ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

 AllPuntland: Fikradaha / Opinion

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Wax KU Qaata Waqtiga

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 29, 2002

Posted to the Web   January 29, 2002

Waxaa Qoray

Cabdullaahi Maxamud Dooloow

sallaam@hotmail.com

Waxaan jeclaan lahaa marka hore inaan u mahadceliyo dhamaan asxaabta Soomaaliyeed ee waqtigooda uhurey iney wax ka qoraan arimaha murugsan ee dalkeena. Waxaana farxad weeyn ii ah in dad badana eey ka dhiibtaan fikradooda sida kala duwan ee qof wax uu u qoro, qofna kugu raaco midna ku diido. Waxaa sidoo kale mahad balaaran u soo gudbinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyana saamaxey iney qoraalkeena soo gudbiyaan, waxaana ku tilmaami karaa iney taa tahey guul la gaarey oo aan dhihi karo waa bilawgii xoriyada saxaafada lagana gudbey barnaamijkii weydiin iyo warcelin ama ku tiirsanaanta BBCda oo iyadu mareyso heer eeysan gaarin inti eey jirtey mudo 60 sanno ku dhow, waxaana wali murugo ah in maamulka maanta ee bbcdana eeysan fahmin macanaha Saxaafada iyo iney ka gudbaan hal dheg wax ku maqlista. Bal aan u dago Hadafka qoraalkeyga .

Waxaa eey bulshada aduunku soo martey heerar kala duwan, iyadoo bulsho kastana eey ka faaiideysato dhacdooyinka kala duwan eey la kulmaan. Waxaa sidoo kale jiro xaadiis saxiix ah oo sheegaya in Insaanku uu san dib ugu dhicin dhibaato qoomkii ka horeeyey ku dhacdey, dhib kasto oo yimaadana wax laga barto si uusan u dhicin markale. Sidoo kale waxaa jiraan maahmaahyo iyo halkudhagyo badan sida "MAR IDAGE AlAHA DAGO LABO MAR IDAGASE ANEYS DAGAY" IWM.

Hadaba waxaa naxdin mudan in dadkeygu eeysan marnaba u muuqan iney yihiin kuwa ka faaideysanaya dhibaatadi soo martey oo aan cid aanan ka dhalan dareemi karin. Iyadoo eey dhibaatdaaas soo jirtey xiliyo kala duwan ayey hadase u muuqataa iney mareeso meel aad u xun.  

Hadaan inyar dib ugu laabto taariqda mugdiga ah ee aan soo marney  Xiligi Cabdi Rashiid ayey soo shirbeen tolkeyga oo magaaladi oo dhan la yaabey, waxey yimaadaan xarunti madaxtooyada waqtigaas.  Alaha u raxmadee Marxuum Cabdi Rashiid oo kamid ahaa xerta SHIIQ MUXUDIIN CELI oo yaaban ayaa yiri maxaa jira maanta isagoo isleh maanta  Mudulood maxey maagan yihiin ma waxey rabaan Wasiirka Dibada, Gudaha, maaliyada iyo wax walbo oo dad qarana laga fisho iney la yimaadaan . Waxaase dhacdey markuu weydiiyey oo hubanti ah in ey yiraahdeen  Madaxweynoow "SHIRTA NOO FASAX". Markaas ayaa madaxweynihi oo yaaban ku yiri maanta waxi laga bilaabo shirta waa idiin fasax asaga ayaana hor kacey..  

Aqristoow shirta ayaa waxey kamid tahey dhaqamada  beesha Abgaal iyagoo si kaftan ah wax isugu sheeko marka eey shirbayaan.Taariiqda Intaa kumasii ekaan ee waxaa la weydiiyey xili yar ka hor waa waqtigii Adan Cadee iney nin wasiir la yimaadaan isla xiligaa muran xoog leh kadib ayaa waxaa goaansadey ninki xilki qaban lahaa Madaxweyne AAdan Cade (Cimrigii ha raagee). 

