| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

 Qorshaha Cabdi-QAASIM IYO Iska horkeenka MUDULOOD .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 13, 2001
Posted to the Web  20:53 GMT December 13, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Abdullahi Mohamud (Dooloow)

sallaam@hotmail.com 

Soomaalidu intooda badan waa dad aad u hadla, taariiqdana iskugu gudibisho si sheeko o kale ah. Taasoo ladhihi karo iney ugu wacan tahey dadka Soomaalida oo wax qoristooda eey yartahey iyo iyagoo qabyaalada u isticmaala ka hadalka xaqiiqda.

Hadaba waxaa shock igu noqotey anigoon aqoonsaneyn haba yaraatee wax dowlad la yiraahdo ee ka jirta Soomaaliya inuu Ninkan Ceyr uusan u jeedin wax xal ah ee u hayo umada Soomaaliyeed laakiinse waqtigiisa iyo xoolahiisana ku
baxsho iska horkeenka beelaha Mudulood gaar ahaan kuwa Abgaal.

Iyadoo maanta Soomalida si guud u dhiban tahey ayaa hadana Beesha Banaadir ama Mudulood waxaa dul saar ku noqdey culeeskan. 

Cabdi Qaasim oo sheeganayo Madaxweyne Dimoqraadi ah ayaa howshiisu waxuu ku bilaabaa inuu Duqa Magaalada iyo Gudoomiyaha Gobolkaba si dhaqso ah ugu magacaa jilbo hoose oo Abgaaal (DAAUUD iyo MATAAN). Taasoo macnaheedu ah inuu iska hor keeno Muuse Suudi iyo dadka walaalaha ah ee dhiiga ka dhaxeeyo ee Mudulood. 

Haddii mar laga hadlayo Dimoqraadi waxa xaq u leh iney maamulka gobolkooda, degmooyinkooda eey soo magcaabaan dadka deegaanka u dhashey but not the invaders.

Waxaase ka dhoowr sugaa Cali Ugaas oo ku biiri doonoUrurka SRRCda waayo, Ugaaska waxuu ku qafalnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudo ka badan ilaa iyo dhowr iyo toban sano kulan aan layeeshey aniga Ugaaska magaalda Nairobi
mudo laga joogo 9 sanadood waxuu iyiri 'ADINKAA MUDULOOD IYO GOBOL BAAD KA HADLEYSAAN ANA DOWLADNIMO AAN RAADINAYAA' waan jeclaan lahaa ugaaska hadii ey soomlinimo daacda ka tahey, waqtigaas oo ugaaska u sii boqoolayey lacagobeen abuura oo laga  soo daabcayey Dalka Maleysia.

Ugaaska ninki isaga la mid ahaa (Xasan Abshir)oo askari la ahaa aan waxba aqoon ka dheereyn iyaa hunguri u qabo inuu dalka matalo isagoo dhulkiisa u nabada Kismaayana si hoose u raadsanayo halka Ugaaskana eey aragtidiisa ku xiran tahey kaliya gudoomiyaha gobolka iyo xoogaaga Deylaaf u tuuro.

Arinta kale oo naxdinta leh ayaa ah in Dr Xuseen Ali Axmed loo magcaabo Duqa Muqdisho, Dr Xuseen oo xasuusan xanuunka iyo dhibka uu Abgaal u geestey isagoo qeyb weyn ku lahaa burburkii Maxkamadi nabadeysey dhulkeena una socotey iney dajiso magaalada oo dhan. 

Dr Xuseen waxuu ahaa gudoomiyihi loo xil saarey shirqoolki Carta inuu ka soo baaraan dago aayaha magaalda Muqdisho iyo sidi lo maamuli lahaa, dotoorka waxuu garan waayey inuu
yiraahdo magaaldan waa teydi haddii la maamulayana waxa maamulaya ninki u dhashey balse ma yeelan karto, yeelan meysana Maqaam uu cabdi qaasim iyo ina geela usameeyeen.

Hadaba haddii uu Muqdisho isagu laheyn maxaa xilka loogu dhiibey? waa iska cadahey inuu yahey nin aan wax garad aheyn loona adeegsan karo sida loo doono. 

Waxaa hubaala inuu Dr Xuseen Cali Axmed ka muuqato naceyb weyn oo uu uqabo Muuse Suudi uu Qaasimna rabo inuu isku jabsho xigta hoose balse kama yeeli doono in walaalaheyn eey isku dagaalaan waxaan loo joogin.

Muuse Afeey oo loo magacaabey Gudoomiyaha Gobolka banaadir oo ah nin aad cod kar u ah kuna soo bar baarey inuu ka qeyliyo degmooyinka xamar sida Yaaqshiid ayaa ah nin isagana qof ahaan xasuusto waxii kasoo raacey marki loo direy gobol dalka kamida inuu gudoomiye ka noqodo waqtigii Marxuum Jaale Siyaad.  

Muuse ayaa waxaa amar ka qaadan waayey xitaa waardiyaha xafiiskiisa uuna u sheegey inuu isaga tago Gobolka nin aannan gobolka u dhalana kama talin karo.

Suaaashu waxey tahey anigoo eeysan iga aheyn in umada Soomaaliyeed dambiyo looga galo meel kasto eey dagan yihiin ayaan waxaan dhihi lahaa goormeey ragaan ka gudbi lahaayeen siyaasada mugdiga, ogaana lahaayeen xaqiiqda maanta iyo isbedelka Soomaaliya marayo.

sallaam@hotmail.com


Dr Abdullahi Doolow

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com