| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Daqsi hayn hayntuu ku dhintaa dadna dareen xumi.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  27, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 27, 2001
.k

Waxaa Qoray

Maxamud sh xasan dahir 

mdahir@t-online.de 

Ilaa iyo Falkii Xumaa ee ka dhacay Dalka Maraykanka waxaa ka socda Aduunka Siyaasad xowli isku badalaysa oo Wadamo badan iyo Dad badan haday yeeshaan Astaamaha dadkii Falkaa Xun sameeyey galaafan doonta iyaga iyo wixii la hal maala. 

Waxaanay Culimadu dhahaan haddii aadan Waqtiga la jaanqaadi karin wuu ku jabiyaa.

Dadkuna Waqtiga isbadalay ma wada dareeman ee waxaa dareema mutacalimiinta iyo Abwaanada oo u sheegan Siyaasiyiinta in Waqtigu isbadalay oo ay khasabtahay in Dadku loo sheego in ay la saanqaadan.

Siyaayaasiyiinta ayaa markaa Dadka u gudbiyaa Xalka ugu fiican ee looga samato bixi karo khatarta soo soctaa.

Haddaba Maanta Waqtigii waa isbadalay wuxuna ku socdaa xowli aadan waqti daawasho mooyee waqti fakir aadan haysaan. 

Xiliga sidaas ah in Odayaal aqoontoodo gaabantahay iyo Siyaasiyiin Nin Quwaax hela iyo Nin Qadhoon hela hala qadhabsoda  ku jiraan in ay Puntland xali ka keenaan ha ka sugina. 

Sidaa darteed waxaan ku boorinyaa haddii ayba wax Caqliga wax ku gartaa jiraan waxaa loo batay Cune wax ku gartee in aaynu dadkeena Maanta ku boorino sidii ay Siyaasad mida ah sida ugu Dhakhsaha badan ula imaan lahaayeey, Mutacalimiiyta dabada joogaana isutaagaan sidii ay aduunka uga dhaadhicin lahaayeen in Dadkoodii is badalay. 

Somaalidu waxay dhahaan Ninkaan Carab lahay bay Caydu qabataa oo isma difaaci karo, sidaa ay maantaa puntland tahay, arintuse maanta cay ka wayn.

Maanta Carab midaysan bay puntland u baahan tahay oo u taagan samato bixinta Dadka reer puntland.

Sidaa darteed nin kastaba ha u istaago sidii puntland dagaal sokeeye uga dhici lahay oo sahlaya in aanaan waqti u helin in aan wax qabano.

Iyo maamul midaysan oo aan astaamaha ninmankii falka xun sameeyeen lahay . 

Mahadsanid

Maxamud sh xasan dahir

 

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).