| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

BBC-laant afsoomaaliga iyo Al-itixaad maxaa ka dhexeeya?

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  14, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 15 , 2001
.k

Waxaa Qoray

Deeq Siciid Maxamuud

dmaxamud@hotmail.com  



BBC-laant afsoomaaliga iyo al-itixaad maxaa ka dhexeeya ?

Xaqiiq waxaa ah in Ninkasta oo dhagaysta BBC-laanta Afsomaliga in uu dareemaya sida qaawen ee ay ugu xaglinayso BBC- Laanta Afsomaligu  Kooxaha Xagjirka ah ee ka jira Somaaliya iyo sida ay isigu dayeeyso in ay marin  habaabiso Ra´yiga Dadweyna Soomaliyayeed iyo Ra´yiga Caalamka iyadoo qalabka Warbaahinta ee reer galbeedka si khaldan u adeegsanaysa, qarinaysa Xaqiiqda iyo xowliga Ururada Xagjirka ah ee ka hoowlgala Soomaaliya..

Waxaay labaduba (BBC_da Laanta Afsomaliga  Yuusuf Garaad iyo Al-Itixaad) si wadajira ah u soo dhiseen Kooxda Carte oo Al Itixaad iyo sSirkadihiisa Xawaaladu xaga dhaqaalaha u qaabilsanaayen, Waxaanad arkaysay waqtigii Shirka Carte socday in Al_Itixaad Masaajidkasta oo Wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ah Lacag ka ururinayeen Dadkana ku wargalinayeen in Dowlad Islaami ah ka dhalanayso Carte.

Isla Markaasna waxay BBC_Laanta Afsoomaaligu waday daacaayed xoog leh oo ay u samaynasay Shirkii Carte, waxayna Shirka wariye u gadhigtay nuur Shire Cusman oo Puntland looga soo cayriyey  u xaglinta xaga Shirka Carte taas oo ku tusaysay in ay BBC dhexdhexaad nimadii warbaahinta la garabay ka baxday.

Markuu Dhirkii Carte dhamaaday waxay oloole u gashay siday Kooxdii Carte aqoonsi Caalami ah ku heli lahayd iyo in ay Afduub ku samayso xaqiiqda sida soomaaliya wax u socdaan, iyadoo qarinaysey ilaa hadana qarinaysa in Shirkii Carte Kooxo argagixisa ah ka danbeeyeen iyo in Dadka Soomaliyeed badidood ka soo horjeen Shirkii Carte.

Kumo ekaan Laanta Afsoomaaliga ee BBC taageerida Kooxda Carte ee waxay ka danbaysay burburinta puntland  iyadoo la kashanaysa  Kooxda Carte u xuubsiibitay ee al_Itixaaad iyo Lsimo lasiiyey Lacag waxayna ku furtay Mamulkii Puntland Dacaayed xoogleh oo ay Dadka ku kicinayso, waxaana kamid ahaa Dacaayadaheedii BBC_da in Cabdulaahi Yuusuf  Lacag uu soo samaystay timid Xamar iyadoo dadkoo dhani wado ogsoonyahay in Lacagtii Puntland Kooxda Carte ( al barakaad , al_itixaad iyo  daylaf) si wadajir ah u oo  samaysteen oo ay xawilaada Lacagaha adag iyo laalushka Isimada iyo siyaasiyiinta reer Puntland u istecmaalayeen.

Sidoo kale waxay Kooxda Al_Itixaad oo hada u xuubsiibatay Kooxda Carte ka wadeen Masaajidada Dacaayeda tan BBC-da- Laanta Afsoomaaliga u dhigantaa oo ay Dadka ku kicinayeen Mamulkii jiray.

Waxayna Dadbadan ogyihiin Cadaawada gaamurtay ee reer Puntland iyo al_Itixaad ka dhaxaysa iyo sida ay reer Puntland uga soo horjeedeen Shirkii At_Itixaad iyo Xawaaladlaydiisa ee Carte. , taaso aan u dhibyaraaten kooxda carte iyo isimadii lacagaha qaatay in ay burburiyaan puntland hadii aanay BBCda Laanta Afsoomaaliga ka helin taageero

BBC_ da laanta afsoomaaliga waxay si toos oo aan geedna loogu soo gaban u ga qayb gashay dagaalkii Jubohoose ku dhex maray Ciidanada Moorgan iyo kooxaha isir raaca ah ee Carte .
Waxayna qarisay in Cadamada DKM ka ah  ay ciidamadii Al_Itixaad ee marka iyo xamar joogay yihiin.

Somalidu waxay yiraahdan  raq maxaa u danbeeyey iyo kan hada lasiisido , hada  waxaad arkaysaa bbc da afsoomaaliga iyadoo adeegsanyaa wariyaha axmed kismaanyo in wartabintiisa xaga Puntland in ay janjeerto isagoo Axmed kismanyo ka anbo qaadaya  in hadii sida  Yuusuf Garaad iyo Kooxda Carte rabaan Shirka Garoowe u dhaco uu Yuusuf Garaad isaga u  abaal gudi doono,  sidii uu Yusuf Garaad ugu abaal guday nuur shire oo loo soo badalay BBc_da Laaant- Afsoomaaliga ee  London

Waxaa kale wuu Yuusuf Garaad ka furay Mojadaha FM_ta Magaaloyinka Bosaaso Qardho iyo Garoowe si ay Dadku ugu qaataan in Isbadalka Siyaasadeed horumar gaarsiiyey isagoo waliba ku aadiyey Munaasabada Furitaanka Mojadaha Fmta,  Magacaabidii xasan abshir loo magacaba Ra´iisulwasaaraha Carte, si wax farxad u eg Puntland ugadhacaan .
Isagoo Yuusuf Garaad ka ambaqaadayo in Xasan Abshir iyo  jagada Raěisulwasaaraha  oo sidii xumayd ee loo la dhaqmay Cali khaliid Galayr iyo Tol maqal la´aantiisii Xasan abshir Shirkii Carte dheehii iyo dhadhankiiba tirtay, iyo iyadoo dadku arkaan in Maamul kaligi taliyah bilaabmay, waxaa kale oo  Ninkasta oo in yar siyaasad ka yaqaan garanyaa u jeeda isku dirka reer Puntland ee meesha ku jirta.
Waxaan ka mid ah kujoodoyin ka danbeeya magacaabidaa

1 – isku dirka iyo kalo fogaynta dadka isir wadaaga ah ee reer puntland
2- in isimada garoowe shirka dadajiyaan iyagoo u ee xanayaan xasan abshirka
3- in uu kismanyo ciidamada ku sii jeeda fadqalo ka dhixrido
4 in  soomaaliya waqooyi iyo koonfu wax loo qaybso oo sidaa awooda reer puntlad ee     beeleed ku dhuntu.

Waxaa xaqiiq ah in Cadowga isu bahaystay reer Puntland aad u farobadan yihiin una Dhaqaale badan yahay,  Siyaasiyiinta iyo Isimada reer Puntland aad u Lacag jecel yihiin, oo layaab maleh hada haddii Puntland lalush lagu burburiyo ee waxaase layaab igu  noqotay Danta midayn karta ururada sida kann Al_Itixaad  iyo laanta afsoomaaliga ee BBC_da oo ay maal galiyaan wadamo dagaal ka dhexeeyo ururada  Argagixida ah

Mahadsanidin

Deq maxamuud

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

 

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).