacaannimo, iyadoo
waliba la wada ogaa in aanay meesh waxaas iyo wax
u dhow midna oolin iyo in waliba Siyaad Bare
Qabiilkiisa oo kalioya dhisayo, Dhaqaalihii iyo
Awoodiina faraha u galinayo .
Si kastaba
ha ahaatee Erayada Midnimo, Wadaninimo iyo
Kacaanimo waxay noqdeen Gabaad uu Ninkasta oo
Biiriqaata ahi ku dhuunto, kuna jaasuuso kuna
dhabarjabiyo Qabiilkiisa ama uu ku kala qaybiyo
Beeshiisa, waxaana ku adkayd Dadka in ay kala
gartaan in ay dhab ka tahay waxay Biiriqaatayaashu
ku doodayeen in ay yihiin iyo in kale
Sababta loo
garan waayey Biiriqaatayasha in kasta oo ay
Ninkasta u cadayd in waxaay samaynayaan Wadaninimo
iyo Soomaalinomo ku jirin, waxay ahay iyadoo wali
Doowlad Dadka ka dhaxaysa iyo Magaaloyin iyo
Caasumad Dadka ka dhaxaysa oo ay wada dagan yihiin
jireen.
Lakiin
Markuu Dagaalkii sokeeye garxay, burburayna wax
alaale wixii Dadka ka dhexeeyey, Somaliyana
noqotay:Qabiilkastoo naftaa Nabiyoo u madaa,
Ninkastana Deegaankiisii Dabada la galay, way ku
filaan waayeen Erayadii ahaa Midnomo, Wadaninimo
iyo Soomaalinomo in ay Gabaad u noqdaan
Biiriqaatayaashii.
Qof wuxuuna
rabo Qiil uma waaye e Nimankii Biiriqaatayaasha
ahaayeen, iyagoo ka faaŽidaysanayaan baahida
Heshiis loo qabo, waxay heleen Eray cusub oo ay
Gabaad ka dhigtaan oo ha Erayga
dib u heshiisiinta
soomaaliya.
Eraygaasi
wuxuu noqday mid ay Laalushka ku qaataan, Deegaamo
daganaa Dab ugaga huriyaa, wuxuuna soo nooleeyey
Erayadii hore ee wax lagu cunijiray sida
Somaalinimo waa in aynu ku heshiisnaa iyo waa in
soomaalinimo ku midoownaa.
Iyadoo
waliba la wada ogsoonyahay in wax lagu midoobo iyo
wax lagu heshiiyo Meesha ool, maxaa yeelay wali
sidii uu Dagaalka Sokeeye ku bilaabmay ee ahayd in
Qabiil kasta Awooda Dalka ee Siyaasadeed iyo mida
Dhaqaale si gorgortan laŽaana faraha ugu dhigo,
waxba iskama badalin.
Waxaa kale
oo ka faaŽiidaysiga Erayga dib u heshiisiin sii
adkeeyey waa Dhalashada ay Xarumo awoodeed Cusub
dhasheen, kuwaa oo ku dhisan qaab Beeleed sida
Hargaysa oo xarunta Qabiilka Isaaq noqotay,
Garoowe oo xarunta Puntland ee beesha Daarod
noqotay, iyo Moqdisho oo xarunta beesha Hawiyeye
noqotay, iyo Baydhabo oo xarunta beesha Digil iyo
Mirifle Noqotay, taas oo ka dhigtay waxa la isku
haysto wax Xugtaa ka cad.oo aan la isugu soo gaban
karin.
Inkasta ay
Dhalashada Xarumahaa Arinta ka dhigeen labo
Cayrinka ku qaybsadeen Bisaylka iskuma cowrido oo
Ninkasta Meeshisii Maamul ka samaystay, iyo iyadoo
Maamul midaysan si loo helaal wax yaalo badan in
marka hore meel la isla dhigaa u baahantahay, sida
Awooda Maamul gobeleedyada, Awooda Madaxwaynaha
iyo waliba Awooda Maamulka Dhexe, iyo in marka
hore in fikrada fidaraalka ah la hirgaliyo. Loo
baahan yahay si aanay tagrifal iyo xadgudub u
dhicin, haddana meel dhexe oo la isugu yimaado
haddii la raadiyo waa la heli karay.
