| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  DHUL NINKIISAA ISKA LEH "MR AFGOOYE".

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 27, 2001
Posted to the Web  02:05 GMT December 27, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Abdullahi Mohamud
sallaam@hotmail.com
 

Waxaan aad u layaabey hadalkii uu ku hadley ninka lagu magacaabo Maxamuud Afgooye oo sheegtey sida magaciisa ku cad inuu kasoo jeedo beelaha wax kaleh gobolka Sh/hoose isagoo ah nin Habargidr. Cajiib! 

Waxaan ahey nin kasoo jeedo Gobolka Banaadir ah beesha Mudullood, waxaan qirsanahey in magaalada Muqdisho deegaan ahaan eey wax ka dagaan beelaha Banaadiriga oo ey iyaga iyo Mudullood ka dhexeeyso xiriir walatinimo, Muslinimo iyo mid deegaan. Waxaan sidoo kale wada dagnaa gobold Sh/hoose. Waxaana rajeyneyaa in caasimada dalka eey ahaato Muqdisho, umada Soomaaliyeedna ugu noolaadaan sinaan dadka iska lehna eey yeeshaan maamulkeeda. 

Anigoo kasoo jeedo beeshaas ayaan waxaan ku dhashey magaalada Doolow aan ku soo barbaarey balse marna ma'aheyn nin leh deegaanka, ilaah baa mahadlehee waxaanse ahaa shaqsi nabadgalyo iyo wanaagna ku heeysto. Waxaan nasiib u yeeshey inaan la noolaado dad diin iyo dadnimo leh. Mana ku heeysen qori caaradii iyo inaan laayey dad masaakiina. 

Mr Afgooye, waxaan ka warqabnaa in beesha faqi jini ee Ceyr ee dagta Gobolda w/galbeed ee Soomaalia, eeyna yihiin soomaali dagto dhulkaas, balse aan u talin, dhoofin xoolahoodii, burburin deegaankoodii  waxeyse yihiin kuwo loo talsho hoos tagana dadka u dhashey deegaankaas. Abduaalhi Axmed Cadoow, oo aabihii shaqaale u ahaa nin reer Baraawe ah haddii uu ku dhashey magaalada Baraawe waxaan  rajaryneyaa ineysan beelaha Habargidir u aheyn yool eey higsanayeen.  

Haddiise  adiga, abdi qaasim, caato, ceydiid iyo inta kale ee kasoo shaqeeysey in ummadda lagu laayo deegaankooda looguna yeero guryahoodii inaan lakala laheyn, haweenkooda la kufsado, biyahooda laga kirooya, guryahoodi laga kireeyo (xamarjajab) ha moodina inaad hanan kartaan dhulkaas udgoon, hadalkaagana waa  mid riyo ah loona baahan yahey inaad ku noolaataan xaqiiqda.  

Mr Afgooye waxaad ogaataa Hogaamiyaha RRAda Mudane Dr Shaarguduud inu ku dhashey kuna soo barbaarey Xamar, xaafada Waaberi aana marna laga heyn asaga amaba inta Raxanweyn ee lamida Shaarguduud ayaa xamar ku dhashey anagaana iskaleh. Likewise, waxuu u dagaalamayaa dhulki awoowgii iyo dadkiisuba uu lahaa. Unlike Habargidir, oo laga soo eryey dhulkoodii oo aan marna kulaaban karin shacbiyan iyo siyaasiyan. Waan xasuusanaa in Ceydiid isagoo Madiino inuu qabto Jecel Halyeey Muuse Suudi uu xabada lahaleeley, waxaana lahureyn Aqaasim, adiga iyo inta idinku araga ahna iney raacaan rabtaas. 

Ummada Soomaaliyeed maanta weey aragtaa dhibaatada dalka heeysato iney yihiin beelaha habargidir waliba kuwa adigoo kale ee ku sii dhiiranayo inaad wax kadagtaan gobolada Sh/hoose, xamar, Kismaayo iyo inta aad xooga ku tagteen. Nin Marti ah Dhul mayeesho waase loo talshaa, horaa soomaali u tiri DHUL NINKIISAA ISKA LEH.

Nasiib wanaagse maanta aduunyadi aa idin kusoo socota kuwi aad dhulkooda ku dulanteena ILLAAHbaa lajiro oo gaal usoo jabshey, waad aragtaa walaalkaa  Hassan Daahir Aweys inuu Guriceel ku gagabanayo oo Marka, Xamar iyo dhulkii Uduga uu ka cararey dagaal la'aan, waan xasuusanaa siduu C/laahi Yuusuf uga soo burshey Bari. 

Waxaan ku hamiyi doonaa inaad isu caqli celisaan oo eey idinku fileed waxaad 11 sano xadi laheydeen, dili laheydeen, gumeysan laheydeen, kufsan laheydeen, dulmin laheydeen inaad qabtaan. Maantase loo baahan yahey wax ka duwan intaas lagana gudbo caqabada aad ku tihiin dib u dajinta dalka iyadoo marwalbo aad adiga, Cabdiqaasim iyo kuwa idin lamida ee idiin soo sheegey inaan Koofurta lakala laheyn aad maanka ku heysaan halheyskii Soomaaliyeed. Ninki Dhoof Ku yimid Baa GEERIDU DHIBEYSAA Waqtigii dhamaayoo LEEYDIN XAAQI DOONEE. DHULKA SOOW INAGU MALIHIN GUMEESTAHA Madoowgaa  geeridu dhibeysaa. 

sallaam@hotmail.com 

Dr Abdullahi Doolow 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com