ntlaILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

BBCda Laanta Soomaaligu waa kooxda kamid ah kooxaha Somaaliya ku dagaalamaya ee dib u heshiisiinta ha lagu daro. 

Posted to the Web   March 31, 2002

WQ.

Maxamuud Sheekh Xasan Daahir

mdahir@t-online.de     

 

 

BBC da Laanta Soomaaligu waxay dhex dabaalanaysaa dhinac aan la dhayalsan karina ka tahay Kooxaha Siyaasada Soomaaliya isku haya, waxayna si cad u dhumisay Dhexdhaxaadnimadii Warbaahinta reer Galbeedka lagu yaqaanay.iyadoo markaad firisid Qaabkeeda Warbaahin aad dareemaysid in ay ka dhimantahay oo kaliya in ay Barnaamijkeeda ku bilowdo „ Guulwadow Salaad abihii BBCda londantayadoow“ iyo in ay ku gabagabayso ,, halkani waa Hargaysoo Hirarka Londan idinkala hadalaysee habeen wanaagsan“  

BBC du Waxay Dacaayad aan sal iyo raad toona la hayn ka fidisaa Dagaal Cad oo aan geedna loogu soo gaban ku qaadaa Cid allale Cidii ka soo horjeeda Siyaasada labada kooxeed ee kala ah Soomaaliland iyo Carte oo aad moodid in iidhehdooda BBC da Laant Soomaaliga loo unkay. 

Waxay BBCdu shaqo ka dhigatay fidinta Dacaayada , qarinta Dhacdooyinka runta ah iyo buunbuunintaa Beeno ay weriyayaal loo carbiyey carab dalablaynta ka soo tabinayaan meelaha ay joogaan Kooxaha ay BBCdu u tafaxaydatay la Dagaalankooda sida Puntland iyo SRRC waxayna subag iyo malab marmarisaa meelaha ay joogaan isbahaysiga BBC da Laanta Soomaaliga haystaan ee Carte iyo Soomaaliland.iyo kuwa iyaga Puntland burburinteeda uga wakiilka ah. 

waxay buunbuunisa Dil aan Dil Siyaasi ah ahayn oo ay u rogtaa arin siyaasadeed haddii uu ka dhaco meelaha ay dagan yihiin Dadka aan Carte raacsanayn waxayna qarisaa xasuuqa iyo Dilka ay gaystaan xulafada Carte sida Ninkii hadda Kismaanyo Hoteelkii uu daganaan lagala baxay markaasna si xun loo dilay iyada oo Ninna BBCda juuq iyo jaaq dilkaa ku saabsan ka maqal. 

Isbahaysiga BBCda ee Carte iyo Soomaaliland way cadahay sida uu ku imaankaro oo Ninkastaa wuu ogyahay  beeleed ee yusuf garaad iyo Cabdi Qaasim ka dhaxeeya sidaa darteedna arintu u tahay Fiqi Tolki kama jano tago , Waxaana kale oo Cad in ay kooxda Somaliland ka soo jeedaan ee BBCda Laanta Soomaaliga ka shaqeeyaan dhahayaan ,,yuusufow marimayso in aanu qadiyadayada u dhumino Carte´´, sidaasna Yuusuf Garaad ugu khasbanaaday in uu isbahaysi waqti ku xiran oo ishaa falataysi ah la samaysto. 

Isbahaysigaasi wuxuu ku xiran yahay hadba sida Yuusuf Garaad ugu guulaysto burburinta Puntland oo uu qayb ahaan ku guulaystay iyo burburinta SRRC iyo hadba sida uu Carte kooxahaa meelaha ay haystaan faraha ugu dhigaan, taas oo keenidoonta in uu Yusuf Garaad talaabada labaad weererkiisa ku qaado Soomaaliland si uu Carte u hooskeeno waana tan keenidoonta waa haddii ilaa intaa Carte sii jiraane in uu isbahaysiga BBCdu burburo. 

Waxaa kale oo aan iyana waliba indhaha laga kor lalinkarin oo isbahaysi dhalinkara danta ay labaduba u arkaan in ay ugu jirta burburka Puntland oo Ninba si u arko mid u arko in ay go´idii Somaliland soo dhawaynayso kuna khasbayso sool iyo sanaag iyo buuhoodle soomaaliland in ay raacaan iyo mid u arka in uu burburka puntland keenayo is balaarinta Maamulka Carte. 

