Opinion / Fikradaha

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.
ss
Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi mid ha doorato Puntland.

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

December 27, 2001

Posted to the Web  08:28 GMT December 27, 2001

Waxaa Qoray

Maxamud Sh. Xasan Dahir

mdahir@t-online.de

Qoraalo badan iyo Baaqyo badan oo ay soo qoreen Rag aqoon yahay isku tilmaameen iyo Odayaal iyo Siyaasiyiin baan iyo waliba Ururo reer Puntland baan waxaan arkay iyagoo Dhibka Puntland ka taagan ka dhigayaan Dhib Kursi iyo Ninkii ku fariisan lahaa ka dhalatay, waxayna Dadka u tusaan in Jamac iyo Cabdulaahi Kurisga isku haystaan, iyadoo run ahaan Arintu sidaas ka duwan tahay kana khatar badan tahay, waxana isku dayey in aan Arinta majareheeda Siyaasiga ah marsiiyo oo sidatan ah. 

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka socday wuxuu keenay Aragtiyo kala duwan oo Somalidu  kala yeesheen markii laga hadlayo Qaabka Soomaaliya lagu maamulayo, Aragtiyadaa oo ku salaysan Dhacdooyinkii fooshaxumaa ee Soomaaliya ka dhacay, iyo is Aaminkii oo dhumay lana sugayn in uu soo noqon doono. Waxayna Soomaalidu isku hayeen sadex Qaabmaamul oo ku salaysan ka hortaga dhib kale oo Soomaaliya ka dhac iyo Sad bursi Dadka qaarkood rabaan waxayn kala yihiin  

  1. In Soomaaliya labo Wadan loo kala qaybiyo oo kala ah Soomaaliland iyo Soomaaliya oo siyaasiyen shaqo isku lahay.

  2. In Soomaaliya Dowlad dhexe oo Xarunteedu tahay Moqdisho laga dhiso , Gudoomiyahaasha Goboladana Xamar laga soo magacaabo, Goboladuna aanay Xeer hoosad ay xor u yihiin lahayn., Dowlada Dhexe oo Xurunteedu Xamar tahayna siday doonto Dadka Gobolada ku nool ka yeeli karto.

  3. In Soomaaliya Maamul Fidaral ah laga dhiso oo Goboladu Xeer hoosadkooda xor u yihiin Xeerka guudna Soomaalida la wadaagan diidi karaan wixii Xeerka guud aan dani ugu jirin

Iyadoo labada Fikradood ee kale meelo kala duwan oo Soomaaliya kamid ah laga aaminsan yahay, waxay Dadka reer Puntland u garteen in ay dani ugujirto iskuna af garteen in Soomaaliay Dowlad Fidiraal ah laga dhiso si uuna mar danbe Xad gudub Dowlada dhexe ku xad gudubto Shacabka reer Puntland sida tii Siyaad Bare oo kale u dhicin, iyadoo waliba hadda Arintu ka sii khatar badan tahay , maxaa yeelay Xamar maanta dadka kama wada dhaxayso.

Waxay kale oo ay ogyahiin  in kala go’ kastaa oo Soomaaliya la kala gooyo raad xun ku reebi doono jiritaanka Dadka reer Puntland oo Xadku Dadka isir wadaaga ah kala dhex marayo. 

Waxaana iyadoo wali lagu heshiin Qabka Maamul ee Soomaaliya lagu maamulayo  Shirkii Carte lagu soo dhisay Dowlad dhexe oo iyadu hadhoow siday rabto u soo dhistay Maamul Goboleedyo.

Waxana goŽaan lagu soo gaaray in Soomaaliya 18 Gobol oo si toosa Xamar looga Maamulo noqoto, taas oo keenikarta in Ninka Madaxweynaha ihi xaq u leeyahay in uu Dakaduu doono xiro, Gobalkuu doono Waxbarashada ka joojiyo iyo in uu Ciduudoono Dagaal ku qaado sida Kismaanyo haddaba ka dhacday. 

Soo dhisidii Dowlad ku Sheega Carte waxay ka dhalisay Puntland labo kooxood oo aragtidooda Siyaasadeed kala duwantahay. 

  1. Koox Odayaal iyo Siyaasiyiin leh oo iyagoo ka ambaqaadaya dantooda Qof ahaaneed iyo rabidooda Kursi iyo Maal u taageeren Carte kana baxeen rabida Shacabka Qaabka Fidaraalka , rabaana si ay Dowlada Dhexe ee Xamar u hirgasho in ay Puntland burburiyaan Waxayna rabaan in ay Puntland ka dhigeen Dibigii wanqasha Carte loo qali lahaa. 

