ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

 QEYL DHAAN IYO BAYAAN PL MA BADBAADINEYSO.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 18, 2002

Posted to the Web   January 18, 2002

Waxaa Qoray

Aardoon Dirir.

burashadley@hotmail.com

Qofkii caqli leh wuxuu garan karay in dagaal uu ka dhici doono   PL markii talladii Issimada tirada badan ay  diideen Issimadii   tirada yareyd ee haddana ka qayb galay shirkii Carte ee Puntland   horay u diiday. Intaasna waxaa  ka sii darneyd iyadoo la adeegsaday   Isimadii uu magacaabay Siyad Bare si dadka loo kala qeybiyo oo   aadba isleedahay hawshii Siyaad ayey isagoo qabriga ku jira sii   wadaan sida nin horay uga xoogsan jiray Imaaraadka oo la yiraahdo   Garaase oo hadda dhibkiisii kula soo noqday Garoowe.

Waxaana husid mudan in odayaashii PL ay hawshoodii gabeyn maxaa  yeelay mar tallo faraha ka baxday ayey Qeylo Dhaan iyo Bayaan wakhtigoodii laga tagey ayey Isha wararka ee Carte ee Somalitalk ku soo shaaciyeen.

Waxaana isweydiiyey maxey odayaasho talladoodu u bixin waayeen xilliyadii la soo dhaafay oo wax qabashadu sahlaneyd oo kala ahaa :-

1- Wakhtigii labada sarkaal uu dilay wiil Xamar laga soo diray      oo doolar badan watay kana tirsanaa illaaliyaasha King Kong.

2- Wakhtigii Daneystayaasha tirada yar ay diideen talladii Issimada      tirada badneyd oo waliba ciidanka PL ee uu si bareer ah u     taageeray.

3- Wakhtigii la dilay Sheehk Dahir Yusuf lana  ogyahay yahay kuwii    dilay oo labo cali ayan isweeydiinin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad in   Gen. Abshir oo ka mid ah  Carte ee uu kuwa kale ku adeegto si uu dadweynaha u tuso in odayaasha Pl ay Carte taageersan yihiin. Waxaa kaloo jira in xataa sidii loo qoray Qeylo Dhaan ay dhaxdoodii ay isku qabsadeen sida oday ka mid ah odayaasha uu ii sheegay.

Waxaase hubaal ah in reer PL ayan waligood  la safan doonin kuwa Kismayo heysta oo uu wakhtigoodii dhammaadka yahay.

Aardoon Dirir

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com