| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Su'aalo kooban oo ku wajahan Mundulood&Wacbuudhan:Maxaa u dhexeeyo Kud iyo Qanjo?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  26, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 26, 2001
.k

Waxaa Qoray

Dr. Ali dalfure

dalfure@hotmail.com 

 

Haddii aynu nahay Indheergaradka iyo Siyaasiyiinta Qowmiyadda Digil

iyo Mirifle ee ku sugan dalka Soomaaliya dibeddiisa , wakiilna ka ah kuwa ku sugan dalka Soomaaliya gudahiisa , waxaan isla garanney inaan dhowr Su'aal gaa-gaaban idinka weydiino Bayaanka aad ka soo saarteen magaalada Toronto oo ku saxiixan sida uu Bayaanku tilmaamaayo dhowr Odeyaal iyo indheergaradba.

Baaqaas oo ku soo baxaey bogga ay leedahay AllPuntland.com

taariikhdu markey ahayd Bisha November 25keeda/2001 , waxaan u aragney inuu ku saleysan-yahay u kala eexasho laba ruux oo isku miisaan ah iyo isku qolo ah, sidaasna ayaan idin weydiineynaa su'aalahani si aan ugu qanacno aragtidiina:-

1. Waa maxay farqiga u dhaxeeyo Xassan Abshir iyo Cali Khalif?

Jawaabta Qowmiyadda Digil iyo Mirifle waa "Kud ka guur oo Qanjo u guur". Maxaa yeelay labaduba waa hal Qabiil oo laysku yiraahdo Harti.

Labaduba sidaas ayey uga mid ahayeen Dawladdii Maxamed Siyaad

Barre oo ku yimid maamulkaas Daaroodnimo, wax kastaba ha sameeyaanee idinkana gacan buuxda ayaad ku siineyseen, Aawi Xuseen Kulmiye, Cali Ugaas , Jilicow oo ilaa iyo hadda gacan siinaaya labadaa Ruux?

2. Maxaad ula safateen Cali Khaliif , kuna diideysaan Xassan Abshir? Haddii aysan ahaynin ka shaqeey danaheenna , haddii kalena waxaad haraagii Siyaad Barre.

Jawaabta Qowmiyadda Digil iyo Mirifle waxay tahay:- Mudulood iyo Wacbuudhan waxay u ek-yihiin dad aan dooneynin Nidaam iyo Dawladnimo inkastoo annaga mowqifkeynu uu cad yahay ' Ma aqoon sanin Kooxda Carta oo in ka badan 15 bilood Isticmaaleysey Hoteellada ,Dekedaha, Garoomaha Diyaaradaha ee Reer Mudulood , markaas way fiicnaayeen ayaan u arkeynaa, oo hadda maxaa isbeddeley? War bal u kaadiya tani iyadaaba socotaayee ee ha jaa'ifeynina Qowmiyaddiina.

3. Haddi aadan tibaaxeynin una biro-tumaneynin sed buursi maxaa idunku  kallifey inaad hadda qeylisaan oo 15 biloodna u sacabtumeyseen? Maxaa Cabdiqaasim ku kallifey inuu tago Baraawe ? Inuu u magacaabo Madaxey guddi uu ku sheegey dhex-dhexaadin? Waa maxay danta ka dhexeysa Cabdiqaasim iyo Madaxey , haddii aysan ahaeyn Hiraabnimo? Maxaase keeney Gar-darro isku biirsashada Mudulood iyo Habargidir, Murusade inay xoog ku haystaan dhul aysan issir u laheyn? Goormaa ay xaq u yeesheen inay gumeystaan Ummad nabad ku joogta dhulkooda?

4. Ma waxay idinla tahay inay Somaaliya ku jiraan-doonto Qaska iyo

qori ku taakuleynta , nidaam diidka? Haddii aad awoodi lahaydeen Xukun waa idin soo marey, laakin waxaad ka doorateen dil , dhac,kufsi iyo ishor-taagid nidaam iyo dowlonimo ay ka dhalato Soomaaliya oo ah arrin aan lagu faani karin , in laga naxo mooyee.

5. Ugu dambeyntii, waxaan talo ku bixineynaa annagoo ka soo horjeedno dulmi nooc kastaba ha ahaadee inaadan ku deg-degin go'aannadasida dhibaatooyinka dadka loo geystey , maxaa yeeley gacmihiinna oo dhiigga Digil iyo Mirifle oon weli ka qalalin ayaad daalumiin kale ood ku marti-geliseen deegaankiina ha noo tilmaamina.

Waxaan idin leenahay Hawiye iyo Daaroodba , waxaa la joogaa xilli Ummad kasta ogaatey dhabta iyo xaqqa, ayna habboontahay in si wadajir ah loo raadiyo xal kama dambeys ah , kasoo ah inay Somaaliya wax ku qeybsato qaabka Federaaliga ah oo keliya , iskana ilowdo Dawlad dhexe oo ahayd tii kentey burburka hadda ina haysta, iyo inaad si dhab ah

u wajahdaan runta.

Dr. Ali dalfure

 

Akhri Halkan Maqaalka uu daba jogo Qoraalkani

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).