Make your own free website on Tripod.com

  Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | Tacsi |Opinion |

| Dhagayso Qur'aanka codkii Sheekh Suadais.|

Kaba daran adoonsigii reer Puntlandiyow

 

[Maxamud Sh Xasan Dahir] < mdahir@t-online.de > 

Sebtember 07, 2001

Posted to the AllPuntland.com  Sebtember 07, 2001

Waxaa shirka Garowe feersocda oo ay isku soo beegmeen shir kale oo ka socda wadanka South-Afrika gaar ahaan magaalada Durban oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin  raaligalinta dadkii  la adoonsanayey, kaas oo la iskumari layahay gaar ahaan markay diideen wadamadii wax adoonsanayey in ay raaligalin ka bixiyaan dadkay adoonsanayeen , waxayna ku adkaysteen in hogaamiye dhaqameedyadii Afrika ee dadkooda iibiyey marka hore cafis  dadkooda waydiistaan, taas oo macneheedu yahay Afrika iyadaa danbiga iska gashay oo is iibisay. 

Waxaa cad in wadamada wax gumaysanjiray ay xaq u leeyihiin in ay codsadaan in hogaamiye  dhaqameedyada Afrika iyagu marka hore dadkooda raaligalin waydiistaan, maxaa yeelay iyagaa dadkooda iibiyeen oo kalsoonidii dadkoodu siiyeen si xun u isticmaalay. 

Waxaa run ah in ay galeen iyagoo ka faaŽidaysanayaan kalsoonida loo qabey danbi ka baxsan bini aadaminimada, waxay sababeen iyagoo tixgalinaya damacooda maaliyadeed halaag iyo burbur ku dhacay qabaaŽil  reero iyo qoysas dhan, waxay danbi ka galeen bini'aadamka oo dhan oo ay khasab ku  tahay in ay raaligalin waydiistaan. 

Wadamada wax gumaysanjiray waxay iloobeen oo kaliya in ay shirka Garoowe iyo guud ahaan waxa Puntland ka socda tusaale nool u Soo qaataan, si dadku u arkaan in hogaamiye dhaqameedyada Afrika qaarkood caadaysteen inay kalsoonida dadkoodu siiyo sii iibsadaan. 

Shan boqol oo sanno kadib wakhtigii dadka laŽiibsanjiray ayaa waxaa ka socda  Garowe shir ay heer sare ka ciyaarayaan hogaamiye dhaqameedyo iyo lacag , shirkaa oo lagu burburinayo Puntland laguna kala qaybinayo,  dagaal iyo cadaawadna lagu dhexdhigayo dadka reer Puntland ee isir wadaaga ah waxaa  cad in hogaamiye dhaqameedyad qaarkood wali u dhaqmayaan sida kuwa dhiggooda ahaa ee Afrika horay u soomareen . 

Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in hogaamiye dhaqmeedyo badan oo Soomaaliyeed ay ka maseer sanaayeen sida kuwa Puntland loo tixgaliyo iyo heerka ay ixtiraam ka joogeen dadkooda.

Waxay dadka reer Puntland si aan qarsoodi lahayn ugu  faanijireen ixtiraamka  hogaamiye dhaqameedkooda , waxayna aduunka u sheegijireen in Soomaaliya sida kaliya ee nabadgalyo loogu soo dabaali karo tahay in hogaamiye dhaqameedyadu hogaanka wadanka la wareegan.   

RaŽyigaa in hogaamiye dhaqameedyada  talada wax laga waydiiyo way diidijireen aduunku (UNO), waxaana  cad in aduunku   xaq lahaa oo ay ogaayeen siday horay ugu dhaqmeen hogaamiye dhaqameedyadii Afrika. 

Waxaana dhici kartay sida kuwa reer Puntland qaarkood dadkooda u iibsadeen in  hogaamiye dhaqameedyada  Soomaaliya oo dhan ay Soomaaliya oo dhan sii iibsan lahaayeen.

Maxamud Sh Xasan Dahir < mdahir@t-online.de >

Mahadsanidiin


Xususin: Aragtida  qoraalkani ka turjumayo waa mid u gaar ah qoraaga soo qoray , marna looma macnaysan karo inay ka turjumayso argtida AllPuntland iyo qorayaasha AllPuntland. Mahadsanid


Copyright © 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).

Go Back                               


[ Dhiibo Fikradaada. ]

[Halkan ka akhri Fikradaha dadkii kaa horeeyay ]


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. All Rights Reserved

Old News | Jun 01 | May 01 | Apr 01 | Mar 01 | Feb 01 | Jan 01 | Dec 00 |