Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

MUSE SUDI YALAXOW: YAA DOOD QABA OO NA DIIDAAYA?

Posted to the Web   April 08, 2002

WQ.

Dr. Abdi Ulusso

dr.ulusso@attcanada.net  

                 

Mudane Muse Sudi Yalaxow, waa hoggaamiye ka turjuma dareenka iyo hamiga ay qabaan Mudduloodka ku nool dhulka uu dhexeeyo Xaradheere illa iyo magaalada Marka; isla markaana gaaraya ilaa iyo Kisamaayo, Jubbada Hoose iyo illaa Buur-hakaba, Jubba Sare. Mowqifkiisa Siyaasiga ah waxaa saldhig u ah midnimada, maslaxada iyo danta Muddulood iyo Qoomiyadaha kala gedisan oo asal ahaan iska leh Ex-Gobolkii Banaadir oo ay la socoto midda Qaranka Soomaaliyeed.  Sidaas darteet  Banaadir (Ex-Banaadir) waa dhul Muddulood oo ay la deggan yihiin beelo ay dhaqan-wadaag yihiin fac-ka-fac. Muse Sudina wuxuu diyaar u  yahay inuu si caddaalad ah wax ula qaybsado beelahaas aan walaalaha nahay, oo ay naga dhexayso degaan, dhaqan suubban, is-tixgelin iyo wada noolaasho. Hase yeeshee, waxaa mugdi galay labaatan iyo kowdii sano ee Taliskii  Maxamed Siyaad Barre iyo tobankii sano oo ugu dambaysay ee dagaalka hubaysan lagu soo qaaday dhulka Muddulood iyo dadka la deggaanka la wadaaga.

 Muddullood waxaa loo doortay labo shir lagu qabtay inuu noqdo si ku-meel gaar ah Madaxweynihi dalka ka dib marki Maxamed Siyaad Barre dalka laga saaray. Madaxweynanimadi Muddullood waxaa diiday Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo qasbay in lagu kala tago dawladi la soo dhisay, kadibna isku dayay inuu dagaal hubeysan ku qabsado xukunka oo ay uu suura geliwaysay asagana ku nafwaayay dagaalki Mediina dhaawac ka soo gaaray.

 

Hoggaanki Muddullood ee marka jiray, rag badanna ku jireen oo hadda weli meesha ka tageyn oona wax ka tareyn waxay sabab u noqdeen ineey xukunkoodi  ilaalsan waayeen, in Ciidamadi Qalabka siday ee Qaranka la kala diro, in dalki Koofur iyo Waqooyi u kala qeybsamo sida waqtigi isticmaarka iyo in deggaankoodi Muqdishu Qad-Cagaaran loogu sameeyo oo ay soo dhaafi karin. Tan marka waxay abuurtay in dadkoodi canshuur laga qaato baad ah, in haweenka masaakiinta ah ee caanaha magaalada keena haddii ay lacag hayn oo weli wax u gadmin, caanaha laga daadiyo ama liin looga dhiimiyo si ay u baqaan oo looga fa’ideysan haddii ay gadmi waayaan. Waxay kale oo ay keentay in lacagtoodi la diido, ayagoo gacanta ku haya garooka kaliya ee laga duuli jiray, ayagoo gacanta ku haya dekedda keliya ee Muqdishu wax uga soo deggaan waxna laga dhoofiyo kuna qasbi karay in lacagtooda la qaato, lacag aan jirin la soo daabacdo si dhulka looga qaato oo loo bara kiciyo, ayagana lagu kala laa-luusho si loogu shaqeysto, leyskuna diro sida hadda taagan. Hoggaankan Muddullood wuxuu sabab u noqday ineey ka soo dadaamiyaan tuuladi Carte koox u heshiisay ineey magaca Soomaaliya uga shaqeystaan sida  Hay’adaha Samafalka.