  2. Iyo Koox aminsan in jirida Puntland Muqadas tahay oo aan loo baahnayn in Dadka reer Puntland faraha loo galiyo Dowlad dhexe oo hadhow siday doonto u la dhaqanta, waxayna qabaan in Dadkii Gurjahoodii shalay ka soo cayriyey Maantana goboladooda ka saari doonaan haddii Awooda xamar faraha loo galiyo oo aan Qanuun Dadka ilaaliya la helin oo ka ilaaliya Dowlada dhexe ee Xamar.

Labadaa Fikadood ee Puntland la isku hayo waxaa hormuud u kala ah Cabdulaahi Yuusuf iyo jamac Cali jamac.

Haddaba Ninkii aaminsan Fikrada Dawlad Dhexe sida Jamac Cali Jamac wuxuu hoos imaanayaa C/qaasim oo si toosasa u xukumaya.

Ku haysashad uu Jamac Kurisiga Cabdulaahi ku haysto markii loo fiiriyo Qanuunka Carte u qoran ee isagu fulinayo ma ahan in isagu Madaxwaynihii puntland yahay ee wuxuu rabaa in  puntland C/Qaasim hoos tagto, maxaa yeelay heshiiskii Carte baa sidaas qoray. 

Cubdulaahi iyo Taageerayashiisu taas waa ka soo horjeedan waxayna u arkaan in Puntland ka Gobol ahaan Soomaaliya Dowlada Dhaxe ee Fidalaal ah uga qayb gasho.iyo in reer Puntland iyagu Maamulkooda hoose xur u yihiin Xeerka Guudna Soomaali la wadaagaan, diidi karaana Xeerka guud haddii Dantooda ka soo horjeedo, waxayna rabaan in aanay awoodu reer Puntland Farahooda ka bixin , waxuuna Muddadii uu cabdulaahi Maamulka hayey ku guulaystay in Puntland ka Maamul ahaan culays Siyaasadeen oo xoog leh yeelatay iyadoo waliba Fikradiisu taageero uga helay Gobolada kale ee Soomaaliya sida Hiiraan iyo Dhulka ay RRA xukunto iyo iyadoo waliba Fiktadaa madaxda Xamar sida Muuse sSudi Yalaxow iyo waliba Maxadada sh/dhexe . 

Markayno Qawaaninta iyo Xeerarka run ahaantii la isku hayo u fiirsano iyo danta Dadka reer Puntland oo aynu Qof jeclaysi iyo Qof necbaysi meesh ka saaro waxaa inoo soo bixi in ay Puntland ku hardamayaan C/qaasim iyo Cabdulaahi, Jamac Cali Jamacna  yahay Gacantii Cabdi Qaasim Puntland kula dhexjiray.kuna burburinayey, wuxuuna Jamac hadhow abaalmarin u rabaa in uu kursi Dowlada dhexe ka helo.

Kursi Dowlad Dhexe ee Xamar Qof Gobolada ka yimid ka qaato waxaa ugu awood badnaa kii Cali khaliif Garayr isagana waad aragteen sida loo la dhaqmay iyo awood daridiisa, Xasan Abshirna sidaas oo kale baa loo eryiyikaraa, maxaa yeelay Xamar Dad dagaalami karaan uma joogaan, waxayna arintaasi ku tusaysaa awood darada Gobolada iyo in Sidii la doono laga yeeli karo. 

Haddaba Khilafaadka Puntland ka aloosan ma ahan Kursi iyo Qofkii ku fariisan lahaa, mana aha arin khusaysa dabeecada Qofka kursiga ku fariisan lahaa ee waa arin Qadiyadeed iyo Mustaqbaleed.  

Arintu waa sidee Xeegana loo xagtaa Ilkana ku nabad galaan, war sidee Soomaalinimana loo hellaa Caruurteenana Gumaad uga badbaadinaa, war sidee Dowlad Dhexe loo hellaa awooduna Gobolada faraha ugu jirtaa, si aan loogu xad gudbin Dadkeena

Arinku waa kala dooro Cabdulaahi oo haddii aad doontid ridi kartid iyo C/Qaasim oo aadan ridi karin, arintu waa fidaraal iyo centralisim mid dooro.

Arintu waa C/Qaasim iyo Cabdulaahi Puntland mid ha doorato. 

Mahadsanidin

Maxamud Sh Xasan Dahir.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com