| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

SIR Culus: Puntland  ma Abeeso xanbaar baa!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  13, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 14, 2001
.k

Waxaa Qoray

Deeq Siciid Maxamuud

dmaxamud@hotmail.com  



Waxaa Magaalada London waqtii hada laga joogo ugu jaraan Sanad  ka dhacay Shir ay Al-itixaad(kooxda carte) ku raadinayeen Ninkii badali lahaa Cabdulaahi Yuusuf waxayna u soo xilsaaren arinta  Ninka la yiraahdo Maxamed Sheikh oo ka tirsam Lacag xawilayaasha London jooga  iyo Ururada Diiniga ah ee kajira Londan isagoo wada Lacag aad u faro badan wuxuuna halkaas kula kulmay sedex Nin oo kalo ah
Jamac Cali Jamac , Siciid Farax Yare oo BBC_ da ka shaqayn jiray  , Cabdi salaad oo hada ka hor Hindi qunsul ka ahaan jiray

Waxuuna si toosa ugu sheegay in uu raadinayo Nin ay Al_Itixaad oo u xuubsibtay Carte maalgalinayaan oo Cabdulaahi badala iyo in Odayaal Dhaqameedyo badan iyo Siyaasiyiin badan oo jooga Puntland arintaa laga dhaadhiciyey  sugayaana in sedexdooda midkood  iska doortan, wuxuuna isla markaa Carabka ku dhuftay in ay si gaara u danaynayaan Jamac Cali Jamac in ay doortan, iyo in labada kale jago wayn lagasiin doono Dowlad Xamaar hadii ay ku taageeran Ninka la doorto.ridida Cabdulaahi.

Labadii Nin ee kale waa Siciid Farax yare iyo Cabdi Salaad way garteen in Ninka la raadinay yahay Jamac Cali Jamac wayna ogolaaden in ay doortan iyo in ay la sheqeeyan Jamac Cali Jamac.

Labadii nin ee ka tanaasuleen jagadaa waxaan filayaa in aanay kharash laŽaan bixin in kasta oo ninka aniga sheekadaan ii sheegay uuna  ii sheegin in ay labadaa nin  qaateen wax Kharash ah , haddana waxaad garanaysaa in aanay Kharash  laŽaan bixin maxaa yeelay waxay wax ka abaabuleen Shirar beeleedyadii dibadaha ka dhacay ee wax lagu tilmaamay maamul Xumada Puntlad ka taagan looga hadlijiray internadkana lagu soo qori jiray , intuuna jamac cali jamac soomaaliya tagin.

Sidoo kale waxay shirkadaha Xawaaladu iyo Al_Itixaad(DKM) ay dibada iyo gudah somaliya  ka bilaaben baadi goob faro badan oo looga dan lahaa in la helo dad badan oo ninkastaba isu haysto in isaga
Si gaara loo rabo.

Waxayna dibadaha oo dhan ku yeeshen rag Siyaasiyiin ah oo reer Puntland ah qaban qaabinayey Shir Beeleedyadii looga soo horjeedo Maamulkii Cabdulaahi Iyadoo Maqaaladii shirarkaa ka soo baxay u e  kaysiiyey Sawirka Puntland in ay tahay meesha kaliya ee Soomaaliya dhib ka jiro.
Sidoo kale waxay si xoog leh abaabul iyo Laalush uga wadeen Kooxda Carte wadanka gudihiisa, Waxaanad arkaysay in Masaajid kasta oo wanka guduhiisa ah iyo dibadiisa ah laga waday kicinta dadka lagu kicinayey Mamulkii jiray .
sidoo kale waxaa iyana Afka kala furtay Radio_ha Carte(BBC_Laanta Afsoomaaliga) oo ka sheekayn jiray oo kaliya Dhibka ka taagan Puntland ., ilaa hadana aad dareemaysid in ay Dhan u janjeerto.

Sikastaba ha ahaatee way ku guulaysteen Kooxdii Carte in ay iyagoo adeegsanaya Qaybahooda kala duwan oo kala ah Kooxda Al-Itixaad , BBC_da Laant Afsoomaaliga iyo waliba Shirkadaha Xawaalada ee Carte  in ay Puntland burburiyaan ,waxaana hadda uu Aduunkii 11 Sebtember ka dib is badalay oo aad arkaysid in aanay ururada Kooxaha Diiniga sida kan  Carte aanay  wax fursad Siyaasi ah  oo danbe lahayn in ay Puntland faaraha u galiyaan Koox iyaga raacsan madaxna ka dhigeen  jama cali jamac .

Waxay ku guulaysteen Kooxda carte qorshohoodii ahaa in ay Puntland Miska Siyaasada Soomaaliyeed ka tuuraan.
Waxaana Burburkaa dhaqsaha badan u suurto galiyey Kooxda Carte Ururka Al-Iixaad iyo Shirkadihiisa Xawaalad oo ku caan baxeen Nacaybka iyo Xalaalaysiga Dhiiga iyo Xoolahooda dadka reer Puntland oo Dhinaca   iyo BBC da Laanta Afsoomaaliga oo noqotay Radio Carte oo dhinac kal e ah.

Waxaanan dareensanahay in tagidii Yuusuf Garaad uu tagay Puntland ka danbaysay Natiijada Shirka Garoowe iyo iyadoo aan  filayo in uu ku dhiiri galiyey in wax kasta oo ka soo baxa  Shirka Garoowe BBC_du buunbuunin doonto.

Xaqiiq waxaa ah in ay Kooxda Carte  soo dhiseen Ururada iyo Shirkadaha Xawaaladaha  ee Liiska argagixisada lagu daray oo dhinac ah iyo BBC laanta Afsoomaaliga oo dhinac kale ah.
waxaa iyaduna xaqiiq ah inay hada Puntland la wareegi rabaan sidaana Puntland ku noqonayso abeeso xanbaar

mahadsanidin
Deq siciid maxamuud


Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

 

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).