| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

QAREENKA CARTE WAA BBC_lAANTA AFSOOMAAIGA.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 07, 2001
Posted to the AllPuntland.com  December 07, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Deq Maxamud

dmaxamud@hotmail.com 

Xaqiiq waxaa ah, in intuu Aduunku hurday Ururada Somaliyeed iyo Shirkadaha Xawaalada ee liiska Argagixida lagu daray  sida Al-barakaad iyo Al-itixaad Aflaaqo yeesheen kuna fideen meelo aan laga filayn.

Yeesheena Bangiyo Taleefoono iyo Internat. 

Hadaba BBC-Laanta Afsoomaaliga(Yuusuf Garaad) Dowlada Jabuuti iyo  labadaa Kooxood ee kala ah Al-Itixaad iyo Al-barakaad waxay siwadajir ah u soo dhiseen Dowlada Carte ee C/Qaasim madaxa ka yahay. 

Waxaayna BBC-Laanta Afsoomaaligu noqotay ilaa Maalintaa Qareenka Carte iyo Kooxaha Xagjirka ah iyadoo ku tumanaysa Qawaanita warbaahintaa Aduunka  Waxaayna Dad badan oo Soomaaliya aaminsan yihiin in Yuusuf Garaad iyo Axmad kismanyo Xirriir la leeyihiin Kooxahaa kor ku xusan amaba ka tirsan yihiin. 

Waxaayna Soomaalida dhagaysta Laanta Soomaaliga ee BBC-da ka yaaban yihiin, sida qarsoodi la´aanta ah iyo qawannanta ah ee BBC-Laanta Soomaligu ugu xagliso Kooxda Carte iyo sida ay  u inkirto in ay Kooxda Carte xirrir la leedahay Kooxaha Argagixisada ah. 

Waxaana la Yaab leh Dad badana Shaki in Xirrir jiro galinkara Qaabka warbaahineed ee Laanta-Afsoomaaliga ee BBC-da wax u baahiso, Qaabkaa oo isugujira Waraysi iyo warsheegid oo aad arkaysid in uu u jenjeero Kooxda Carte Kana soo horjeedo kooxaha kale, Waxayna Dad badan oo BBC-Laanta Afsoomaaliga dhagaystaan aaminsan yihiin in joogida uu yusuf Garad BBC-laanta Afsoomaaliga joogo, Caqabo Aduunka hartaagan tahay, sidii Aduunku Runta iyo Sida wax u socdaan Soomaaliya u ogaan lahaa. 

Waxaana Dad badan la yaab ku noqotay sidii ay BBC-Laanta Afsoomaaligu (6-12-2001) war bixin ku saabsanay ina caydiidii u buun buunisay iyo Sidii ay u Gadhigaysay Nin wadankii khayaanay.isagoo yusuf garad uga dan lahaa warbixintaa been abuurka ah in uu inna caydiid siyaasiyen dilo si C/qaasim Xamar u Qabsado. 

Waxaana ninka dhagaysta BBC Laanta Afsoomaaliga maalmahan danbe arkayaa sida uu Yusuf Garaad uga soo horjeedo Dagaalka ay Reer Puntland ugu jiraan in aanay Puntland faraha u galin Al-itixaad.iyo Al-barakaad iyo sida uu isugu dayaayo in un uu dad waynaha Reer puntlaand dagaal sokeeye ka dhex rido.

Waxuu kaluu Caadaystay in uu ku eedeeyo itoobiya markay Carte ee deeyan in ay soo galeen soomaaliya isagoo sheega in dad Goobjooga arkeen waxaana warka Cidamadaa la waayaa markay carte Qirtaan in ay been sheegayeen. 

Iyadoo Dad badani ogyihiin sida Qaldan ee BBC-Laanta Afsoomaaligu u xaglinayso hadana waxaa la yaab lih in ilaahada aanay hogaamiye kooxodyadu iyo dadka dibada iyo wadamada aaynu dariska nahay ku nooli aanay la socdsiin aduunka. 

Wixii Xun eed Qarsadaataa wuu ku qarsadaa. 

Sidaa darteed waxaan qof ahaan codsanayaa in Hagaamiye kooxeedyadu wadajir Aduunka ugu sheegaan sida ay BBC-du wax u wado iyo in dad waynuhu qoraal ku muujiyaan Cabashadooda.una diraan xafiis kasta oo arimahaa qaabilsan iyo in aaynu ku urrurno hal Abukaate oo aynu udhanahay sida tii jarmalka lagu sameeyey . 

Qofkii arintaa abukaataha taageersan ha ila soo xirriiro hana soo sheego Cinwaankiisa iyo telefonkiisa. 

mahadsanid

Deq Maxamud

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com