ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

Opinion / Fikradaha

ss

 Kana Sii Kana Ka Qaad! 

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 03, 2002

Posted to the Web   January 04, 2002

Waxaa Qoray

Abdullahi Mohamud"

sallaam@hotmail.com 

Waxaan hubaa Soomaalida oo dhan iney ka dharagsan tahey soo dhoodhoobida
Carta iyo sida uu Abdi Qaasim iyo Ina Geele uga soo shaqeeyeen si wadajira baabinta iyo marin habaabinta xaqa umada Soomaaliyeed, anagoo og taa ayaan hadana labadan ka dhihi lahaa, kuwa aan anigu u arko iney qeyb ka yihiin shirqoolkii Carta.

1. In Loo sharciyeeyo dhulka eey habargidir ka qabsatey umada Soomaaliyeed taasoo ku cad imaatinkiisii xamar, hadalkiisii ahaa Xamar lama kala laha, dhulkan waa inagu filan yahey iyo sheegasahada dhuleed ee dadka isaga eey qaraabada yihiin oo wasiirada u magacaabeyna eey cadeeyeen si gabasho la'aan
ah iyo iney lee yihiin Koofurta oo dhan.

In Ceeyr uu ka taajiro barriga iyo badaha dalka, qeybaha eey ku tilmaamaan inaan lakala laheyn. Lacago been Abuura iyo foolxumooyin badan oo aan marna loo dul qaadan karin ku kacaan(Dilkii labada canug ee walaalaha ahaa). 

In Ganacasadaha reer Jabuuti ee ina Geele xigtiisa ah iyo kan Qaasim xigtiisa ah eey ka shaqeeyeen meelhi mustaqbalka duqowdan lacagtan faraha badan eey ku isticmaali lahaayeen, in Qarashka Dowlada Jabuuti ku baxo laga keeno xeebaha Dalka iyo dhulka Soomaaliya.

2. In uu marin habaabiyo wada dhalashada beesaha Mudullood isagoo ukala qoqoqbayo qeybo yar yar oo aan marna meel istaagi karin. Inuu Dowlada uu sheeganaayo uu u sharciyeeyo qeybaha hoose ee Abgaal kamida jagooyin ee iyagu leeyihiin oo aan marna lala wadaagin sida:

Wasaarada Arimaha Gudaha Abgaal AGOON YARE Gudoomiyaha Gobolka Abgaal DAAUUD Duqa Magaalada Abgaal MATAAN Xeer Ilaaliyah Qaranka iyo Bangiyada Abgaal Waceysle.

 Hadaba haddii dowladnimo Soomaaliyeed eey jirto miyey qolo kaliya lahaan kartaa darajooyinkaas aan soo sheegney marka laga reebo maamulka Gobolka Banaadir oo u gaara Beesha Mudulood iyo walaalaha kale ee Banaadiriga ah.

Waxaa ilo xog ogaal ah  eey sheegeyaan inuu Abdiqaasin iyo Hassan cunaaye eey ku heshiiyeen in loo magacaabo Wasiirka gudaha Ibraahim Kaah oo ah nin dhalinyaro ah kana mida Hoteeleyda Xamar. Waxaanse garan la'ahey waxa Wasiirka Gudaha iyo jiritaanka shacab ee bulshadaan ladulmey isaga xiran.


Igama ahan qorlaakeyga in Ibraahim uu dalkiisa darjo ka mudneen balse
waqtiga iyo sida lagu keenayo ayaan aheyn mudnaan lagu qiimeyn karo qof asoo kale wanaagsan.

Waxaanse gogosha hadalkeyga uga damacsanahey inaan Abdiqaasim iyo kuwa ku aragtida ah ee  beeshiisa iyo kuwa marin habaabsan ee loo isticmaalo iney ugabyaan waxey u yaqaanaan Dowlad sida Zakariya oo kale u soo gudbin lahaa ineysan marna hor istaagi karin xaqa iyo dadaalka caam ahaaneed eey ey dadkeenu ugu jiraan gaarid Dowlad Soomaaliyeed oo cadaalad ah oo ninkastana u ogolaato inuu isagu ismaamulo aanse noqonin mid lacago been abuura beel ku quudiso kuwa kalena qadiso ama iyadu eey noqoto tan u magacoowdo caada qaataha ama waqtiga ninki usii fogeeyn lahaa.

Waxaase ayaan daro ah in bulshadeenu eey wali kusii sifoobayaan waxi horey looga hadley mudo fog, islamarkaana u muuqda ineysan marna waqtiga wax ku qaadan. Waxaan xasuusin lahaa in dib eey u xasuustaan dadaalki iyo halganki uu suoo marey Marxuum Xaaji Baraako oo dad dano qaasa wato waqtigaa ku tilmaamey inuu ahaa nin waalan si eey u gaaraan danahooda.

Maanta uma baahnin dowladnimo Soomaaliyeed iaydoo aan xaqa eey beesha
leedahey ee kamaqan soo dhacsan, isla markaasna umada Soomaaliyeed ee
dulmana ka bixin mugdiga eey galsheen kuwa maanta qaarkeen u sacbinayaan, waxaana hubaa inaan nabad lagaari karin intaan kuwaan gacanta ku sii heeyneyo balse eey waajib Diini ah tahey in guryaha Islaamka eey xooga ku qabsadeen casharka eey iyagu yaqaanaan looga soo saaro.

Waxa maanta aad wanaag moodo ayaa berito dambi noqonaayo soo dhoweynta iyo ku sii fogeeynta reer Abdi qaasim dhulka eeysan laheyn ayaan waxaan inagu kanahey qeyb rasmi ah, ugu yeeritaanka xukuumadii Jaale Siyaadna oo eey dulmiilayaasha hor ka cayaana waa arin aan marna la dhunxin karin. Waxaanse quud dareeynayaa in Dadkeeygu eey waaqiciga jira ogaadaan haddii eey maanta
joogaan inuu qabiil meel gaari karina ineysan adinku qabiil kale oo dhib wado aadan dhibkiisa gacn ku siin.

Mahadsanidiin

sallaam@hotmail.com
Dr Abdullahi Doolow

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com