ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Jiro Aan Daawo Laheyn

Posted to the Web  June 08, 2002

WQ.

Abdullahi Mohamud

sallaam@hotmail.com 

Waa dhibaato in shaqaalaha ama maamulka Somaliweyn eey link u sameeyaan website eey maamulkiisa bukaan. 

Waxaan aqriyey maqaal lagaga hadlayo Internetka iyo saxaafada xorta ah iyo websiteka somaliweyn inuu yahey mid eey kuwada jiraan soomaali oo dhan kana hufan dacaayada iyo qoraalka naceybka ku dheehan. 

 

Waxaa iga suaal ah haddii uu soomali weeyn yahey website noocaas ah maxaa sababey inuu link u sameeyo websiteka la yiraahdo somaliwatch.com? oo aan marki ugu horeysey ka tagey somaliweyn.

Aqristoow, waa website cad kana turjumaayo naceybka uu cabdiqaasin u qabo siyaasiyiinta Soomaaliyeed eed diidey in eey Ceyr Gumeestaan. 

Waxuu webmasterka jiran kusoo dhoobey sawiro siyaasiyiin Soomaaliyeed uu ku tilmaamayo ama uu dheheya ereyo eey ka mid yihiin stupid iyo wax waliba ee hoteel saxafi lagaga sheekesto. 

 

Hadaba haddii maamulka Somaliweeyn eey link u sameeyneeso website kale waa ineeysan indhaha istirin eey arkan habka uu usameesan yahey waayo waa mid dhaawaci karaayo sumcada beejka aad ku tilmaanteen inuu yahey beej sare haddi kale waxi ka yimaado waxa loo aaneyn doonaa websiteka Somaliweyn oo isagu suuqa keeney. 

 

Maqaalki ugu danbeeyey ee dhibka Mudulood ayaa ahaa mid uu soo qorey shaqsi ceeyr ah oo aad u fikrad gaaban. 

 

Cid kasto oo Soomaali ah ayaa og sababaha iyo xanuunka uu Alxaaji Muuse Suudi uu dhabarkiisa u rogtay haddii eey noqon laheyd bilowgi halgankiisa ilaa iyo maanta. 

 

Waa Hogaamiyaha ciidankiisu eey lahaleeleen xabada uu mudnaa Qurunle Ceydiid walina u taagan in Cabdiqaasim iyo kuwa uu ka dhashey ineysan marna ugu talin deegaankiisa. 

 

Dadaalka Maxamed Dheere ayaa ah mid ilaa iyo hada imuuqda from galabki uu yiri "NIN IGA DHEER MA JIRO" ee kadibna qoriga qaatey walina waa halkiisii. 

 

Ugu danbeen waxa dhib ama wanaag u hayo Mudulood waxa ka hadli karo Mudulood mana u bananno boos adiga iyo kuwa umada ku halaagey guryahoodii, beerahoodii, haweenkoodii iyo noloshoodii. 

 

Gooreey ahaataba nimanka aad saftey sawiradooda beejkaaga(Soamliwatch) ayaa noqon dono kuwa kordhiyo tirada geerida ee wiilasha ceyr hadaadan ka soo noqon dhibka aad muslinka ku heysaan oo aad walina ku aflagaadeyneysaan. 

 

Dr Abdullahi Doolow

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.