Waxaana
Heshiis kasta oo dhaca loo baahan yahay in Dhinca
walba Meeshiisa ka soo durko si uuna Dhinac ugu
naaxin soo duruga Dhinaca kale iyo in aan Dhinacna
loo suuro galin in uu helo Awood buuxda uu hadhoow
ku tirtiro ama wax ku yeelo dhinaca kale.
Iyadoy dib u
heshiisiintii sidaa u adagtahay oo ay tahay war
sidee Qarannimana loo helaa Xadgudubna la isaga
ilaaliyaa, Haddana arintu waxay noqotay Gacantii
Laalush u barataa Gumudkaa dhaqdhaqaaqa oo Kooxdii
Siyaad Bare soo ibtileeyey oo u badan reer
Puntland waa ku filaan waayey Xurumo Beeledkoodii,
waxayna hadba u butaacan Xarun beeled kale oo ay
Laalush ka soo qaatan kulana gorgortamaan in
haddii Laalush la siiyo kooda burburinayaan.
Wuxuuna
Sadbursi raadinta QabaaŽilka qaarkood, sida
Qabiilka Cabdiqaasim oo raba in uu Dhulka Digil
iyo Mirifle iyo Kismanyo ku sadbursado iyo
Qabiilka Isaaq oo rabaan in ay Puntland ku
sadbursadaan, u suurto galiyaan biiriqaatayaaasha
in ay helaan xarumo diyaar ula ah bixinta
Laalushka.
QabaaŽilka
kale ee Soomaaliyeed baad moodaa in aanay ibtilada
Laalush qaadashadu sidaas ugu faafin, Waxaana wax
lala yaabo noqotay in inkasta oo Biiriqaatayaashu
Soomaaliya meelkasta ay joogaan tababar mid ah
Siyaad Bare soo siiyey hadana in ay QabaaŽilka
kale ee Soomaaliyeed oo qaarkood haddii xaga
Juquraafiga la fiiriyo u sharaxnaan karaan in ay
Maamulka Puntland ku biiraan sida Dadka Gaalkacyo
dagan iyo kuwo Ciirigaabo dagan ee aanay reer
Puntland isir wadaagin, haddana in la waayey wax
Siyaasi ah oo Reerahaas ah oo Puntland damac Jago
ama mid Lacag u soo doonta, ama Wadaninimo iyo
Heshiis jacayl Puntland ugu soo biira.
Xaqiiq waxaa
ha in Soomaalinimado, Wadaninimado iyo waliba Dib
u Heshiisiin dhinackasta in ay ka yimaadaan loo
bahan yahay, u talaabida ay reer Puntland
Odayaashoodu iyo Siyaasiyiintoodu u talaabayaan
Xarun Awoodeed Beel kale waxay xoojinaysaa Awooda
iyo Damaca Beeshaa ay u tageen waxayna
burburinaysaa Awooda Puntland iyo beelaha daga,
mana keenayso Soomaalinimo iyo Midnimo.
Waxaanad
halkaa ka garanaysaa in Ibtilada Puntland haysaa
Laalushka yahay, iyo in Odayaasha iyo
Siyaasiyiintu iyo waliba Isimadu erayada dib u
heshiisiin, Midnimo, iyo Soomaalinimo Gabaad ay
Laalush ku qaatan ka dhiganayaan, maxaa yeelay
Ninkii Dab daminayaa dib uma afuufo.
Soomaalidu
waxay dhahaan Haan guntaa laga tolaa Ninkii dib u
heshiisiin rabaa Beeshiisa ama Beel kale Gagaal
kama dhex rido, haddiise dib u heshiisiin Dagaal
keento waa mid Laalush lagu cumay sida tii Carte.
Heshiis
Lacag waa lagu cunikara lakiin dadka laguma
qasbikaro in ay qaataan.Heshiiskaa, haddiise la
isku dayo in lagu khasbo dagaal baa ka dhalan sida
Puntland ku socoto.
Mahmaah baa
waxay tiraah Dameerkaaga ceelka waad gaynkartaa in
uu biyaha cabose kuma qasbi kartid.
Mahadsanidin
Maxamud sh xasan dahir