ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

'Moqdisho' Maxaan kuu Dhimey 'Boosaaso'

Posted to the Web   April 09, 2002

WQ

Abdullahi Mohamud

sallaam@hotmail.com   

 

Waxaan aqriyey faalo kusoo baxdey bogga allpuntland.com, taasoo si aada uga hadshey nin dhalinyaro ah oo wakiil uga ah Midowga Yurub arimaha Gobolada waqooyi Bari ee Soomaaliya laguna magacaabo Garibaldi waa sida eey uyaqaanaane. 

 

Hadaba anigoo aqoon igu filan u leh M Garibaldi ayaan waxaan aad uga xumahey tilmaanta daciifnimada leh eey ka bixiyeen wax magaratada soo qortey maqaalkaas eey ku dheehneed qabyaalada. 

 

Mudane Garibaaldi waa shaqsi Mudulood ah oo aan waxqabadkiisa marna la dhayalsan karin, kana fog u eexasho qabiil. Garibaaldi waxaan arkey marki ugu horeesey bilowgii sideetameydi isagoo ah shaqaale safaarada Soomaalida ee Roma. 

Waqtigaasoo eey kusugnaayen saraakiil ka tirtsan SSDFta oo ahaa kuwo kasoo jeedo gobolada maanta uu ka shaqeeyo islamarkana aaneysan ugu yaraan kufaraxsaneyn raga faalada soo qorey. Garibaaldi waxuu caawin jirey qof waliba oo Soomali ah oo uu ku arko Roma waqtigaa. 

 

Haddii eey noqon lahaayeen ardey, xoogsato ama siyaasiyiin. Waxuu caawiyey qolooyinka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo u fududeeyo arinmahooda marka uu safiirka waqtigaa Sheeq cabdule, wakiilka Somali airlinta Shirwac iyo qonsulka Jaamac Sanweyne oo intaba ahaa beesha Mareexaan eey ka hor istaagaan danahooda, maadaama eey SSDFTa eey ahaayen Majeerteen colaad qabyaaldna eey dhextiiley. 

 

Hadaba waxaa arin murugo ah in hal shaqsi kaliya loo diido inuu joogo magaalada Boosaaso, oo walina u shaqeeyo heyad caalami ah sida EU. 

 

Waxaana sidoo kale aan xasuusanaa in Mudane Muuse Afeey oo hada Abdi qaasim ku hoos ooyey si uu uga dhigo gudoomiyaha Gobolka Banaadir laga soo eryey Gobolda Wbari ee Soomaaliya xiligii Dowladii Siad Bare maadaama uu u dhashey Mudulood. 

 

Anigoo ka anba qaadaya aragtidaas ayaa ah wax aan sinaan aheyn in dadka Gobolda dhexe ama Waqooyiga Soomaliya eeysan marna qadarin dadka Ku nool Koofurta Soomalia. 

 

Sida ku dhawaqida maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ey dadka inta badan eed iyo wax aan lo jeedin u soo jeedinayaan halka eey horey ka ogolaadeen Puntland iyo Somaliland, Ku noolaansho shaqsi kaliyana eey abuurtey ka beensheegid shaqsiyadeed taasoo aan aheyn marki ugu horeesey eey dhacdo balse eey caado u aheyd Gobolodaas in dadka aan u dhalan loo muujiyo cadaawad halka aan anagana si qadarin leh eey nagula noolaadaan, inkastoo qaar kamida bulshadaasna eey yihiin kuwa xushmad leh. 

 

Waxa eey dad badani ka soo horjeedan hadalada Alxaaji Muuse Suudi oo ah in maamulka Gobolka Banaadir uu noqdo mid eey u madax banaanyihiin dadka Deegaanka saxda u leh ee Mudulood iyo Reer Banaadir, qabiil dhana uusan u talin qabiil kale ninkastana uu u tashato meeshi uu ilaah ku beerey. Faaladan waaxaan rajeyn doonaa iney noqon doonto mid xasuusiso kuwa maanta hor boodayo siyaasada besha Mudulood iney ogaadaan in Soomalia meel uga banaan oo shaqsi ka soo jeedo bneeshan uu ku noolaan karin iskabadaa inuu ka taliyee. 

 

Waxa ayaan daro ah in Mudulood dhexdiis isku dilaan aan canshuur siino HabarGidir iyo masiineyno iyago ku jiro guryaheenii, beeraheenii iyo wax waliba uu nin lahaa. 

 

Siyaasiyiinta Mudulood oo caado u noqotey iney dhageestaan hadalada foosha xun ee ka soo yeero wax magartaha eey qaarkood ka heebestaan waa Abdiqaasimee sida XAMAR lama kala laha iyo dhagax ayaan dhigayaa Suuqa Xoolaha oo eey xoog ku heetaan beeshiisa ceeyr oo macno fog ugu fadhiyo isaga, waxaanse garaneyn iney JINSI tahey dareen xumida dadkeeyga mise waa dhab shhiribkii philosphigi Mudulood alaha u raxmadee Faarax Seefeey 'WEYL LO'AAD IYO WAAYEEL A NINKI WARAABSADAA WADHO'. 

 

Waxaan maleynayaa in dadki reer Muqdisho eey ka dhargeen magacyada daalimiinta ah ee maalinkasto waxi carto lagu soo dhoodhoobey eey baxshaan Sida Xoghayaha Goblka Banaadir Firimbi iyo taliyaha Booliska Qeybdiid oo labaduba baabinta dadkeena gacan libaax ka geesteen, waxaana is weydiinayaa fikirka Habargidir eey aaminsantahey miyaa Mise Sacad ayaa xamar wax kaleh? Ugu danbeentina waxaan filayaa in qoraalki ku soo baxey allpuntland ee Mudane Giraablid uu kasoo baxey maskax mugdi ah eeyna habooneyn shaqsi wanaagsan in wax been abuura laga sameeyo dadka danbiilayaasha ah ee reer Puntland sida Xasan Abshirna eey mudan yihiin in la eedeeyo ama lagu ciqaabo danbiga uu kagalayo gaar ahaan dadkiisa guud ahaan umada Soomaliyeed. 

Md Garibaaldi iyo caam ahaan Muduloodna wax farqi ah oo agtooda eey kaleeyihiin Cabdulaahi Yuusuf iyo ninka kale eey is hayaan uusan jirin, xushmad fiicana u hayaan shacabka reer Puntland iyo dhamaan umada Soomaliyeed.

 

DR Abdullahi Doolow

 

Ka akhri Halkan Maqaalka Dr. Cabdullaahi ka hadlayo


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.