Hadaba arintu si kasta ha ahaatee wixii ka danbeeyey 11 september waxaa fuulay Laanta Soomaaliga ee BBCda culays ugaga yimid indhaha Adduunka oo ku soo jeedsaday Somaliya iyo iyagoo Kooxdii Carte muraayada Adduunka soo galeen, taas ku dhalisay shaqaalaha BBCda dareenka ah in ay Kooxaha ka soo horjeedaan Carte Aduunka wada indhaha noqday la socodsiinayaan janjeerida BBC da ay u janjeerto kooxda Carte., sidaa darteedna waxaa galay BBCda Cabsi waxayna waqti yar badashay qaabkii warbaahin waxayna dhintay dacaayadihii. 

Cabsidaa darteed waxaa waqti yar Shaqdii laga nasiyey labada madfac ee ugu xooga badan Madaafiicda ay BBCdu kula dagaalanto kooxaha ka soo horjeeda Carte , labadaa oo kala ah Xasan Bariise iyo Axmed kismanyo, waxayse arintu caadigeedii ku soo noqotay labadii Madfac ee waqtiga yar la nasiyeyna dib loo soo rakibay markii Hargaysa lagu qabtay xafladii furitaankii FM_ta Qoraxda ku shaqaysa laguna martiqaaday Xafladaa Madax sarsare oo BBC_da ah sida madaxa BBCda Qaybta Afrika lana tusiyey Dad ku faraxsan lana dhacsan Qaabka warbaahineed ee BBCda laanta soomaliga, waxaa kaloo laga yaabaa in meeshaa lagu soo guntay xargo cusub oo carcar galiya kana Khatarsan Dacaayadii hore.ay BBCdu la beegsato kooxaha ka soo horjeeda Carte. 

Waxaa kale oo kalsooni sii siiyey BBCda laanta Soomaaliga tagidii Yuusuf Garaad uu Addiss ababa tagay iyo Ogaansha uu soo ogaaday in kooxaha Carte ka soo horjeeda aanay ogayn Qofka ka danbeeya dagaalka ay BBCdu iyaga ku hayso, wuxuuna taas ku ogaan karay markay isaga waa yuusuf Garade ugaga dacwoodeed shaqaalihiisa taas oo u dhiganta Nin aad Madfaciisa uu kugu dhaawacay ugaga dacwootay. 

Inkasta uu yusuf garaad is hubsaday in wax ashkata ah ay Golaha SRRC iyo Puntland(cabdulaahi yuusuf) sameeyeen oo isaga ka dhan in aanay jirin, hadana reer Carte iyo taageerayaashoda kuma fila taasi waxayna isticmaaleen oraahda ah ,,balo Gees la Qabtay leedahay ee dabo laqabto ma leh´´ sidaa darteed waxay qaban qaabisay dowlada jabuuti oo ilaaliyaha danaha Carte ah siminaar loogu macar daray Qulda bixinta erayada warbaahinta loo isticmaalo.

Ujeedada runta ah ee ka danbaysa siminaarkaa waxaa la dhihi karaa waa raadgadid loo raadgadayo qaabka xun ee ay BBCdu wax u tabiso oo laga dhigi rabo is afgaradwaa ka dhashay erayada aan lagu heshiin.

Ee wax lagu soo tabinayo. 

Haddaba Markii qaabka warbaahinta ee BBCda la fiiriyo iyo sida ay u shaqaynayso waxaa laga soo dhiraandhirin karaa in BBCda laanta soomaaliga ay tahay Koox kamid ah kooxaha soomaaliya ku dagaalamaya walina ay tahay kooxda ugu xooga badan sidaa darteed waxaa wanaagsan haddii la rabo in soomaaliya nabadi ka islaaxdo in kooxda iyo hogaamiyeheeda la tixgaliyo laguna soo daro dib u heshiisiinka ka dhacaysa Nairobi , loona aqoonsado kooxaha soomaaliya ku dagaalamaya koox ka mid ah.oo wadata worlorkooda. 

mahadsanidin

Maxamud sh xasan dahir

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.