Waxii heerar kale duwan la soo maraba waxaa waligeyn maskaxdeena ka goi doonin Dilkii Salaad Gabeyre oo kuwi ku marqaati furey eey maanta qaarkood yihiin kuwa ugu taajirsan beesha waayo waxey ku noolyihiin dhiiga walaalkood. Waxaan hubaa dhibaato kasto oo bulshadaan ku timaado iney sababteeda lee yihiin qaar inaga mida. Dad badan ayaa is dhih doono maxaa dhariga(Dr Doolow) kuleelka ka keeney waxaanse dhihi lahaa KARKA(Indhaxumada) aa ka keeney. 

Afartameeyo sano kadib ayaa waxaa yimid is bedel eey horseed bulshadan u aheyd. Waxaa laga raacdeeyey dalki kaligii taliyahii Afweeyne. Waxaa nasiib u yeshey Madaxweyne Ali Mahdi inuu si KMG dalka u wado. Sida lawad ogsoon yahey caqli weyn kama hor imaanee waxa ka hor yimid maangaab ku hadley "Cadkaanoo ku cuney ama ku ciideey" oo eey dad ayaan darana  u sacbiyeen. Inti wada hadalka uu u dhaxeeyey Cali Iyo Ceydiid balse xurgufyo badan eey dhex martey ayaa hadana Cali siiyey Ceydiid waxii tikniko eey beeshu heysatey haba ugu sii darnaadaanee taangiyadi dagaalka, taasoo qasaarihii eey keentey aanan marna lahalmaami karin. 

Waxaan xasuustaa in habeen habeenada kamida uu Abdi Qeybdiid oo Cali Mahdi wasiir ka dhigey u yimid Guriga uu daganaa Cali una yiri Caliyoow wax xoogaa ii fiiri waan xanuunsananahey oo daawo iyo waxbaan raadsan lahaa. Cali waxuu siiyey wasiirkiisii lacag gaareso $3000 isla waabarigiina waxuu weerar xoog leh qeybdiid ku qaadey Dr Xuseen Xaaji Bood oo ahaa halyeey aan marna lahalmaami doonin doorkiisii dagaalada sokeeye waxuuna DR Bood ku baxsadey faro cidi leh isagoo dhaawacan. 

Isku soo duuboo waxaa maanta ka socdo Muqdisho in hubka eey mar kale u dhiibaan cabdi qaasim, qeybdiid iyo Galaal, waxaase murugo ah dadkaan goormeey ka waantoobeyaan dabka eey iyagu gataan una dhiibtaan cadawgooda si loogu baa'basho ubadkooda iyo ehelkoodaba. Aniga waxa aan aad uga naxsanahey dhibaatada eey ku yeelan doonaan hubkaas masaakiinta ku lugo, gacmo iyo ku hanti beeley dagaaladi sokeeye. Muraad aan aheyn in inta yar ee aad xamar uga harteen laidinka saaro ee uu lee yahey ina Salaad Booyaas ma jirto. 

Ganacsato ku sheegayashan lama arag iyagoo bulshadooda wax horumara u sameeyey balse waxey keenaan xaabadi lagu shidi lahaa dadkooda. Waxaan rajeyneyaa dhib in ku filan uu bulshadan soo gaarey eeysan ka bixi karin baab'a kale oo aad adinku xoolihiina ugu keentaan. Waxaana iga talo ah in Soomaali oo dhan eey ka maqan tahey dowladnimo baahi aan qaas u qabnana eeysan jirin. Dowlad Soomaliyeed iyo rajiimkii Siad daba dhilifkiissi oo waliba kasoo jeedo dadki dalkaa intaa geeyeyna marna ma mudno inuu dal hogaansho balse xabsiga dhexe ayuu ahaa inuu ku waqti dhameesto.  

Waxaa ila quman in wax lagu qaato waqtiga, waxase ayaan daro ah kan maanta ogeyn waxa taagan inuusan ogaan doonin waxa soo socdo. 

Mahadsanidiin 

Sallaam@hotmail.com

Dr Abdullahi Doolow     

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com