 

Mar haddii halganka iyo loollanka siyaasadeed oo ka jira Ex-Gobolkii Banaadir, khaasatan Muqdishu iyo Shabeellada Hoose uu yahay ku gacan sarraynta dhulka Muddulood iyo dadka la deggan oo ayna ahayn baadigoobka midnimada qaranka Soomaaliyeed; oo ay weli joogaan kooxihi Haber-Gedir ee ku soo duulay dhulka Muddulood 1991,  ayna weli socoto dhibaatadii ay awalba wadeen; waxaa shaki la'aan noqotay in aanay jirin ama muuqan cid u maqan ama la sugayo in ay dadkeena ka bixiso dhibaatada joogtada u noqotay; ayaa waxay tahay lama huraan iyo lagama maarmaan in  la dagaallama wax magaradka Muddullood iyo Qaxootiga qoryaha wada ee Haber-Gedir, si loo soo celiyo midnimadii Muddulood lana jiheeyo siyaasadda asaasiga ah ee Gobolka iyadoo layisku samaynayo dibu abaabul iyo isurursi xoog leh oo dhan kasta ah si looga hortago dhulboobka aan waxba reebayn loona soo celiyo xaqa asaliga ah ee Muddulood iyo dadka la deggan.
 

Mudane Muuse Suudi Yalaxow, wuxuu soo dhoweynaya dhammaan Soomaalida in ay deggaan, wax kuyeeshaan, ka tacbadaan, ka shaqeystaan, nabadna kula nooladaan dadka deggaanka leh. Muddulloodna wuxuu diyaar u yahay inuu Maamulka wax ka siiyo dadka la deggan; mana jirta cid uu leeyahay iiga baxda magaalada, xitta Haber-Gdeir oo hadda caqabad ku ah deggaanka haddii ay ka tanaasusho ineey dadka deggaanka xaqa ugu leh ineey ayagaba nabad kula noolaankaraan. Laakin,Gobol kasta maamulkiisa gudaha isaga ayaa u xilsaaran qaab u sameysashadiisa mana ka oggolaaneyno cidna in ay nagu fara-geliso ama nala noqodo La-Guddoomiye sidi horay u dhacday. Haddii laysla garto in Muqdisho ee ay si ahaato caasimada Soomaaliya, taasi ma dafiri karto, mana ka qaadi karto lahaanshaha dhuleed, ineey maamulaan dadka deggaanka iska leh; waana in lagu tixgeliya haddii la doonayo wada noolaasho nabadeed oo xal u noqon karto soo celinta Qaran Soomaaliyeed.  Waxaa hubanti ah in shacabka soomaaliyeed ee Ex-Banaadir uu xaq u leeyahay sida ay sida Soomaalida kale eek u kala baahsabn Gobollada kale ay xaq ugu leeyihiin ineey maamushaan arrimaha la xiriira Maamul Gobolleedkooda.

 

Ha yeeshee, Muddulood waa soo dhawaynayaa, in Muqdisho noqoto magaalo madaxda dalka; laakiin marna ma oggolaan karno in dhulkeena laga dhex abuuro buqcad yar oo ku taalla bartamaha dhulkeena oo aynaan sheegan karin, xaqeenana lagu duudsinayo, taasoo ay leedahay dawlad dhexe. Caasimadda Soomaaliya kama duwana kuwa ka jira adduunweynaha, mana jirto ummad xaqooda laga qaaday, marka laga reebo yuhuudda iyadu boobtay Jerusalem. Diyaar waxaan u nahay in la raro Caasimada haddii Soomali ku heshiiso oo aan aragno qabiilka Soomaaliyeed oo oggolaan doona in lala  yeesho  deggaankooda, lalana maamulo magaaladooda oo ay noqoto meel dadka ka wada dhexeyso.

 

 Mudane Muuse Suudi Yalahow, wuxuu leeyahay inuu diyaar u yahay haddii nabad lagu xallin waayo arrimaha la xirriira maagaalada Muqdishu oo ay diido Haber-Gedir, khaasatan Sacad oo marki hore dhibkan abuuray; maantana Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Xasan Cali “Caato” ay weli diidan yihiin in Haber-Gedir ay aqoonsato Muqdishow ineey tahay deggaan Muddullood. Waxaa la hureyn in dagaal lagu xaliyo ,ayaguna sabab u noqon doonaan wixi dhib ah, dhimasho lagu hoobto bur-bur hor leh iyo in laga qaxo. Soomaalida waxay tiraahda, “NABAD LA TUUGA NABAD MA HA”.

 

Muddullood, asagoo og dhibaato fara badan ineey ku hayso Haber-Gedir wuxuu uga tanaasulayay taladi dalka oo ay horay noogu diideen; markeenana aan diidi karnay Shirki Carte oo halkaas ku bur-buri laha. Marka inaan kala bad-baadno haddii ay rabto Haber-Gedir nabad iyo coolaad gacanteeda ayeey ku jirta; waxa ay dooratana ayada ayaa ku khasaareysa ama ka fa’ideysaneysa.

