ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Mukulaal Meeshay Macaan ... "Macaluul"...

Posted to the Web   March 30, 2002

WQ

Dr. Abdullahi Mohamud Dooloow

sallaam@hotmail.com   


Waxyaabaha foosha xun ee dalka ka jira ayaa ah inta badan kuwo aan dahsoonayn oo qof kasto oo miyir qabaa uu arko haddii usan aheyn mid aragtidiisa eey la eg tahey inta hungurigooda uu la egyahey oo haddii xoogaa xaaraana loo dhiibo quuta. 

Waxaan aad ula yaabey waxa ku dhacey ninka isaga taliyaha ciidamada Gobolka Banaadir isku yaqaana waa Cabdi qeybiyee, waxa uu ukala dhexgali waayey dadka ku dagaalmaey magaalada Boosaaso oo sida maanta la qorey uu kala dhex galey Taliye ciidamo kale. 

Waayo waxaan xasuusanaa marki haweeneydi reer Sweden aheyd lagu diley magaalada Marka uu isagu tagey si uu usoo baaro arinkaa. 

Hadaba su'aasheydu ayaa ah hadii gacan yarihi, Ceydiid, Cusmaan Caato hadana Cabdi qaasim uu yahey Taliyaha ciidamada deegaanka aan lakal laheyn(no man's land Mogdisho) maxuu ka dooney marka? haddii uu marka tagi karana asagoo taliye boolis ee gobol ah maxaa u diidey inuu tago Boosaaso. 

Hadaba qofki wax garada waa garan karaa Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Qaasim waxa eey ka taliyaan inta Habargidir eey xaaraanta ku heeysato oo kaliya. Waxeyna cagta saari karin meelaha xabad eey yaqaanaan aadka looga dhigo ama kuwa eey waliyada u heystaan oo dadka reer koofur kusoo hubeeyo. 

Waa ayaan daro maanta in magaalada Muqdisho eey ku noolaadaan kuwi burburieyy iskabadaa iney ka talshaan. 

Waxaana hubaa inaan marna loo dulqaadan karin dagaalka gaboshada aan laheyn ee Gumeystaha madowga uu ku hayo dhulalka Koofurta Soomaaliya. 

Isku dirka, kal qeybiska, qori isugu dhiibka uu ka bartey Siyad barena uu maanta umada ku hayo Dabodhilif Ina Salaad Booyaas. 

Waxaase lagaari doonaa maalin eey geedaha ku gaban doonaan sida Yuhuuda oo kale, aaqira eey u danbeen doonto yaaleytanii kuntun turaaban, haddii eeysan ka waantoobin eeysan iimaansan dhulkoodii dhagaxa ahaa, waxaase xaqiiqo ah maahmaahdii soomaaliyeed ee aheyd MUKULAAL "MEESHHEEY MACAAN UGA BARATO EEY MACLUUL UGU BAQTISAA". 

Waxaana quud dareeynayaa in la gaarey maalintaa ama eey inasoo haayso. 

sallaam@hotmail.com 

Dr Abdullahi Doolow

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.