 

Waxaa lagama maarmaan ah ineey ogaadaan walaalahayn Haber-Gdeir in Muddullood yar iyo weyn, waayeel iyo waxgarad inuusan isku qilaafsaneyn la haanshaha dhulkooda iyo ineey ka mideysan yihiin dhibaata iyo quriga aad la dultaagan tihiin deggaankooda sidi leyskaga qaadi laha. Muse Sudi Yalahow, wuxuu aaminsan yahay, in khilaafaadka dalka ka jira  lagu dhameeyo wada hadal iyo wada xaajood; khilaafyadaas oo abuureen siyaasiyiinta iska soo horjeeda, kuwaasoo keenay burbur dhan kasta ah, haddana sababi kara burbur kii hore kasii xun, dhimasho iyo inay ka bara kacaan mar kale dad badani dalka. Marka haku ajarmina kuwa caada qaata yaasha ah ee beenta idinla dhex wareegayo, oo aan tolkooda wax tixgelin ah ku lahayn.

 

Marka Mowqifka Muddulood ee Muse Sudi waa in beelaha ay ka kooban tahay Soomaaliya aaminaan  maamul ku dhisan gobolaysi, oo inta gobol wada degtaana ay dhistaan dhulkooda, sidaasna Dawlad  Qaran oo Soomaaliya ka dhexaysa lagu dhiso oo loo wada dhan yahay, cid walbana xaqeeda ka hesho oo ku aadan saamigeeda. Waana in aan marna lagu riyoon, isla markaasna aan lagu hamin in Xamar laga dhiso dawlad dhexe (Central Government), taasoo awoodda dalku gacanta ugu jirto, gobollada kalena laga caburiyo; sababna u noqotay bur-burki Qaranka Soomaaliyeed, maadaama dalka intiisa kale aan la dhisin oo aana la maal gelin sida dhinacyada adeega bulashada iyo hawlaha ummadda loogu adeego

 

Muse Sudi wuxuu diyaar u yahay inuu la samaysto wada hadal, wadatashi iyo wada xaajood guud ahaan beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwa ay naga dhexayso derisnimo iyo dhaqan-wadaag. Waxaan wada ogsoonahay in Maxamed Siyaad Barre abuuray gobollo badan asagoo dhibaato ugu geystay Muddulood iyo beelo kaleba oo dhulkooda kala qaybiyey. Haddaba, Muse Sudi wuxuu ku dadaalayaa in meel laysugu keeno dhulka Muddullood oo si ula kac ah loogu kala qaybiyey Mudug, Galguduud, labada shabeelle iyo Muqdisho. Wuxuuna u arkaa in qaybintaasi ahayd qalad ku tala gal ujeeddana laga laha, mudanna maanta in la saxo.

Arrinta hoggaan dhaqameedka Muse Sudi wuxuu aaminsanyahay, in Muddulood weligiiba lahaa hoggaamiye dhaqameedyo uu ugu horreeyo  Imaamka, Ugaaska, Malaaqa, Culiuma'udiinka iyo Nabad-doonnada. Hoggaamiye dhaqameedyadu waxay weligoodba ahaayeen kuwa ka shaqeeya, xalliyana  khilaafaadka ka dhex abuurma beelaha dhexdooda, sida caadadu tahayna ay ku dhammeeyaan dhibabka dhaca xeer-Soomaali iyo dhaqan soo jireen ah oo  Muddulood la wadaago beelaha kale oo aan deriska nahay. Haddaba, hoggaamiyeyaasha dhaqanku weligood siyaasad kama qayb gelin, waxayse ku koobnaayeen agaasimidda iyo socodsiinta dhaqanka suubban ee beelaha iyo ilaalinta nabadda bulshada dhexdeeda.
 
Muse Sudi wuxuu qaba in Muddullood ay ilaaliyaan danta guud ee deggaanadooda, ilaalinta xuquuqda dadkooda dan yarta ah iyo ineey meel uga soo wada jeestaan wixi cadaw ku ah danahooda; dhibaatana ku hayo ummaddooda, rabana si dulsaar ah ineey ugu noolaadaan.


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.